dimanche 9 décembre 2007

WAA GABAY CILMIYEYSAN KUNA SAABSAN XAALADA DHULKEENA HOOYO EE SSC

Hobolkiyo abwaankii markii heer la wada taagey Ee heestii gabay lala simaan hawlyaraan dhigaye Hawraarta suugaanta wuu ugu horeeyaaye Aniguna hidaha kama lumine waan hawadiyaaye Hogeedaan aqaan iyo halkii ugu haboonayde Caawana afkaa ii hud huday hadal colaadeede Ficil baan is hayn waayey oo soo hankaabsadaye Waligeyba wow hiilin jiray duul halaagsamaye Waana hoga tus weedhaydu iyo say hadhow noqone Halawgaan diraa dhegaha waa inuu haleelaaye Hawd iyo nugaalow i maqal waad hawiranteene Hog inoo qodnaa baan galiyo hogobyo shaydaane Haybaddaan lahayn way luntiyo hor umarkeeniiye Habraa ina qabsaday iyo wixii haarufta lahaaye Inaan hogano iyadoo isaaq inagu heesaayo Hog inaan gallaa igala wacan habacsanaantaase Nafta hura dhulbahantow ma jiro hiil idiin maqane Hubkana qaata gobanimadu waa haybad iyo shaale Dabka hadaan la hurin iyo dagaal lagu huruunshoodo Aan hoobiyaha lagala hadhin hawsarkiyo jiibka Hamigay wax badan goobayeen waw hirgalayaaye Heeryada ridaay maanta waa kala hayaankiiye.......... Hadii awrku heeryada cunoo hiigo raradiisa Haamaha ku raran baa ku dhiga haaro iyo booge Hungurigii galbeed loola kacay lagu halaakowye Haaweydii ina iibsataye soo hor kacay huushta Ee soo hirgeliyaa hadeer hoos u foorara,e Hagarta waxay u gelayeenba waa haamo buuxsada,e Hamigooda liitaa ku furay gegi habaas weyne Hooyadii nin qixiyoo tolkii haadda ugu yeedhay Aan himiladiisiyo la garaf hadafka uu dooni In bulshadu hogaamiye tidhaa lagu hankaageeye Rag haliiley wow halis inay hanaqa gooyaane Hilbahooda hadii aan la wadhin oo haada la cunsiinin Aynaan hareeraha ka gelin sida halaambeyda Aan loo heshiin inay noqdaan hadur wixii gaadha Hayhaata weeyaan waxaad ku hadayaanteene Heeryada ridaay maanta waa kala hayaankiiye......... ....... ........ ........ ............ . Ma haboona dhabayaco inaan hiil ka dayanaaye Hartigii la eeday badhkeen haybiyaan weliye Ka soo hadha majeerteen hungaad uga dhacaysaane Hanad waxaan lahayn xamar hadii lagu horaysiiyey Laaskana la haystoo hadeer holoco qiiqaayo Tabcay nala heleen ay mindidu heedhay boqontiiye Ha yeeshee gob lama haysan karo heegan weyn galaye Hibo wow lahayn geesinimo tan iyo haabiile Guutooyin soo humiya oo dirir u heenseeya Iyagaa markuu holocu gubo dib u haduurlayne Markaasaa habkii dawladnimo noo haboon yahaye Heeryada ridaay maanta waa kala hayaankiiye.............................

0 commentaires: