vendredi 25 janvier 2008

RAG WAA KII HORE HADALA WAA INTUU YIRI

MAQASHIIYA UUNKA(SAYID MOXAMED CABDULLE XASAN) Waa mar kale iyo taxenihii ahaa “rag waa raggii hore, hadalna waa intuu yidhi” Waxaan moogan soo qaadanaynaa geeraar uu mariyey Sayid Maxamed Sheekh Cabdille Xasan. Heshiiskii Illig Daldala ee dhexmaray Daraawiish iyo gumaysiga, Talyaani iyo Ingiriis, 1905tii ka dib waxay Daraawiishi goosatay inay ka shaqayso sidii Soomaalida looga dhaadhicin lahaa khatarta iyo khayaanada gumaysiga, loogana digi lahaa dhuxdhuxlayaasha u adeega gumaysiga. Wufuud iyo culimo dadka soo wacdida ayuu Sayid Maxamed afarta baynu jahaba u diray. Wuxuu faray inay degaan walba tagaan Soomalidana ku waaniyaan inaysan gumaysiga gacan siin, diintooda iyo dalkoodana ka difaacan gardarada aan geed loogu soo gaban ee Ferenjiga. Culimadaa waxaa ka mid ahaa Cabdalle Shixiri iyo Xirsi Afdiir oo uu u diray degaanka qaarkii. Nimankaasi kolkii ay ambabaxayeen ayuu geeraar fariin ah Sayidku mariyey. Wuxuu yidhi: Cabdalla maan qaboobiyo Xirsi maakib laawow Mid yar waxad tidhaahdaan Murtidiinta Reer Hagar Habar Yoonis madasheed Mariya weedha aan idhi Toljeclaha muraadkaygiyo Masafadayda ula taga Maqashiiya uunkaba Miyir inuu ku soo galo Mid mid waxow tidhaahdaan Nimanka mooradii furay Mawaaciidada diinkii Ma wax laysku maagaa? Jahaadka mooshinkii galay Ma wax laga maqnaadaa? Mushahaaro been ahi Ma wax lagu magaagaa? Luxudkii madoobaa Ma lays moogadeeyaa? Muufadii cadaabeed Maw adkaysanaysaan? Nin gaal u midiidimay Mici naar inuu geli Kutubtaa u maragee Ma wax laga murmaabaa? Mushrik inaad jeclaataan Amaad mudan ku sheegtaan Hadaydnaan mujrim ahayn Masalo maad u haysaan? Masalo-gaabyadiinaa Meel daran idiin diray Labadaa meeris ee kore wuxuu ku ridayaa wadaadadii Soomaalida ku wacdiyey inaysan haynin tabar ay gumaysiga kula diriraan, hubkiisa mid u dhigmana aanay wadanin. Waxay yidhaahdeen nin kaa xoog badani hortaa ayuu xanaaqaa sidaa awgeed Ferenjiga haynagu carinina. Wadaadadaa ayuu dhaliilayaa. Muftida waanadiisii Idinkaa ka maagtoo Macbuudkii Rabbi ahaa Idinkaaba moogoo Maxsharkiyo qiyaamaha Idinkaa munkirayoo Maqfiradii Illaahay Idinkaa ka maarmoo Macaankii Firdowsaad Idnkaa muraystoo Muminimada laabta ah Idinkaa mantagayoo Minidiina gaalowday Idinkaa muquunshoo Kufriga idin mahoobiyey Idinkow miciinoo Makaankii shareecada Idinkaa matamiyoo Muslinkiyo qusuusiga Idinkaa makalayoo Maalkii agoomeed Idinkaa malkadayoo Masxafkiyo quraankii Idinkaa maljadayoo Waxse mawtigiin galay Ama malag idiin yimid Kolkaad Muxamedkiinii Malcuun uri ka raacdeen! Mariyoo macneeyaye Mid kaleeto waxay tahay Waxaan maqalay Ferenjigu Inuu miiri idiin qoray Raciyad ama ‘riders’, Soomaaliduna u baddashay Rayad kuwaas oo ahaa qabaa’il Ingiriisku hubeeyey si uu isaga xijiyo gumaca Daraawiish iyo qabaa’ilka kale ee kasoo horjeeday gumaysigiisa ayuu u dan leeyahay. Ingiriis ayaad dabadhoon u noqoteen ayuu ku canaantay. Waxaan maqalay maalkii Inuu idinka meersaday Waxaan maqalay ooryaha Mitan inaad ka waydeen Waxaan maqalay madaxdiina In madiidin laga dhigay Oon miis yar mooyee Maydho geel la siinayn Waxaan maqalay maahyahow Magiciin inuu bay Niman Soomaali ah oo gumaysiga guno ka qaadan jiray una shaqayn jiray ayuu meerisyadaa kore ku halgaadayaa. Intaasoo masiiba ah Waxaa igala maad badan Maska iyo abeesada Magta aad ka bixisaan Aydaan midigta fidinayn Aar hadduu ku micyeyn Lixda meeris ee u dambeeya waxay ka hadlayaan xukun Ingiriisku kusoo rogay gobolada waqooyi kaa oo ahaa inaan dhirta la goynin, duurjoogtana la dilin. Ninkii lagu arko ama lagu maqlo inuu laan gooyey ama duurjoogta wax ka dilay waa la xidhi ama waa la ganaaxi. Soomaalidii miyiga ku noolayd, sidii ay doonaana u isticmaali jiray ayuu xukunkaasi dhibay. Sayidkuna xasaasiyadaa ayuu ka faa’iidaysanayey. Geeraaro iyo gabayo heshiiskan iyo geerarkan la socda ayaan soo wadnaa. Ha u daymo la'aan.

0 commentaires: