Rechercher dans ce blog

mardi 27 décembre 2011

Daawo Heestii "Going back to my Roots" ee Kooxdii Odissey oo loo beddelay Taleex lee Immaw Good Point.


Going back to my Roots
Ereyadan going back to my roots ayaa u jeedadeedu ahay dib ugu laabashadii asalkayga oo ay tiriyeen dadka madaw oo leh Afrika ayaan ku noqonayna Halka Daraawishina ka tiri sidoo kale Taleex halaysugu tago illeen Taleex waa asalkiiye  So!!! so good so nice waa isku dhagdhag.
Gufacaale Roob:(gufacale@hotmail.com

dimanche 13 novembre 2011

Waraysi Xasaasi ah Madaxa Sirdoonka SSC (Video)

Madaxa Ciidamada sirdoonka SSC ee dhawaan shaaciyey waraysiyo iyo shirar hoos hoose oo uu la galay  isla markaana caalamka u  soo baahiyey munaafaqadda iyo qudhunka ku aasan madaxda goonni goosatada SNM,ayaa mar labaad u soo bandhigay DarwiishTV mahadi ha ka gaadhe, habka ay u fashiliyeen Kooxdaas,hadaba shardiid wuxuu idiin soo bandhigaya waraysigaas iyo qaar ka mida waraysiyadii hore ee geeska Afrika ku reebay taariikhda lama illaabaanka ah.

Waana ka ee nala dhegaysta -----------SIILAANYO 
Halkan Ka Dhagayso ———- > Qaybtii Hore Ee Sirtii Laga Helay Jamahda Siilaanyo Part1
Halkan Ka Dhagayso ———- > Qaybtii Labaad Ee Sirtii Laga Helay Jamahda Siilaanyo Part
 Faysal Cali Dhurwaa ama Waraabe

Dhagayso Faysal Cali Waraabe Part 1
Halkan Ka Dhegayso Maxamed Kaahin
Dhagayso Nuux Taani
Dhagayso Nuux Taani
Dhagayso Maxamed Kaahin part 1&2
Dhagayso Maxamed Kaahin Part 3
Dhagayso Axmed Cadami
Dhiibo Fakradaada (Riix meeshay ku qorantahy comments)

lundi 7 novembre 2011

Tom Hanks Poised To Play Capt. Richard Phillips In Somali Pirate Saga

EXCLUSIVE: Sony Pictures Entertainment is attaching Tom Hanks to play Captain Richard Phillips, the leader of the cargo ship Maersk Alabama who gave himself up as a hostage to Somali pirates to keep his crew from having to leave the ship with them. After three days alone with the armed pirates in a small lifeboat, Phillips was saved by Navy SEALs who staged a raid that left three captors dead and another in custody. Shortly after Phillips got a hero’s homecoming and signed with CAA to make a book deal, Sony Pictures optioned A Captain’s Duty: Somali Pirates, Navy SEALs, and Dangerous Days at Sea, Phillips’ memoir of the harrowing ordeal. Hyperion published the book last year. Sony Pictures’ The Social Network team of Scott Rudin, Michael De Luca, Dana Brunetti and Kevin Spacey are producing the film. Hanks sparked to a draft recently turned in by The Hunger Games scribe Billy Ray. Elizabeth Cantillon is supervising for Sony Pictures.
Hanks is currently working with Rudin in Extremely Loud and Incredibly Close, the Stephen Daldry-directed Warner Bros/Paramount adaptation of the Jonathan Safran Foer novel that also stars Sandra Bullock and is under way in New York. Hanks doesn’t attach to many projects, but he also made plans to star with Toy Story cohort Tim Allen in a live-action version of Jungle Cruise for Disney. CAA reps Hanks.
Source: deadline
Ka Dhiibo Fakradaada (Riix: comments)

mercredi 23 mars 2011

Waraysi:Sirdoonka SSC oo Ina Kaahin Ka Ummuliyey

Halkan  Ka Dhagayso Col- Mohamed Kaahin oo wixii calooshiisa ka buuxay soo butaaciyey.
dhagayso Listen
Ka Dhiibo Fakradaada (Riix: comments)

dimanche 21 novembre 2010

Gabay: Guur aan ka la’aado – By Xalwo Bulxan Cali

Gabay ay Aw-Yuusuf iyo Yamyam horay dumarka u tiriyeen oo Guur AAN KA LA’AADO ayaan aniguna uga jawaabay gabay aan ku tilmaamayo ragga intooda xun ee aan mudnayan in la guursado, sababtoo ah xumaanta nalagu sheegay mid la mid ah ama ka badan ayaa ragguna leeyahay, gabayga jawaabta ahna waa kan hoose:
1. Indhoweyd murtidii geyfanayd waanigaan geline
2. Waatii angees maray naxwihii guulle iiqoraye
3. Maantana waxbaa igu gujaye ma anan goobeene
4. Ruuxna gaar umay aha murtidu waa qofkii garane
5. Gabdhihii lacaayee xumaha gurada loo saaray
6. Haddii aan gar eexaad lanaqin waa gef hadalkaase
7. Idinkuba waxbaad geleleftaan kala guraysaane
8. Maxaa libin kugeeraarka iyo guusha idin siiyay
9. Guyaal iyo guyaal badan haddii nalagusoo guuray
10. Goor iyo ayaamaba haddaan ciil lagalawlaynay
11. Caro gaamurtaan wadaqabnaa gebi ahaanteene
12. Gacan bidix ayaad nagu waddeen tan iyo goortaase
13. Haddii ay gadoodaan habluhu lama guhaadsheene
14. Gabayaal inay noo keceen geliya laabtiina
15. Aqoonyahanno gaamuray oo murtida wada gorfaynaaya
16. Inay maanta wada geyfanyiin geliya laabtiina
17. Markiise aan garaadsaday iyohadoy garashaday buuxdo
18. Raggu waxay abiid guranayeen godob xumaanteene
19. Garaadli’i mahaysee gabdhaha jaaniskaa gabaye
20. Guriga iyo intaan ubadka iyo fool lagubanaynay
21. Nagu gaadde gabayada xunoo gubaya jiirkeene
22. Gafkaad naga gasheen inuu ciqaab idin gayaysiiyo
23. Rabina idin gargaarin oonabsigu idinku soo guuro
24. Guyaal baan sugaynoo waqtigi waalasoo galaye
25. Guryihiyo haddaad naga jafteen ubad gardaadsiinta
26. Angoogaalaysannee ina ragow goobta noo fidiya
27. Guushuna kuway raacdo aan wada guddoonsiinno
28. Afartaa gorfeeyaye midkale aan giraangiriyo
29. Geyriyo ufada soo dhacdiyo yaare aan geliyo
30. Gucumaale aar iyo sidii goosha an ureemo
31. Aan guul-guulo afarrey guntaha guushu waa aniye
32. Gosha aan laboxo kaan naxwaha garan ujeedkeede
33. Xaajadana aansoo gambiyo waygun weyn tahaye
34. Awyuusuf gabayguu tirshiyo gedihi uusheegay
35. Yamyam wuxuu kagaaftee uuyiri guur anka la’aado
36. Aniguba gaddaas oo kalaan qaybka gaabsadaye
37. Namawada geyaan nimanku oo qaar ayaa gurane
38. Kuwa gogosha aanloo dhigayn goyn anka higaadsho
39. Dabaguraha gooraha xun jecel gabar ardaa jiifta
40. Gaatamaha tuugada uguda goordhexiyo leylka
41. Gaajoonahaas aan dhergeyn guur ankala’aado
42. Midka giniga haystee kuxira jeebka gudihiisa
43. Een garanin reerkaaga geli guulle wuxuu keenay
44. Intii aan galluubnaan lahaa rafaad guur ankala’aado
45. Marti geyre dhaxanliyo kutimid guure iyo dheelmad
46. Gogolkaan usoo qaadinoon sooryo gelinaynin
47. Intii gacalki uu hiifilaa guur ankala’aado
48. Midkaan geedka laga naadin oo goobta laga sheegin
49. Oon tirada soo gelin kolley saami waagabaye
50. Intuu aniga ii guuxilaa guur ankala’aado
51. Midkaan ehelka garan oon wanaag gacan uqaadaynin
52. Ilmadowda gaajoon midkaan gelin qadaa siinin
53. Intay guriga ii ooyilayd guur ankala’aado
54. Midka gada dharkiisoo rahmada waagu’ baaqsadaye
55. Intuu qaad kusoo gadan lahaa go’a sariirtayda
56. Imageyo nin qaawane midkaa guur ankala’aado
57. Kaan garan salaadiyo waqtiga guulle faralyeelay
58. Googoyska cibaadada gefaye geesta uga leexday
59. Oon masaajid soo gelin waqiis guur ankala’aado
60. Midka guurka diidoo macsida abidki goobaaya
61. Een garan samaantee xumaha daba guclaynaaya
62. Saaniga ilaahay kago’ay guur ankala’aado
63. Midka diinta garanaaya ee gooyay dhaqankeeda
64. Shareecada midkaa garab maree gaalo badaraacay
65. Garaadxumaa ugeysaye dulliga guur ankala’aado
66. Caasi ganaya hooyadi intuu gumuc usoo qaato
67. Ama cay kugaacinahayoo nabar kuguulaaya
68. Gayaan kuma haboonee midkaa guur ankala’aado
69. Garruun xaasidnimo loo tabcoon garasho hoos oolin
70. Gafuur jabin midkaa ila rabeen gacalo iihaynin
71. Intuu iila gaatami lahaa ulweyn guur anka la’aado
72. Xilagube gasiin iyo anbixin maro isgaarsiisan
73. Guudkana islaan uga egoo gogosha ii jiifa
74. Intii goorxun aan ooyilaa guur ankala’aado
75. Guulihii abuurtiyo nebiga cayda ka geyfan
76. Gaboodfalaha diintii gudbaye dhaar ankala goynin
77. Gaalkaas ilaahay kago’ay guur ankala’aado
78. Gaarida wanaagaleh midkaan garan abaalkeeda
79. Gafuur buure aan ruuxna garan wuxuu gollaynaayo
80. Gujeeyaha gunuusee guryama guur ankala’aado
81. kaan jikada galayn oo ilmaha gelina haynaynin
82. oo aan garawshiyo lahayn saacidee gabadha
83. gacan kaan isiinayn bugtada guur ankala’aado
84. Waalidkay midkaan gobonimiyo sharaf kagoobaynin
85. Guuleed walaalkay ninkaan gaar umagacaabin
86. Eexididka gooyee anrabin guur ankala’aado
87. Gabagabo dagaal iyo markii cadaw laguulaayo
88. Gantaalaha markii laysku riday eegeesi diriraayay
89. Giiryaalaha gadaashayda maray guur ankala’aado
90. Midka gaawadii oo dhashay iyo goodir daba jooga
91. Galaxeeda caanaha midkaan goomanaha siinin
92. Bakhayl gurigi loomasoo hoydee guur ankala’aado
93. Mooryaanka gaajoon ee wadada tuugadaw gelaya
94. Googarada dumarkiyo midkaan garanna dhaafeynin
95. Jidgooyaha islaamkii gambiday guur ankala’aado
96. Qabqablaha gumaadee shacbiga dhiiggi gadanaaya
97. Dawlad gaamurtiyo kaan jeclayn calan shangeesoodka
98. Ee gaar keligi nolol uraba guur ankala’aado
99. Balwad kay gagabisee fadhiya cooshka laga guuray
100. Qaadka iyo garaabada midkaas guranayee jiifa
101. Ee qiimihii nolosha gabay guur ankala’aado
102. Hinaasaha guryama ee shakigu gebigi buuxdhaafshay
103. Gurigayga kii soo agmara guullan kahorgeyska
104. Guufanayska waardiyaha gala guur ankala’aado
105. Guurbadane gabadhuu arkaba meher lagaadaaya
106. Xannaanada gurboodkana dayaca gurina aanjoogin
107. Gododlaha cidlada iiga guday guur ankala’aado
108. Midka deriska guul-guula oo gawnaxyada buura
109. Intuu gaarka joogana cambaro gaabsatee cararto
110. Xaawaleyda kaa gabawarana guur ankala’aado
111. Allow deeqsi geesiya halyey diinta garanaaya
112. Garaad badane gobanimiyo sharaf looga gogol yeelay
113. Adaan gacanta kuu hoorsadee calafku iigeeyo
114. Gabay kuma idlayn karo raggaan gacalo loohayne
115. Damiirkiise gade baa jiriyo ceebta gurigeede
116. Dumarow garwaaqsada raggii laga gol roonaaye. 
 
Curiye:  Xalwo Bulxan Cali, Nairobi/Kenya.
buruntibeelo@hotmail.com
Tel. +254722630929
Mamulka shardiid.

mardi 8 décembre 2009

Alleyl Dumay Albaabadoo Xidhan ,Uunku Wada Seexday.


Alleyl dumay albaabadoo xidhan, uunku wada seexday
Onkad yeedhay uugaama roob, alif banaadiikh ah

Iihdayda bixi baa libaax, iman lamoodaaye

Raggase adhaxda iyo ooftu waa, udub dhexaadkiiye

Labadii wax laga eegi jiray, waan ka awdnahaye

Halkaan aa ka leeyahay Illaah, kaliya uun baa oge

Aboodigu malalo garab haduu, iin ku leeyahaye

Orod uma holado ooglihii, adhaxda beelaaye

Ma aarsado il iyo oof nimay, iimi kaga taale

Aroos uma galbado nimuu wadnaha, arami jiifaaye

Geeluba markuu oomo wuu, ollol badnaadaaye

Sidii inan yar oo hooyadeed, aakhirow hoyatay

Oo aabeheed aqal midkale, meel illina seexshay

Hadba waxaan la urugoonayaa, uurkutaalada e

Ninka illo biyaleh soo arkoo, ooman baan ahaye

Ninkaa ooridiisii nin kale, loo igdhaan ahaye

Nin Ugaas aabihii yahoo, aarsan baan ahaye

Afdhabaandhow ninkaa aayar uun, aamusaan ahaye
WUXUU AHAA  GABAYGII RAAGI UGAAS  OO MAANTA KHUSEEY REER SSC.


dimanche 2 août 2009

Gabay Godobiirsay ka yimid oo Hawiye ku socda

By Cabdale Faarax Sigad Wakhtiyada qaarkood dadka soomaalidu midnimada way wada jeclaayeen waxana jirtay in ay aminsanaayeen meelkasta oo dalka ka mida oo ay tagaanba in ayna cidi ka xigin taasina waxay sababtay in dadkii soomaliyeed iskugu yimaadaan magaalada Muqdisho. Laakiin nasiibdaro waxa fikradii dadka somalidu qabeen burburiyay Hawiye iyagoo ka qixiyay dadyawgii kale ee somaliyeed magaladaa Muqdisho xataa kuwii asal ahaan ka soo jeeday koonfurta amaba Xamar gudaheeda. Taasina waxay sabbbtay in ilamaa malintuu ina Mohamed Siyaad Barre dalka ka baxay loogu tagiwaayay hawiye magala madaxdii dalkii la odhanjiray somaliya. Iyadoo hadaba arintu ay sidaa tahay ayay maantana rabaan hawiye dadkii ay qixiyeen in ay marlabaad qasab ku soo noqda yidhaahdaan. Tixdan gabayga ahina arimhaa ayay ku saabsantahay waxana tiriyey nin reer boorama ah . bal eega hoos hotlkani siduu u qurux badnaan jiray iyo sida laga dhigay ama Xamar siday ahaan jirtay iyo sida u dambaysay. AKHRIS WACAN Daroor iyo Qardhiyo Daalo guudkeeda Dooxada Shabeeliyo Saylac dacalkeeda Dadwixii kunoolaa Afmadow ee Xamar dagaan mooday Dalxiis uma ahayn Hawiye kumana soo duulin Daljacaylku waakii kuyidhi diida gobalkiina Daaraha is huwan waa kuwii Xamar doolarka uquudhay. Dad jacaylku soomali wuu wada damqaayaaye Dakharada Amxaaruhu anay igu dul yaalaane Degmadayda waakii kadhigay daaro laga guuray Dambi kama galin ee kufrigu diin nacaybuu iigu soo duulay Danta guud ayaan doonayoon kula dagaalayay. Diridhaba iyo jigjiga waxaan ugu dadaalaynay Dabka waxa loogu dhacay danaha soomaale Ducufloow Amxaaraha dahab masiiyeene Dakadaa Barbara uguma deeqeene Duntay oo midnimo somaliyeed qalbigu waa ka dayriniye Dantu waxay itidhi baan haatan day dayiye Dambigaana waxa iskale kuwii Xamar ku soo duulay Daaraha ragii dumiyay, ee dumarka laynaayay. Daarood iyo Isaaq, Dir iyo Gadabiirsi, Digoodi iyo Galadi Dhamaan Digile iyo midhifle ragii diddiyay weeyaane Deriskii macaanaa kuwii dacar qadhaadh siiyay Degaankii Muqdisho ragii looga dalan doolay Dariiqyada ragii joogsadee dumarka baadhayay Dulmiguu Hawiye gaystay buu midkale noogu darayaaye. Darraad bay ahayd markay xamar naga dareersheene Da’adii maalintaa dhalataybaan dafadba u hayne Dir Hawiye ninkii aan ahayn maalintii lagu dambaab maayay Dadkii laga badnaa malintaa maxaa looga dhigay duunyo Diintu way jirtaye malintaa maxaa loo damqani waayay Duubbabkii Hawiye maxaa maalintaa dilay damiirkooda. Durbaanada latumi waa damaashaade Dulmiguu Hawiye gaystay buu midkale noogu darayaaye Duntay oo midnimo kama dambayn Xamare Dantii guud Hawiyaa diloo dooxay waahoree Daaroodku wakaa dalkiisii nabad ku daaqaaya Degmadooda Gadabuursi iyo Isaaq waa kuwaa dewo macaan siiyay Digile iyo midhiflana waa kuwaa dawlada macsuumay Dulmigu wuxu ku hadhay kuway Hawiye deris ahaayeene. Dulmigaad fashaa aduu kugu danbeeyaaye Duulkaa Amxaaraa Xamar ku soo duuli Daarahay dheceenbaa Hawiye looga dacarayni Dambiguu galuu Hawiye maali dambarkiisa. Dagaal oogayasha muqdishana diin uma adeegaane Daacad nimo kadheer odayada madaxa duuduuban Dadkayguun bay rabaan inay ku duulaane Damacoogu kadaran duulka xabashaade Damaashaadka bixi ragbaa damac la daanshoone Dagaal iyo dil baa loo dabaal dagiye Diggrigii ILLAHAY laysku damac maanta Dad baa sheegtay oo nagu dagaalaya Dooduna dalkaagaan xukumi iyo diiday weeyaane Darxumana maqaatee waan ka diriraaye. Daayinoow ILAAHOW daacad baan ahaye Dabka ay wataan Hawiye ha isla doontaane Deyr nooga noqo adaan kaa dalbanayaaye Aamiin!!!!! Cabdale Faarah Sigad sigad12345@yahoo.co.uk

mercredi 22 juillet 2009

Markaannu Isku Daaley Waxba Hambayne Maynnee Gabay Somali ka yimido Kenya ku socda (KIINIYAA IS DAGAASHAY)

Maansadan waxa tiriyeye Maxamed Xirsi Guuleed. Waxay soo baxday 2008-01-31 Waxay ku saabsantahay xaaladda siyaasadeed ee dalka Kenya ee cakirantay iyo saadaasha mustaqbalka ee Soomaalida u fiicnaan lahayd. Wuxu Yidhi: Kiiniyaa is dagaashay Doorashay isku maagtay Kun daday iska laysay Sidii daad isu jiidhe Daasaskii iska boobe Qaxu gaadh deriskooda Dalxiiskii imanaayey Haddeer sooma dagaan Kuwii sii degenaana Degdeg uuga hayaame Duqaydii u sarraysay Dibnahay cunayaanoo Isma daymo bogtaan Inkastoo ergo door ah Looga soo diray meelo Way is diidan yihiin Weli doodu jiq weeye Taasi waa war duleede Dad dhibaato haleeshay Inkastoon lagu diirsan Xigmad duuga ayaa leh Duul musiibo ku hoortay Dar kalaa ka macaasha Waxan uuga danleeyey Dulmigay madaxdoodu Ka galeen dariskooda Haddii uu dildillaacay Darajaale ilaahoow Dab hulaaqay ka yeel Shirqoolkay dajiyeen Duullaankay lallabeen Dagaalkay holliyeen Sidii duunyo xaraasha Dadkay dhofinayeenee Ka dajeen dhul axmaaro Waxaas uuga dambeeyey Sow digniin culus maaha? Daa´inow mahadaalow Dagaalkaa kacay maanta Dabadheere ka yeeley Darajaale ilaahoow Annagoo isku diin ah Annagoo isku diir ah Annagoo isku dood ah Annagoo isku dookh ah Ayey dawlad hagaagta Dacar noo mariyeen Isku duubniyo xoogna Dembay nooga dhigeene Iyagaa kala diinoo Iyagaa kala diiroo Iyagaa kala dookhee Dallna maaha waxaasiye Dadkan laysku qasbaayo Jabbaaroow kala daadi Ilaahow darajaaloow Janankii derdernaa iyo Kornaylkii dad xasuuqe Dar la jaada u yeeloo Ergadii u dadaashaba Diidnay uun kaga keen Darajaale ilaahoow Waxa ay is dilaanba Marka ay isku daasho Dan alloow na bidaanoo Ergo soo dalbadaano Degdeg noogu yimaadda Farriin loogu diraayo Doolow meel la yidhaa Darmo loogu goglaayo Digniina looga dhigaa: Isk reeba nindoorka Dila kii wax yaqaanna Dafa kii hanti haysta Intiina uugu damiir xun Haddana uugu daciifsan Haysa soo dabayaacdo Degdeg noogu yimaadda Dabadeed madashaasi Dooda loogu naqaayo Dawlad loogu dhisaayo Doolow loo bixiyaa Distoorna loogu qoraayo Doolow loo bixiyaa Darajaalle ilaahoow Marka ay degi waydo Askar ay dalbadaanoo Gurmad aan u dirnaayo Dabka aan ka dhignaayo Dood kaleeto furnaayoo Xalka uugu dambeeya Dulucdiisu ahaato: Kukuyooy dalka qayb Dacalkaa idiinkaa lehe Dawladdiina samaysta Luwiyeey dalka qayb Dacalkaa idiinka lehe Dawladdiina samaysta Masaayeey dalka qayb Dacalkaa idinkaa lehe Dawladdiina samaysta Kalanjineey dalka qayb Dacalkaa idinkaa lehe Dawladdiina samaysta Kambayeey dalka qayb Dacalkaa idinkaa lehe Dawladdiina samaysta Kisiiyey dalka qayb Dacalkaa idinkaa lehe Dawladdiina samaysta Meeruyey dalka qayb Dacalkaa idinkaa lehe Dawladdiina samaysta Soomaalaay dalka qayb Dacalkaa idiinka lehe Iska raaca dadkiina Saacaddaa dabadeed Haddii aad is dishaan Annagaydin difaaci Haddii laydinku duulo Annagaydin difaaci Deeradiyo ugaadhiyo Dugaagaa wax cunaayiyo Duurjoogtaad xannibteenee Dalxiiska loogu yimaadana Waysku sii dilaysaane Annagaa dabbarayna Daynna waydunku leennay Digaashaa yaa afrikaan Dawladna maydun ahayne Ninkastaa ha danaysto.
Waxay ahayd Maansadii Maxamed Xirsi Guuleed.
gufacale@hotmail.com

mercredi 27 février 2008

MAATADA XAGGE REER CUSMAAN MADAXA LOO SAARI

SAMATAR BAXNAAN(Dhulbahante)

Wuxuu gabaygan dhaadashada ah abwaanku u diray Yawle(Habaryoonis) oo uu ku gilgilayey waranka kuna lahaa Habar-Jeclo oo la jabiyey haddii aad afka ugu soo hiilisay bal waxaad tarto aanu dhawro

Wuxuu yidhi Abwaanku: Mooradu ma fiicniyo nin maal, lagu majeertaaye

Anse macallin diin laan ahoo, dhigaya mawliide

Sida sheekh mufti ahoo cilmiga, madal ka sheegaaya

Bal aan mariyo maaweeladaan, maahirkeed ahaye Nin hadduu malluugada yaqaan, mooradiyo faalka

Isagiyo Fircoon baysku mida, maalin aakhiro e

Adow maraga oo shaacir waa, inuu mushteegaaye

Inuu gabaygu kaa yare mergedo, laguma moodayne Marka hore hadday laba qabiil, kala maqnaan weydo

Miyir lagu walaaliyo hadday, maarsi kala weydo

Mindiyo laysku dooxiyo hadday, maradu dhiigowdo

Mirta iyo dharaartuba dagaal, kama maqnaadaane

Mutux waxaa ka xoog badan sirtii, laysku mowtiye e Waxba Habar-Jeclada aan makalay, haw makaabirine

Shan qolaa mataanaha ka jaban, Maxamedkiinniiye

Madmadoobayaal oo dhan baan, loo muraad qumine

Waa muusanoow iyo baroor, maansadaad tidhiye

Maadhiinka nimankaan la dhacay, miida Habaryonis

Magta geed-quwaax lagu xukumay, waa rag kaa maqane

Ma mardaadi baa kaaga jira, muuqan mahayaane

Mise waa kuwii lagu mudmuday, maqasha daaqeeda Afrataa madkeeyeye miyaan, meelna ka habowshe

Madhoodhooyin iiguma baxdee, marin ma qaadsiiye

Micne kalena waa eray yaroo, Maxamed loo sheegay Adoo macawis iyo shaal sitoo, muunadii boqor leh

Maajeenta ceelkii lahaa, amase maygaagle

Muusiyo Quddayr iyo jafkaad, nala mushaaxaysay

Aduun bays maqiiqaye dhulkaad, magan ku daaqaysay

Maantaad cabbaysay biyuhu, magac lahaayeene

Imminkay mariid kula noqdeen, mur iyo deebaaqe

Muslim meel xun laga qaatay waa, inuu mastuuraaye

Madfac iyo rasaas bay noqdeen, mahadnaqaagiiye

Ma munaafaq baad tahay abaal, waa ku moog yahaye? Afartaa madkeeyeye miyaan, meelna ka habowshe

Madhoodhooyin iiguma baxee, marin ma qaadsiiye

Micne kalena waa eray yaroo, Maxamed loo sheegay Makhribkii hadaan duulay, waa mid an ku dheerahaye

Muunida aroortiyo hadhkii, kuma macaashtaane

Waa taan makaartii Goleed, kaa mullaaxsadaye

Maydkii Isaaq lagala hadhay, moodharaa guraye

Waa kii waraabuhu ku mamay, maaxdii Reer Sahale Haddii deyrtu waa mudan Hartiye, nala mihiibsiiyo

Meeshaad taqaanneen haddii, mayeyga loo diido

Meermeerka Gubaddood haddii, lagu maqnaan waayo

Sida maylka geeddigu hadduu, mudh isa soo siiyo

Manqax iyo haddii xididtinnimo, la isku muuneeyo

Hadday Muusayaal nala dersaan, nagama maarmaane

Dad ninkii manaabo la' haddii, midigta loo dhiibo

Magligaad afaysaa ku goyn, muruqa Yowloowe

Maatada xaggee Reer Cismaan, madaxa loo saari?

Mas baa kaga tufaye laaska yaa, mar uga soo dhaamin?

waxaa idinku deeqay xayir

mardi 26 février 2008

Barak Obama oo labistay dharkii dhaqanka iyo hidaha Soomaalida ayaa kooxda haweenayda Clinton dacaayado ka faafiyeen

Barrack Obama oo ah mid ka mid ah musharaxiinta u loolaya inay u soo baxaan doorashada wadanka Mareykanka ee lagu wado inay dhacdo bisha November ee sanadka, isla markaana ku hawlan sidii xisbiga Dimuqraadiga uu u noqon lahaa ninka u matalaya doorashooyinkaasi ayaa waxaa lagu daacayadeed sawir uu iska qaaday dhawr sano ka hor oo uu ku labisan yahay dharka hidaha iyo dhaqanka Soomaalida. Sheekada sawirka oo la aaminsan yahay in ay baahiyeen ama faafiyeen taageerayaasha haweenayda lagu magacaabo Hilary Clinton oo ay isku hayaan tartarnka doorashada Mr.Barack Obama.
Barack Obama oo la sheekaysanaya Geeljirayaal Somali ah. Sawiradan hoose ayaa waxaa ka muuqda Barack Obama oo ku labisan Macawis iyo Go' isla markaana Cimaamad ay madaxa u xiran tahay, isagoo uu labiskaasi u toos toosinayo ama u habeynayo Oday Soomaali ah, waxaana sawiradan laga qaaday Mr.Obama sanadkii 2006-dii xiligaasi oo uu booqdey wadanka Kenya gaar ahaan gobolka waqooyi bari ee ay Soomaalidu leedahay. Barrack Obama oo asalkiisii hore uu ka soo jeedo wadanka Kenya oo aabihiis uu yahay Kenyaati ayaa wuxuu tibaaxay in sawirada laga fidiyey aanay aheyn kuwa xun, isla markaana qaabka sheekada loo alifay ay aheyd mid lagu doonayo in lagu sumcad dilo oo daayacad raqiis ah, laakin isagu uu ku faanayo in uu gashado dharkaasi.
Oday Soomaali ah oo u labis toosinaya Obama .
Ninka u qaabilsan Mr.Obama loolanka doorashada ayaa ku eedeeyey taageerayaasha Hilary Clinton inay ka dambeeyeen faafitaanka sawirada, laakin ninka u qaabilsan mss Hilary olalaha doorashada ayaa si adag u beeniyey warkaasi oo dafiray. "Hadii Olalaha Barack uu ku doonayo in uu wax ku soo jiito xirashada dharkan dhaqanka Soomaalida taasi waa guul daro waa inay ka xishoodaan waxaasi oo kale" ayey tiri Hillary Clinton.
George W.Bushba iyo Valdmir Putine waxay labisteen dharka hiddaha iyo dhaqanka ee Vietnaam,waxaa layaableh waxaa loo aflagaadaynayo labiska obaama ee hiddaha iyo dhaqank soomaaleed.
Maamulka Shardiid.
Abdihayir@hotmail.com

mardi 19 février 2008

Cali Dhuux:-God Abeeso Lama Jiifsadoo Halaqu Guurayne

Gabaygan waxaa la sheegay in uu Cali Dhuux U tiriyey Nin lagu Magacaabi jiray warsame Aw Adan oo BAHARARSAME ahaa, kuna lahaa hanti magaaladda Burco, waxaa la soo wariyey in Cali Dhuux Arkay sida Warsame Burco isugu dhajinayo,niman shirqool u maleegayaana Ay ku xila Furayaan in ay gadhka Xinne u mariyaan , Cali Dhuux isaga oo aad u feejignaa waligii ayuu Go'aansaday inuu Warsame Dareensiiyo waxa hareerihiisa Ka dhacaya wuxuuna u tiriyey Gabaygan. Warsamoow haddaad guurti tahay oo wax garanayso Gaar fooq leh kuma aad seexateen gobabka dhaadheer eh Geyi aan xigaalkaa fadhiyin kuma go'doonteen eh Nimanka aad garbaha haysato ee gacanta saarayso Ee guudka kuu marin xinnaha baa ku gowriciye, Adigoo ginaga raadcayn ayaa meel laguu galiye, Gaadh baa lagaa qaban sidii goraygii dheeraaye, Goombiyad af-leh iyo toorrey baa lagugu googooyn eh, Hadad moodi gaaladu inay gacalow kuu heelin, Garoomada kuwii lagu tolay iyo giibba duudsiye, Maadigay garnayl kuula dhici gooshka habar yoonis, God abeeso lama jiifsadoo halaqu guurayne, Gucumaalo aar loogama gabado geedan celinaye, Gabraar kaa hungyadaan arkee gura alaabtaada, ka googooso geeri ha ku sugin guriga Iidoore.

samedi 16 février 2008

YouTube - Sir Culus Oo Fakatay - Part One

COLLAADDA HABAR JECLO IYO HABAR YOONIS U DHEXAYSA HALKAY GAARTAY ?. HALKAN RIIX>YouTube - Sir Culus Oo Fakatay - Part One: "Sir culus ( maxay yihiin) must see 09:56 From: halganka Views: 15,586"

jeudi 31 janvier 2008

BARBAARTA SOOMAALIYEED IYO BUUFISKA

jeudi 31 janvier 2008 BARBAARTA SOOMAALIYEED IYO BUUFISKA; Waxaa dhab ah BUUFISKA in maantay u maraayo heerkii igu sareeyay marka loo eego xiliyadii hore, waaxaad arkaysaa markaa tagto meelaha dhalinyarada iskugu yimadaan, sida maqayadaha lagu shaaho in inta badan dhalinyaradu ay ka shakaysanaayaan buufiska, qarkood ayaa dhahayaan "waxaa i haayo buufis xun habeenadaan ma seexdo waayo magaaladaan waa nacay waa iga hor -timid iyo hadala kale oo aad u farabadan".Dhalinyarada buufiska Dhalinyarada buufiska qabto inta badan waa saaxiibo oo waxay jacelyihiin in ay ka shakaystaan mara walbo buufiska mana jeclo qof an bufis qabin in ay la shakaystaan ,marka waydiiso oo aad dhahdo maxaa dadka kale shakadoodada u diidaysaan? waxay jawaab kaga dhigayaan "dadka ma yaqaniin macnaha buufiska waxaan loo joogin ay ku galinayaan sida siyaasad , wax barasho, iyo niyad jab jogta ah marka horaa loo yiri (shinbirba shinbirkiisu la duulaa) Waxyaba igu yabka badan oo aad ku arkayso dhalinyaradaan ayaa waxaa ka mid ah in ay is tusaan qariiradaha calamka ayagoo dhahaya suuriya way ku dhagantahay turkiga ama ruushka waxuu xaduud la leyahay filand,maraka qaar ayaa waxaad u malaynasaa inay yihiin qabiiro ku taqasusay juquraafiga sida ay u yaqaniin wadamada xadadka leh iyo kuwa badaha u dhaxeyaan,waxaa intaasi dheer ayagoo yaqaano inta lagu qaato sharciga wadamada yurub iyo waliba sida ay isku dhiibi lahayen marka ay tagan yurub. BUUFISKU MUXUU YAHAY? Buufiska,waa marka uu qofku doonayo in uu dhoofo ama ka tago meel uu horay u joogay nacane meesha uu joogi jiray, halka dhalinyarada qaarna ay ku macneyeen in buufisku oo lamid yahay jacelka sida qofka wax jacel uu urabo in qofka u jacelyahay u helo ayuu buufiskane uu u rabaa in helo halka uu u buufsanyahay. BUUFISKA MA LAYS KHAADSIIYA ? Buufiska, waa la kala qadaa buufiska, waliba si fudud ayaa loo kala qadaa marka aad saxiib la noqoto qofka buufiska qabo uuna in badan kaga shekayo buufiska haayo iyo inta sana u haayo buufiskaan iyo inta mar uu ku fashilmay buufiskan, ayaa adigane waxaad qatar igu jirtaa inaad si fudud ku qadid buufiska. BUUFISKA DAAWO MA LEEYAHEEY ? Buufiska,daawo wuu leeyahay waxaana daawa u ah in uu qafka buufiska haayo tago meesha uu buufiska u haayo islamrkaana aheyd halka ow ku riyoon jiray, walow ay jirto dadka buufiska haayo in aysan la xariirin dhaqtar daawayo hadaba waxaa jirto siyaalo badan o qofka buufiska haayo ku resan karo waxana ka mid ah isagoo helo hadafkiisa waxuu ahay . BUUFISKA MA LOO DHINTA? Buufiska,waa loo dhintaa waxaana logu dhintaa siyaabo aan toos aheyn oo ay ka mid tahay qofka oo nafsadiisa haligo isaga oo aan kala garanayn waxa u samaynaayo sida isagoo dhax maro meel halis badan o kaga timaado dhimasho sida aan ogsonahay kumanan qofood oo samaali ah ayaa baduhu laqeyn,qaarna waxay dhax jiireyn baraf oo halkaasi orso ku cuntay, kuwane xaduudyo inta xoog ku jiiray ayaa la dilay . Ugu danbantii waxaan maqalakaygii ku soo gabagabaynaa kulana dardarmaa dhalinyarada buufiska qabto inta is dajiyaan naftoodana qeyr u sheegan haday fursad u heli karaane waa in ay wax bartaan waayo waa ubixii wadanka bari aya loo bahanyahay dhalinyarada waa kuwii wadanka xukimi lahaay ama hogaamin lahaay.
W/Q Raage Cali Dheere.

vendredi 25 janvier 2008

RAG WAA KII HORE HADALA WAA INTUU YIRI

MAQASHIIYA UUNKA(SAYID MOXAMED CABDULLE XASAN) Waa mar kale iyo taxenihii ahaa “rag waa raggii hore, hadalna waa intuu yidhi” Waxaan moogan soo qaadanaynaa geeraar uu mariyey Sayid Maxamed Sheekh Cabdille Xasan. Heshiiskii Illig Daldala ee dhexmaray Daraawiish iyo gumaysiga, Talyaani iyo Ingiriis, 1905tii ka dib waxay Daraawiishi goosatay inay ka shaqayso sidii Soomaalida looga dhaadhicin lahaa khatarta iyo khayaanada gumaysiga, loogana digi lahaa dhuxdhuxlayaasha u adeega gumaysiga. Wufuud iyo culimo dadka soo wacdida ayuu Sayid Maxamed afarta baynu jahaba u diray. Wuxuu faray inay degaan walba tagaan Soomalidana ku waaniyaan inaysan gumaysiga gacan siin, diintooda iyo dalkoodana ka difaacan gardarada aan geed loogu soo gaban ee Ferenjiga. Culimadaa waxaa ka mid ahaa Cabdalle Shixiri iyo Xirsi Afdiir oo uu u diray degaanka qaarkii. Nimankaasi kolkii ay ambabaxayeen ayuu geeraar fariin ah Sayidku mariyey. Wuxuu yidhi: Cabdalla maan qaboobiyo Xirsi maakib laawow Mid yar waxad tidhaahdaan Murtidiinta Reer Hagar Habar Yoonis madasheed Mariya weedha aan idhi Toljeclaha muraadkaygiyo Masafadayda ula taga Maqashiiya uunkaba Miyir inuu ku soo galo Mid mid waxow tidhaahdaan Nimanka mooradii furay Mawaaciidada diinkii Ma wax laysku maagaa? Jahaadka mooshinkii galay Ma wax laga maqnaadaa? Mushahaaro been ahi Ma wax lagu magaagaa? Luxudkii madoobaa Ma lays moogadeeyaa? Muufadii cadaabeed Maw adkaysanaysaan? Nin gaal u midiidimay Mici naar inuu geli Kutubtaa u maragee Ma wax laga murmaabaa? Mushrik inaad jeclaataan Amaad mudan ku sheegtaan Hadaydnaan mujrim ahayn Masalo maad u haysaan? Masalo-gaabyadiinaa Meel daran idiin diray Labadaa meeris ee kore wuxuu ku ridayaa wadaadadii Soomaalida ku wacdiyey inaysan haynin tabar ay gumaysiga kula diriraan, hubkiisa mid u dhigmana aanay wadanin. Waxay yidhaahdeen nin kaa xoog badani hortaa ayuu xanaaqaa sidaa awgeed Ferenjiga haynagu carinina. Wadaadadaa ayuu dhaliilayaa. Muftida waanadiisii Idinkaa ka maagtoo Macbuudkii Rabbi ahaa Idinkaaba moogoo Maxsharkiyo qiyaamaha Idinkaa munkirayoo Maqfiradii Illaahay Idinkaa ka maarmoo Macaankii Firdowsaad Idnkaa muraystoo Muminimada laabta ah Idinkaa mantagayoo Minidiina gaalowday Idinkaa muquunshoo Kufriga idin mahoobiyey Idinkow miciinoo Makaankii shareecada Idinkaa matamiyoo Muslinkiyo qusuusiga Idinkaa makalayoo Maalkii agoomeed Idinkaa malkadayoo Masxafkiyo quraankii Idinkaa maljadayoo Waxse mawtigiin galay Ama malag idiin yimid Kolkaad Muxamedkiinii Malcuun uri ka raacdeen! Mariyoo macneeyaye Mid kaleeto waxay tahay Waxaan maqalay Ferenjigu Inuu miiri idiin qoray Raciyad ama ‘riders’, Soomaaliduna u baddashay Rayad kuwaas oo ahaa qabaa’il Ingiriisku hubeeyey si uu isaga xijiyo gumaca Daraawiish iyo qabaa’ilka kale ee kasoo horjeeday gumaysigiisa ayuu u dan leeyahay. Ingiriis ayaad dabadhoon u noqoteen ayuu ku canaantay. Waxaan maqalay maalkii Inuu idinka meersaday Waxaan maqalay ooryaha Mitan inaad ka waydeen Waxaan maqalay madaxdiina In madiidin laga dhigay Oon miis yar mooyee Maydho geel la siinayn Waxaan maqalay maahyahow Magiciin inuu bay Niman Soomaali ah oo gumaysiga guno ka qaadan jiray una shaqayn jiray ayuu meerisyadaa kore ku halgaadayaa. Intaasoo masiiba ah Waxaa igala maad badan Maska iyo abeesada Magta aad ka bixisaan Aydaan midigta fidinayn Aar hadduu ku micyeyn Lixda meeris ee u dambeeya waxay ka hadlayaan xukun Ingiriisku kusoo rogay gobolada waqooyi kaa oo ahaa inaan dhirta la goynin, duurjoogtana la dilin. Ninkii lagu arko ama lagu maqlo inuu laan gooyey ama duurjoogta wax ka dilay waa la xidhi ama waa la ganaaxi. Soomaalidii miyiga ku noolayd, sidii ay doonaana u isticmaali jiray ayuu xukunkaasi dhibay. Sayidkuna xasaasiyadaa ayuu ka faa’iidaysanayey. Geeraaro iyo gabayo heshiiskan iyo geerarkan la socda ayaan soo wadnaa. Ha u daymo la'aan.