dimanche 16 décembre 2007

SIYAASADDU GADDA MAAHA

GABAYGAN WAXAA TIRIYEY ABWAANKII WAYNAA EE REER SAANAG XAAJI MOXAMED CABDI(MADOOBE). WUXUUNA YIRI. Siyaasadu gadaa maaha Dhuudaan u galay maaha Hadaan gaari helay maaha Googoy puntland maaha Hagodoonto Cayn maaha Sool guluf ku saar maaha Sanaag gees ka dhaaf maaha Hayland ka gudub maaha Gaalkacayo reeb maaha Mudug koonfur geey maaha Caasimada loo gartay iyo Garoowena ka rara maaha Boosaaso gey maaha Qardho gobol ka yeel maaha Karkaar oo dhan sii maaha Tii sunaamida ku guro maaha Siyaasadu gadaa maaha Ciidamada garaam kooda iyo Gunadooda guro maaha Sharciga gees ka dhaaf maaha Hadii awr garaaraysatay Gool kugu agjabo adiga Goowsahayga mooyee Gumad ruux ka siin maayo Gobta caadadeed maaha Siyaasadu gadaa maaha Hadii geed lawada beerto Gunta xolad ka saar maaha siyaasadu gadaa maaha Isimada gudoon kooda iyo Goaan oo dhan buri maaha Siyaasadu gadaa maaha aatada gawaan raac day Gur gur shaaga lagu guuro iyo Hasha geela ka irmaanba Gawrac ka mari maaha Siyaasadu gadaa maaha Puntland iyo gergaydheeda Aniga iyo garaadkayga Goaan iyo ku dhaqankiisa Xaajo waliba geedkeeda Geesi waliba xeeshiisa Hadaan gaabsho maansada Awr ka geela lagu daray Waa guubis madax weyn Hadaan gu'ga kan laga qaban Walee waa gadaal looga sheekee .

dimanche 9 décembre 2007

DAGAAL OOGE

Maansadii Dagaal Ooge oo uu curiyay Abwaan Axmed Cabdi Geelle (Dariiwsh) Jun 21, 2007 By:Abwaan Axmed Cabdi Geele.Jidbaale(Maanso) Maansadan la magac baxday Dagaal-Ooge waxaa curiyay Abwaanka da'da yar Axmed Cabdi Geele (Darwiish) oo ku nool Kenya, waxayna qeyb ka tahay taxanaha Suugaaneed ee Silsiladda Dood-wanaag, soona baxday taariikhdu markay ahayd 19/11/2006, Dariiwsh wuxuu curiyay maansooyin badan oo ay ka mid yihiin 'Dariiwsh iyo Daliil' Dagaal oogahow joog Daljirkii waxaan ahay Maansadii darwiish iyo Daliil soo bandhigey ee Dareenkiisa ku cabiray Markaan daa idhaahdaba Doc aan laga fileyn baa Daad lagu arkaayaa Dar horaa wuxuu yidhi Nin duryamay ma wada odhan Nin dul marayna kama tegin Waxaa waano daabacan Haddaan lagu dawoobeyn Inagayska daalloo Dibnaheennu xiiqa,e Dadku waa dix dhagaxeed Waanada ma doonaan Xumahay ka doorteen Samirkiyo dulqaadkii Dulmi bay ka doorteen Daacad iyo hufnaantii Dunuub bay ka doorteen Wax la yidhi dameeraha Doqoniino awgeeduu U dilaa waraabuhu Iyagaa ku doontoo Ugu baxa duleedada Ducadiyo wax sheegiyo Ha ka daalin waanada Yaan iskula dardaarmaa. Bal dayoo u fiirsada Weel daloola celin ma leh Dheg daguugan maqal ma leh Nin dayoobey jaho ma leh Damiin garasho dheer ma leh Danaystuhu tix gelin ma leh Dib baad uga shallaayiye Dad qal daabka dhigo ma leh Dilaalkuna xishood ma leh Dulmi derejo wacan ma leh Jahliguna dugaal ma leh Xaq la dedey dabool ma leh Anaa diley ka dood ma leh Doqonkuna walaalkii Ha iska diline daa ma leh Daba dhilifku hadaf ma leh Dabaalnimo bogsood ma leh Dugaaguna hilbaha wadhan Dheregtaye ma dool ma leh Weere adhiga daa ma leh Doofaar damiir ma leh Dayr la waayey doog ma leh Habeen dumey cadceed ma leh Dal shisheeye degel ma leh Qaxootigu dabiib ma leh Ubad diinta gaalada Duruus looga dhigayaa Ma danqado duqii dhalay Diidaye ka daa ma leh Dalkaagii ha aadine Dirayskiyo dabkaa qaadoo Ka dagaalan meel kale Diiddo iyo ka dudis ma leh Diir kuu dhaqaaqiyo Shisheeyaha dubaax ma leh Dumarkiyo caruurtiyo Danyartuna u tudhis ma leh Duqaydiyo wax garadkiyo Daacadi hungow ma leh Ramag doobi loo culey Iska daadi dhay ma leh Gu,darooray oo da,ay doog iyo tigaad badan Ka guur oo diraac qabo Baahidu la deris ma leh Diintiyo shareecadu Eex iyo dakano ma leh Aadami dastuurkii Dimuqraadi dhaxal ma leh Allaha dunida uumaye Ina dilaya kuligeen Shirki lagu dabakho ma leh Dayaxii islaamkiyo Nebi muxamed diidoo Dan qabiil u taagnow Siidhi iyo durbaan tumo Gaalada la duubnow Dawgay maraan raac Waxay doonayaan yeel Aduun baa ku daaliye Duug kaaga hadha ma leh. Mar hadii dadkeeniyo Dalkeeniiba saa yahay Ma daweyso waanadu Nin ibleys hogaan iyo Dabar geliyey waa hore Ka dahaadhay laabtiiye Dub bay noogu yaalloo Dan bay naga dhaxaysee Yeynaan ka daaline Sidee loo dabiibaa? Dawadiisa yaa garan? Ma dhulkay ku duugeenoo Ku daguugan tahay weli? Ma dal aan dhaweyn bay Doonyuhu u qaadeen? Ma buurahay dushoodiyo Daruuraha dhexdoodey Dabayluhu ruxaayaan? Lix iyo toban guyoo da,ay Dagaal oogayaal baa Ina kala dilaaloo Isku keen diraayoo Weli dabkii shidaayee Haddaanay dawoobeyn Dulmigana ka joogeyn Daalaye maxaa dana? Xadhig siima daayaa iyo Hadaynaan ku xidhin daar Isku duubnideeniyo Danta qaran ka door bidin Duulaanka cadowgaa iyo Ha ina dilo waraabuhu Ha la dumiyo daaraha Dabaysha iyo fooraha Dugsi celiya yuu hadhin Ha yimaado daayeerkii Dusha inaga rari jirey Nin waliba dabkuu shiday Ha dhadhamiyo dacartii Ha la dooxo maatada Ha la qaado duunyada Dahabkiyo shidaalkana Doonyuhu ka qaadeen Doqon aan la ciiline Ma dawowdo weligeede Maskaxdii daboolayd iyo Maankii ha soo dego Dal inaan wadaagniyo Dantoo naga dhaxaysiyo Isku diin in aan nahay Aan garano dabadeed Mar aynaan wax dili karinoo Is difaaci karahayn Gobanimo u dirir iyo Aan doono calankiiyoo Dib ha loo dagaalamo Inagays duleynaye Aan wareegno duurkoo Hadba dow istaagnoo Dalkeenii xorta ahaaye Shaydaanku soo degey Ugu ducayno weligeen Dunuubtaan samayniyo Dambigaan falaynaa Sidii daad na qaadaye Allaha daayinka ahow Danbigeena noo dhaafoo Dugaagaa na cunayiyo Daayeerka naga saaroo Dalku noo hagaagoo Dawladnimo timaadaa Saasi waa diciifnimo Intaan daad ku soo gelin baa Dugsi laga samaystaayoo Loo diyaar garoobaa Iminkaba digtoonow oo Dagaal oogahow joog Dabkan aad shidaysiyo Dumbukhaad ridaysaa Inoo daran dhamaanteen Adna derejo kuuma leh Dan shisheeye leeyahay Ha u layn dadkaagee Damiirkaaga kaashoo Kuwa daacaddaa iyo Nabad doonka daaliyo Duqaydeena sharafta leh Aan kuu ducaynee Dadka dhinac ka soo raac. Culimaa,u diinkaay Xil baad guudka saarteen Dadka waxaad tidhaahdeen Dawgii rasuulkiyo Halkii eebe dooniyo Daacad iyo hufnaan baa Dalka lagu dhaqaayaa Dastuur gaalo keentiyo Dimuqraadi ma ogolin Diinta iyo shareecada Dadku waa u siman yahay Hanti daalin haystoo Laga diirtay ruux kale Dib baan loo arkaynoo Anagaa u duubane Ha soo doonto keedii Haddaan la is dafirahayn Dulmigii ba,naa iyo Qabiilkii na kala diley Danaystuhu ku noolaa Idinkaa daweeyoo Degaankaad timaadaan Dadku waa walaaliyo Deris oodda wada yaal Dedaalkaad samayseen Waxaa diiday deeqdaa Nimaan diin lahayn iyo Damiir laawe nacas iyo Dabadhilif danayste ah Waxay doonayaa waa Qabiil la isu dooxoo Dukumdaakum naga dhiga Digtoonaada weligiin Dabinkay dhigaayaan Yuu debec idiin qaban. Boorame dushiisiyo Dadka bari ku nool iyo Daaraha hargeysaad Sunni diinta jeceloo Daacaduu u badan yahay Ma geyaan duqayn iyo Duulaan colaadeed Digtoonaada weligiin Hadal idinku dirayoo Aan daawo keenayn Dibnahaa ka dhawroo Ku dadaala waaniyo Dacwo gaadha kuligood Oo dib noo midaysoo Qalbigooda daxalkiyo Ka safeeya dacartiyo Duruustii danaystuhu Ku akhriyey ee daashaday. RadioSSC News.waxaa soo wariyey xayir

WAA GABAY CILMIYEYSAN KUNA SAABSAN XAALADA DHULKEENA HOOYO EE SSC

Hobolkiyo abwaankii markii heer la wada taagey Ee heestii gabay lala simaan hawlyaraan dhigaye Hawraarta suugaanta wuu ugu horeeyaaye Aniguna hidaha kama lumine waan hawadiyaaye Hogeedaan aqaan iyo halkii ugu haboonayde Caawana afkaa ii hud huday hadal colaadeede Ficil baan is hayn waayey oo soo hankaabsadaye Waligeyba wow hiilin jiray duul halaagsamaye Waana hoga tus weedhaydu iyo say hadhow noqone Halawgaan diraa dhegaha waa inuu haleelaaye Hawd iyo nugaalow i maqal waad hawiranteene Hog inoo qodnaa baan galiyo hogobyo shaydaane Haybaddaan lahayn way luntiyo hor umarkeeniiye Habraa ina qabsaday iyo wixii haarufta lahaaye Inaan hogano iyadoo isaaq inagu heesaayo Hog inaan gallaa igala wacan habacsanaantaase Nafta hura dhulbahantow ma jiro hiil idiin maqane Hubkana qaata gobanimadu waa haybad iyo shaale Dabka hadaan la hurin iyo dagaal lagu huruunshoodo Aan hoobiyaha lagala hadhin hawsarkiyo jiibka Hamigay wax badan goobayeen waw hirgalayaaye Heeryada ridaay maanta waa kala hayaankiiye.......... Hadii awrku heeryada cunoo hiigo raradiisa Haamaha ku raran baa ku dhiga haaro iyo booge Hungurigii galbeed loola kacay lagu halaakowye Haaweydii ina iibsataye soo hor kacay huushta Ee soo hirgeliyaa hadeer hoos u foorara,e Hagarta waxay u gelayeenba waa haamo buuxsada,e Hamigooda liitaa ku furay gegi habaas weyne Hooyadii nin qixiyoo tolkii haadda ugu yeedhay Aan himiladiisiyo la garaf hadafka uu dooni In bulshadu hogaamiye tidhaa lagu hankaageeye Rag haliiley wow halis inay hanaqa gooyaane Hilbahooda hadii aan la wadhin oo haada la cunsiinin Aynaan hareeraha ka gelin sida halaambeyda Aan loo heshiin inay noqdaan hadur wixii gaadha Hayhaata weeyaan waxaad ku hadayaanteene Heeryada ridaay maanta waa kala hayaankiiye......... ....... ........ ........ ............ . Ma haboona dhabayaco inaan hiil ka dayanaaye Hartigii la eeday badhkeen haybiyaan weliye Ka soo hadha majeerteen hungaad uga dhacaysaane Hanad waxaan lahayn xamar hadii lagu horaysiiyey Laaskana la haystoo hadeer holoco qiiqaayo Tabcay nala heleen ay mindidu heedhay boqontiiye Ha yeeshee gob lama haysan karo heegan weyn galaye Hibo wow lahayn geesinimo tan iyo haabiile Guutooyin soo humiya oo dirir u heenseeya Iyagaa markuu holocu gubo dib u haduurlayne Markaasaa habkii dawladnimo noo haboon yahaye Heeryada ridaay maanta waa kala hayaankiiye.............................