jeudi 24 janvier 2008
RAG WAA RAGGII HORE HADALA WAA INTUU YIRI
DILKII GARAAD CALI, GONDOGOOYE ,KALA KICI GURDUMI
Waa qayb cusub oo ka mid ah dersigii taxaneha ahaa ee summaddiisu ahayd ‘rag waa raggii hore, hadalna waa intuu yidhi.’ Waxaan maanta soo qaadanaynaa gabaygii Cabdi Xirsi ka tiriyey Gondo Gooye iyo taariikho kale oo la midab ah. Akhris wanaagsan.
Dhawrkii sano ee ka horreeyey 1901dii waxaa dhacay saddex arrimood oo la odhan karo waxay saamayn xoog leh ku yeesheen geedi-socodka halgankii Daraawiishta ee mudada dhawr iyo labaatanka sano ah socday. Saddexdaa arrimoodi waxay kala yihiin:
Dilkii Garaad Cali Maxamuud ee Oktoober 1899
Dagaalkii Jigjiga ee Maarso 1900, iyo
Kalakacii Gurdumi
Garaad Cali Garaad Maxamuud Garaad Cali wuxuu ahaa garaadka guud ee Dhulbahante, wuxuuna tirsadaa boqortooyada Shirshoore oo ah boqortooyo fac weyn. Sida la ii sheegay, silsiladda garaadnimo waxay maanta maraysaa 19 garaad. Waxay Garaad Cali iyo Daraawiishi is gafeen kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay Garaadka iyo taliskii xarunta dabadeed uu Garaadku xaruntii ka guuray colaadna ku talagalay. Wuxuu diray laba warqadood oo uu midna u diray madaxdii Ingiriiska ee Berbera fadhiday midna u diray boqor Cismaankii Majeerteen. Waraaqahaa wuxuu kaga cawday in wadaad Ogaadeen ahi Nugaal la wareegay dadkiina isku dubbaritay sidaa awgeed uu u baahan yahay inuu helo ciidan iyo xoog uu kaga hortago wadaadkaa. Waraaqdii Ingiriiska ku socotay ayey Daraawiishi gacanta ku dhigtay.
Kolkii waraaqdii xarunta la keenay ayuu Sayidku fariin u faray Garaad Cali oo ku yidhi bal ii imow aynu tashanee. Garaadku codsigaa wuu yeelay, xaruntii ayuuna wadatashi u yimid isagoo moog in waraaqihii uu diray midood Daraawiishi qabatay xaruntana ay taalo. Sayidka ayaa dabeed ku yidhi “Garaad xarunta lagaama laha ee kusoo noqo jahaadkana taageer.” Wadahadal dheer ayaa dhexmaray. Sayidku wuxuu aad isugu dayey inuu Garaadka soo jiito oo uu xulufaysi ka helo hase yeeshee Garaadku arintaa wuu ka madax adaygay wuxuuna istaagay “degaanka iyo dadka Nugaaleed anaa u taliya ee wadaadyahow wixii diinta ku saabsan ku ekow.” Intaa ka dib, Daraawiishi waxay is tustay in Garaadku collaystay Daraawiish iyo Nugaal joogitaankeedaba, waana la xujeeyey, ka dibna la dilay. Garaad Cali wuxuu ahaa Soomaaligii labaad ee gacan Daraawiish ku baxa.
Garaadka hortii waxay Daraawiishi 1898kii xujaysay nin la odhan jiray Fidhin Qodax oo Habaryoonis, Isaaq ahaa. Waxaa la yidhi, Fidhin iyo wiil qowsaar u ahaa ayaa isku maandhaafay xidhaaladii uu qowsaarku qaadan jiray dabadeed qawsaarkii ayaa faras la soo baxsaday lana yimid xaruntii Daraawiishta. Fidhin ayaa ka daba tagay oo yidhi faraska ninku wuu iga soo dhacay ee ha la ii celiyo. Waxaa lagu yidhi adigu in faras lagaa dhacay ayaad sheeganaysaa ninkanina in aadan xaqiisii siin xidhaaladii uu shaqaystayna aad u diiday ayuu ku dacwiyey, sidaa awgeed shareecada Islaamka ayaa laydinku kala saarayaa ee diyaar ma u tahay? Fidhin arintaa wuu diiday oo wuxuu yidhi dacwo haddii aan qabo Ingiiska ayaan u tagayaa ee faraskayga ha la i siiyo. Mar haddii uu xukunka diinta Islaamka ka doortay midka gaalka, Daraawiishi ninkaa way xujeysay waana la dilay.
Dhulbahante aad ayuu uga xumaaday dilka Garaad Cali, habeyn madow ayeyna xaruntii ka guureen Reer Caligeri ma ahee. Halkaa wixii ka dambeeyey lafaha ugu badan Dhulbahante sida Maxamuud Garaad, Bah Ararsame iyo Reer Hagarba Ingiriis iyo xeeb, bari iyo Boqor Cismaan, Mudug iyo Keenadiid ayey madaxdoodii ka cidgashay, colaad iyo dagaalo aan kala go’ lahayn ayeyna Daraawiishi kala kulantay. Gabayo badan oo Sayidka iyo rag kaleba ka tiriyeen khilaafkaa ayaa jira.
Iyagoo awalba colaadaa qabay ayey Bah Ararsame waxay gaar ahaan sii eersatay dilkii Faarax Maxamuud Sugule oo ka mid ahaa raggii shirqoolkii Canjeel wax ka abaabulay, ka dibna baxsaday oo Ingiriis u galay. Isagoo guuto Ingiriis u hubeeyey wata oo ku sugan Laaso Daar iyo Widhwidh agagaarkeeda ayaa niman Daraawiish ah oo Webi Shabeele Daraawiishtii deganayd ka soo noqday ka soo dul dhaceen. Qadar Alla, isagoo kaligii geed Higlo ah hoos jiifa oo aan wax col ah filaynin ayey si kadis ah usoo dul istaageen. Jaantii iyo shanqadhii nimanka ayuu ku toosay. Degdeg ayaa la isu gartay ileen nin madaxda Daraawiish ka mid ah ayuu kol dhow ka hor ahaaye. Eedda uu qabo Faarax ma moogayn, wuxuuna isku dayey inuu cago ku baxsado, laakiin nimankii ayaa markiiba afar waran isu dhaafiyey. Halkaa ayuu ninkaasina ku baxay.
Dilka Faarax wuu dambeeyey, laakiin dilka Garaad Cali iyo colaadii ka dhalatay saamayn xoog leh ayey ku yeesheen amaamudkii jahaadka, sidaa daraadeed Daraawiishi carro Dhulbahante way kasoo guurtay oo waxay degtay carro Ogaadeen gaar ahaan Doollo, Dig, Ciid iyo inta la ollaga ah.
Muddo gaaban kolkuu degaankaa joogay, awood fiicanna kulansaday, jilibyadii halkaa ku dhaqnaana taageero ka helay, wuxuu Sayidku abaabulay duulaankii koowaad oo uu ku balaadhiyey Xabashidii Jigjiga haysatay. Dagaalka Jigjiga wuxuu dhacay Maarso 1900kii wuxuuna ahaa dagaalkii ugu horreeyey ee dhexmara Daraawiish iyo gumaysiga. Difaaca uu dadkiisa gumaysiga iyo garadaradiisa ka difaacayo waxaa u dheeraa oo ujeedooyinka uu Sayidku dagaalkan ka lahaa ka mid ahaa inuu muujiyo in ciidan iyo hub-uruursigiisu ku wajahan yahay Xabashi iyo dhulbalaadhsiga xaqdarada ah ee ay ku hayso Soomaalida. Wuxuu Sayidku jeclaa in Ingiriis u dambeeyo oo ay marka horre Daraawiish iyo Xabashiyi kala war helaan. Isagoo iska dhawraya iskudhac dhexmara Daraawiish iyo Ingiriis ayuu Sayidku dhawr goor qalab Ingiriiska lagala soo baxsaday celiyey si Ingiriis u ogaado inaan Daraawiishi colaad u haynin duulaanna ku ahayn.
Laakiin sidii Sayidku jeclaa ma noqon oo dagaalkii Jigjiga wuxuu Ingiriisku ka fahmay awoodda iyo kani-adaygga Daraawiish, wuxuuna isku qanciyey inaan xero u oodnayn haddii Daraawiishi xididaysato. Wuxuu kaloo dagaalkaasi isu soo jiiday Ingiriis iyo Xabashi oo go’aansaday inay si wadajir ah wadaadka uga hortagaan. Sidaa awgeed, dagaalkani saamayn weyn ayuu ku lahaa qaabaynta halgankii Daraawiishta.
Kalakacii Gurdumi wuxuu ahaa shirqool ay niman Reer Dalal, Reer Cabdille, Ogaadeen, ahi u dhigeen Sayidka, wuxuuna dhalay masiibadii Gondo Gooye. Dagaalkii Jigjiga ka dib, Daraawiishi way bulaashay, tolal udbahoodii iyo dhigahoodii wata ayaana soo galay. Kuwii aan wali iman ayuu Sayidku rag u diray oo yidhi waa inay dariiqada kusoo biiraan, jahaadkana taageeraan. Inkasta oo rag badani amarkaa Sayidka u riyaaqay fulintiisana ku dhaqaaqay haddana waxaa jiray rag ka gows-qabsaday laakiin aan ku dhiiran inay toos maya u yidhaahdaan. Nin la odhan jiray Shide Dhabarjilic ayaa isagu si toos ah arintaa uga dhaga-adaygay, dareenkiisana aan qarsan. Shide waa la xujeeyey waana la dilay. Ninkaasi sidaa haddii uu ku dhintay ayaa, waxaa la yidhi, Sayidka hadal ka baxay, hadalkaa oo shaki galiyey sababtii Shide loo dilay. Hadalkaasi wuxuu ahaa “war Shide Dhabar-jilic Xasan Jiijiile ma u aaro galaa.” Dhacdadani qiso dheer ayey leedahay laakiin intaa ayeynu haatan isku koobaynaa.
Intaa ka dib, nimankuu Shide ka dhashay ayaa gadooday kana xumaaday dilkaa iyo hadalkaa ka daba yimid. Waxay ku heshiiyeen inay Sayidka ka faraxashaan, dariiqadiisu inta ay curdanka tahayna ay saqiir suujiyaan. Shirqool ayey haddaba dhigeen. Sayid Maxamed ayey rag u direen oo ku yidhaahdeen sidii Alle noogu kaa keenay kuuma aanan dabaaldegin, ee waxaan doonaynaa inaan kuu damaashaadno ee taariikhdu kolkii ay intaa tahay balliga Gurdumi ha inoo ahaato. In kasta oo mar dambe shaki ku dhashay, haddana Sayidku arintaa wuu aqbalay. Gurdumi ayaa xilligii la ballamay la isugu yimid, shirqoolkiina lagu fuliyey. Alle mahadii, Sayidku wuu ka badbaaday dabinkaa laakiin labada dhinacba rag badan oo Aw Cabbaas ku jiro ayaa goobtaa ku qudhbeelay.
Waa la kala aamin baxay, qolo walbana dhinac ayey isu uruurisay. Nimankii shirqoolka ka dambeeyey ayaa shiray kuna heshiiyey inay Sayidka guddi maslaxo raadis ah u diraan. Waxay soo xuleen 33 nin oo midba midka kale ka daran yahay Sayid Maxamedna ergo ahaan ugu direen. Ergadaasi waji fiican lama kulmin oo kolkii ay xaruntii tageen ayaa la xidhay. Sayidku wuxuu faray fariin ah in Reer Dalal nimanka furto kuna furto laba qori oo Daraawiish lagala tagay iyo 100 neef oo geel ah midkiiba. Kolkii dalabkaas Reer Dalal fulin diiday, nimankii maxaabiista ahaa Daraawiishi si arxandarro ah ayey ula dhaqantay. Oo waa sidee sidaasi? Labo labo ayaa la isagu xidhay kadibna addimada ayaa bir lagaga jabiyey, ugu dambaynna dhammaantood la laayey.
Kalakacii Gurdumi iyo Gondogooye waxaa iyagana la odhan karaa saamayn xoog leh ayey ku yeesheen taabogalka halgankii xaq u dirirka ahaa ee Daraawiishta. Rag door ah ayaa gabayo ka tiriyey dhacdadan. Gabaygan hoose ee hodanka ah waxaa mariyey gabayaa la odhan jiray Cabdi Xirsi oo nimankaa la laayey ay isku raas ahaayeen. Wuxuu yidhi:
Gabay layga waa Maxamedow, garashadiisiiye١
Indhawaydba geesbaan ka maray, gole ka sheegiise
Geeraaradii iyo ka hadhay, gooddi iyo faane
Gedisaday geddaan odhan jiroo, waanigaa gudhaye
Geddii nimaan aqoon jirinna waa, lagu gulaalmaaya
Waa kaan gardiidaye beryey, gunno i saarayde
Gadhka waxaad i haysaba haddaan, kuu godlanayaaye
Bal garwaaqso gaban baad tahaye, gololadaan tooxi
Guntaan nahay xaajada wada gubtaan, xalay garraadeeyey
Meeshii go’aankeedu yahay, gacalow hay seejin
Gabay Hawle iyo Raage iyo sidii, geddii Weerar
Afartaa gar layskuma qasee, ma u gufaacooday
Galsho lama dhurtee sow midkani, gacankii Eyl ma aha
Meeshaan u goof xaadhan jiray, gaw ma kaga siiyey
Guulaamo roob iyo sidii, galal biyoobaaya
Gaaroodi lagu weerar yahay sida, gammaan xoogle
Girligaan dawaarliyo sidii, roob guyoo hooray
Ama sida gufaacada baddiyo, mowjad galab joogta
Ama goor gariimadi dhacdoo, galowgu dhiiloobay
Ama goos aroortii la riday, gaaddan iyo raacdo
Ama culimo geed waabatoo, subac ku gawdiidda
Ama odayo guurti u baxoo, xaajo gu’i wayday
Ama Ferenji gaardiyahayoo, gaadhka laga meershay
Ama ceel galshaysiya dadkoo, gamashi boobaaya
Ama giir-yar geeddiyo hayaan, gubayo oon hayso
Ama goodir dhalayoo ilmihii, gurada loo saaray
Ama naag raggeedii go’ayoo, gocasho ooyeysa
Ama awr gugiisii da’ayoo, gaane lagu qooqshay
Walee xalayto goortii la leday, gawdii iga yeedhay
Guuxayga iyo reenkiyo, gubashadii laabta
Gorroskaan ilamada duugayiyo, gododkii aan jeexay
Gelbidhabadka goortaan hurdada, gudub usoo booday
Ninkii garasho lay fiiiyaye, gama la’aantayda
Guhaaddiyo waxaa iigu wacan, gibilka lay saaray
Aakhiro raggii iga galaan, soo qarwaaqsadaye
Gergeyrtaad ogayd baan tebiyo, goosankii lumaye
Godka kalama soo bixi karee, waa galoof olole
Waa garab la’aan meesha iyo, galabtii Dhiitaade
Gondogooye siduu noogu dhacay, gaasir baan nahaye
Ganku way madow yahay sidii, gubad abaareede
Geesaaska dumarkaa qalbigu, ila gariiraaye
Goonyaha waxaa iga xigga, gole ogoomeede
Geestaan u meeraba haween, guud cad baa tubane
Geblan weeye reeruhu haddaan, geesiyaal kicine
Shirkan laysku wada guulayaa waa, gabbood madhane
Gubni odaya gaas wada dhashoo, geed ka kici waaya
Gadh-caddaayo xaajada hayoo, garasho loo daayey
Garta niman yaqaanoo la waa, tooda loo go’o e
Eebbow xaggaa naga gargaar, guushu waa adiye
Gaban kale waa sida adduun, noo gilgilay haatan
Mar haddii guddoon naga dhintoo, boqorna geeryooday
Gaanigii Xuseen iyo haddaan, gacal adeer waayey
Gobonimo haddii aanan damcayn, gacanta lay saaro
Gaddii hore hadday naga gudhoo, lay gadh qaadaayo
Gaadiid haddaan ahay la rari, gu’i iyo jiilaalba
Gabbal dhiciyo waagii baryiyo, goor Alliyo fiidba
Naftoo ila gariirtiyo anoo, gaadasho u taagan
Gumcadliyo Mareexaan anoo, sedo u gaynaaya
Gadh-cun reer lug-gaab ihi hadduu, iga gol roonaaday
Goobtii hadduu igaga hadhay, garicii ceeboobay
Gaalkaan nebcaa iyo hadduu, ii guntaday Caamir
Hadduu Maxamed gaal-layska iyo, gamaska ii looshan
Geyigaan iqiin iyo hadduu, Doollo naga geeyey
Ceelkii Garlowgubay hadduu, gobonimo u qaatay
Doh intaan ka gaadhiyo intay, goray ka foofayso
Godka seesha gooyaha Bankiyo, webiga geestiisa
Goglo iyo haddii aanan helayn, gurarkii Laandheero
Golxoodkii dhannaanaa haddaan, goray ka fuudeynin
Gaw iyo gaskii jiirta iyo, gala jabkii laagta
Geedaha bannaankooda simay, Miiro garabkooda
Gocondhaale iyo Caadiyo, Sebi garraarkiisa
Galka Simay gafiir iyo Dannood, Harasan guudkeeda
Isha Gawlalaaliyo Gar-duur, Xodayo guudkeeda
Godankii madheedhkiyo lahaa, geedsankiyo saarka
Gombisiyo gaankii Digeed, Goonle agahiisa
Gomoshaale geesaha Darroor, amase geel Faahis
Gahaydhkii Awaariyo ku yaal, Sagag gafuurkeeda
Milmil gawrarkeediyo waddada, Gubato loo qaado
Gobabkii Bullaaliyo dixdii, gunnadu noo tiilay
Garbidii Butaalliyo Ciyow, Gunagadoo doogle
Gosha webiga geediga Dhanaan, geedihii Elele
Intaasoo geyiga Reer Wacays, gocay ku maalaayey
Oo geelu ugu naaxi jiray, gu’i iyo dayrtiiba
Ninba garu u daaqaba haddii, maanta laga gaaray
Geediga haddaan laga dhigayn, loo genfaday awrka
Tawal goonyaheediyo haddaan, Wadal kasii guuray
Guro iyo haddii layga riday, gudihii Uu-uule
Guryihii Qotaad iyo haddii, Adari lay geeyey
Gurre nimanka sheegtiyo Amxaar, igu gadoodaaya
Gudabiirsay iyo Ciisiyo, Alado guuxaysa
Iidoor galbeed iyo haddaan, gaalo deris mooday
Gaashaan lasoo hooriyiyo, garab haddaan waayey
Sow haatan inaan gaaxiyaa, gabayga daw ma aha!
١Gabayga waxaan kasoo guuriyey buugga Aw Jaamac ee hoos ku xusan.
____________________________
Tixraax
Gabayo kale, waraysiyo iyo baadhis gaar ah.
I.M. Lewis. A Modern History of Somalia. Longman Group Limited. New York. 1980
Said S. Samatar. Poetry in Somali Politics: The Case of Sayid Mahammad Abdille Hasan. Northwestern University, Evanston, Illinois. 1979.
Aw Jaamac Cumar Ciise. Himilada Maansadii Hore. Xarunta Cilmi Baadhista ee Jabuuti. Jabuuti. 2005.
Aw Jaamac Cumar Ciise. Taariikhda Daraawiishta iyo Sayid Maxamed Cabdille Xasan. Akadeemiyaha Dhaqanka. Muqdisho, 1976.
Inscription à :
Publier les commentaires (Atom)
0 commentaires:
Enregistrer un commentaire
Dood Wacan Aan Daala Dhac Lahayn Baan Idiin Rajaynaya Walaalayaal.