Garaad Cabdillahi Maxamed Guuleed:Shirka Khaatumo2 Qurbajoogta Ha Loo Daayo . -(Video)-

Shir balaadhan oo ay isugu yimaadeen qaybaha kala duwan ee bulshada reer Sanaag ayaa waxay si lixaad leh ugu taageereen,qabanqaabada iyo qabashada shirka khaatumo2 ,shirkaas oo la filayo in dhawaan lagu qabto Magaalada qaddiimiga ah ee Taleex.
Halkaas ayaa waxaa qudbad qiima badan ka jeediyey Garaadka Beesha Naalaye Axmed ,Garaad Cabdillahi Maxamed Guuleed iyo wax garad kale oo deegaankaas ka tirsan.

Garaadka ayaa asagoo ku hadlaya magaca shacabka reer sanaag,madax dhaqameedyada iyo magaciisba wuxuu ku taliyey in shirka khaatumo2, loo daayo qurbajoogta, asagoo ka dayriyey shirarkii hore ee isimadu qaban jireen.Garaadka ayaa talo dhexdhexaadina si dadban ugu diray saxaafadda SSC iyo qolyaha garoowe jooga si aan khalkhal u imaan.

Garaad C/Laahi maxamed guuleed ayaa si indheergaradnimo leh uga digay in la carqaladeeyo shirkaas ,laysugu diyaarinayo magaalada Taariikhiga ah ee Taleex .Garaad C/Laahi maxamed guuleed ayaa noqonaya Garaadkii ugu horreeyey ee reer ssc oo ku taliya in madax dhaqameedyadu faraha kala baxaan Khaatumo 2, shirkaasoo laysla horfadhiisan doono arrimo culculus oo aysan ka maqnayn ka hadalkeedu arrimo milatari iyo kuwo siyaasadeedba ,waxaana u dhan Beelwaynta Dhulbahante gabi ahaanbteed.