lundi 17 décembre 2007

KHALIIF SH.MAXAMED(MARUURYO)

Khaliif Sh Maxmuud Abshirow micnaha gabay haddaad mid iga weydiisey wiilyohow madluunbaan ahaa maalin iyo leyle intaas waan mugleeyahay sidii gorayadii muune Mas la diley sidiisaan madaxa meerinahayaaye Sideydana waxaan maaganahay waa wax kaa maqane Magliga daabo maahane si kale hay maleynina Adduunyadan maraabeysay oo murugtey ee xiintay Ee uu Mareexaan u kacay waa masala weyne Gardarradaas mutuxan waa dagaal waxaan ka miisaaye Maruuryoodayeey xalay miyaan miray caloosheyda Muskii layga soo galay miyaa dhaxani mowleysay Goortaan wax milicsaday miyaan cadho madoobaadey Midigta iyo bidixdii miyaa midiba meel aaddey Markabkaan ku tiirsaday miyaa meeshii laga qaaday Maxamuud Saleebaan miyaa marada loo taagey Mililkiyo hurgumadii miyaa uurka igu miirmay Sidii aar mudi ahaa miyaan micida soofeystay Ma inaan colaad maamulay dani i moodsiisey Majeerteen Ilaah wuxuu ka dhigay malab sidiisiiye Sidii miraha Doocaan ka baxa muudsey aadmiguye Nin waliba wuxuu mihindisaa inuu magawshaaye Agoon maalki laga qaadayoo meel kastaba jooga Mareykaanka naagaha xidhee madaxa loo saaray Oo mudanayaashii jeclaa mawdka laga yeelay Dadku mowdka waa iska ogyohoo maalikbaw qoraye Meydka iyo raqdoodii miyaa laga dul maansooday Sidii waxaan muslin aheyn miyaa muxubbo loo laayey Madficii iyo rasaastii miyaa meel kastaba gaadhey Kulli midhaha Daarood miyaa keen isugu miirmay Ma kuwii aan hartiga moodayaa soo mashxaradaayey Maangaab Dhulbahanta ah miyaa nagu malaabeeyey Mergi-kuusyadii hore miyaa muruqa noo tuujey Mahanniga Ugaadeen miyaw mabay xumaanteenna Warsangeliga maahee dadkii mayna wada meershey Inkastoy bahnimo muujiyeen sooma mayl bixine Malkadaan ka sugayiyo may iman mooshin kaan rabaye Haddey ficil maqiiqaan warmuhu nama muquunsheene Macaan iyo xareed bay idaha kaga macaashaane Macna ineeyan noo tarin miyaa meesha ka caddaatay Iidoor marduuf qaada helay waa majnuun falane Hilib maraq leh iyo roodhigey miisanahayaan Macnaha dowladnimo leedahayba uma muraadaane Caynaanshe meeshii la dhigay haadku malafleeye Mudafkiisu waa kii dugaag maalin weyn cunaye Maskaxdiisii waa tii tukaha looga dhigay miile Nabadbay macaansanahayaan wawse maan li'iye Wallee ama magaalada Berbera dhiiggu mulacyeeye Ama sida mawaashiga ratiga mayr lagu saarye Hawiye meel uu joogaba dagaal weyska maanacaye Maankaba ka jare raganimaan meel ka soo geliye Maaraha Siyaad baa ka dhigay maata caanalehe Abgaal oo mihiigaan ka badan jaraha loo miiqye Mudanihii Gabayruu ka diley oo mar soo baxa'e Waxay talo ku goosteen inay moxogga diidhaane Habargidirta mudugjoota ee maashu wada soocday Ee layska maamulanahayoo deyrka lagu meershey Ee sida halah maydabta ah layska maalaayo Iyaba mahadhada waa qabaan ceeb muggooda ahe Murursade iyo Cayr iyo haddii Sacad la miireystay Marna iney maya oran kareyn kama maleeneynin Hadalka hayga moodina inaannu maaran waa nahaye Sidaan maanta nahay yaan la oran laga milroonaaye Maruunbaannu mowjada xirmiyo maayad soo kicine Nabsigaan mugdiga gudahayaa maruun heleynaaye Caruuraha maryaadaya iyo Dumarka mowleeyey Maruunbaa marwada Maxamed qabo noqon masaalkoode Maruunbaa mid lagu meel maro iyo maahir noo kiciye Maruunbaa rag wada miiggan miiddi soo bixiye Maruunbaa madhada Caabudwaaq miig ku soo degine Ninkii tiisa maamulan karaa kuu muraad falahe Magaalooyiyo lama martiyo lebiyo meygaage Bal inaad idinku naga maarataan wax is moodsiiya Afartaas intaan miin ka deyey meel ma qabadsiiyey Ragbaa gabayga meermeeriyee marindhac maw diidey Macna kale waa hadal yar aan meesha kala yeele Maraweyntii reer Cumar ahayd meher xalaaleeye Midguhuba ma yeeleen waxay madaxa saareene Aw Muuse gabayguu marshaa meesha soo galaye Waxba yaan micna la'aan xarago suuqa lay marine Waxba yaan matoobi iyo shaal lay mardaadine Waxba yaan dad mudan baannu nahay lay maqmaqashiine Haddaad geel mulki ah leedohoo xero u maageerto Mareerkiyo galoolkiyo haddey magacley daaqeyso Oo kuraygu muraha u sidoo maraq u dheesaayo Ninkii maagistaada iyo fidmada muhashadeed haysta Haddii uu martabbadaadi hore sax u maleyn waayo? Marka hore midbuu kaa qalaa muunad loo dhaline Murre haddey dhadhami weydo iyo dacar la soo miiray Oo uu raggii maali jiray soo mur bixi waayo Muluf iyo haddey wada mohollibiin tuunsan Doqontii maldahan hawga biqin maayal dirireede Mar labaad rogaal weereraa lagu mayiiraa Oo muqalladoodii rag kale garabka meershaa'e Cabdulqaadir bay maraqsadeen maalin duhukiiye Mishingaanku goortuu dardaray mahad ma moogeyne Macaan dhereg la'yahay ceebtu waa meheraddiiniiye Nimankii middida saaray baa meel la hurudeene Ood waliba maamuus salaan ugu mihiibteene Inaad diini magantiis tihiin idinma moodeyne Dabadeedna muurmuursigii lagugu meydhaanye Toban iyo toddoba madax ah oo uuskii laga maaxshey Is maxamuudintiinaas xun baa loo makaabsadaye Mahwigii xalwiyo laga tuur malawgi dheeraaye Cirro inuusan meel roon ka dhalan waw makshuuf qabaye Magac ba'aye Ciisaan lahaa way mitidayaane Cismaankii is maahuurin jirey malihi beenowye Haddii muran dhexmaro reer tolkood ways mutuxiyaane Goortey shisheeyaha mutaan reer marti xumooyin Raggi shaaribbada miiqi jirey waa makaan dumaye Waa taad majeerteen yaryare nagu magacowdeene Murti haddaad la haydeen wax tara lagu muquuneeye Ibraahiinno milanbay qabaan mur iyo deeqaabe Moortaayihii shalay ku dhacay lagu mahlaakeeye Ulud dheer middii lagu dhiftay doc ula miiqmeene Mottarkii shirshooruhu markuu kor u muquufaayey Allaaba waa gargaar meel maraa ugu miciintaane Goortii la mariyaa kalgacal wada maqsuudeene Ninba maalinbaa loogu iman maxastadiisiiye Qoladay markaas haysataa kaga maqnaateene Xasidnimada maarowdey waydiin macaantahaye Mahwiga Cali saleebaan haddaan mirar ka faaleeyo Waa niman mallay inay gurtaan maanka kaga taalle Waa niman aan ficil muujin karin maalin lays galaye Iyagoo malyuun iyo malyuun mira saruu dhaafay Waa niman masaakiin yaryara lagu masaalaa Waa niman micnaha ay wataan lala mashquulaa Waa niman mucaarad iyo toos aan midna ahayne Waa niman aan meelna uga jirin miis rag leeyahaye Malagii walaalkii nin jecel murugo waw kowe Ragga lagu malkhadayaa waa mahurtadiinniiye Maruun inaad is deydaan way kaa madowdahaye Mataraariyaha lagu furaa keligood moodeene Goorti mir iyo mayrac iyo malabsi loo laysto Inaad adigu marax keyda tahay wayska moogtahaye Muusiyo Ismaaciil bahdood kama masuugaane Mar haddey makaabbada jebshaan maara laga waaye Magli kugu dhegayey sidiis wax u maroorshaane Marse haddan kor u qayliyoo mirar u yeeryeero Moxorkii jeceeleed haddii firimbi mawleeyo Haddii aan magaalada qandala oohin ku ag meero Madaxyada walwaaleed haddii belo muluufaanto Ceelkii mareegsane haddii qiiqu mulufleeyo Marsabadiyo xeebaha haddii laysu mariwaayo Maskantii haweenkiyo haddaan marashi dheer qaato Madal laysu soo baxay haddaan muusanaw kiciyo Waxaan maanka ku hayaa inuu maata doox dhicine Annagoo makiinada laliyo moodhar ku ordeyna Oo caradu naga muuqataa mowqifkii imane Eebbow waxaan maagganahay yaa maslixidoonna

0 commentaires: