vendredi 21 décembre 2007
GABAY JACBURA
http://www.shardiidcom.blogspot.com/
Qormadii Mohamed Hassan
Talooy ku arki waayey
Tamareey kaa faa'iideysanwaayey
Taariikheey ku nacay
Tafsiiroow ku fahmiwaayey
Tahliileey ku qoriwaayey
Tusbaxoow kugu daaley
Tartanoow kaa hadhayTowxiidkii eed noqoyeyTaqigii la tuuryeeTerror noqoyey weligii
Tacliineey ku baranwaayey
Tacaboow ku falanwaayey
Tuugoow ku qabanwaayey
Tuhunoow kugi nooli
Tahriibey i dhamaysay
Talyaanow i gumeeyso
Togdheereey igu duuloo
Tobanaan elhelkiinoo
Maxaabiis ku tilmaaman
U taxaaba Mandheeroo
Taageero ku raadso
Tadhasena walaal noqoy
Taajka madaxa laga saar
Tuugsi xeelad noqoyoo
Taajirkii faqiir noqoyoo
Taag yarena dirac noqoy
Timo sacab ka soo bexe
Taleex geenyo laga waa
Timirtii dab loo waa
Toyota gaadhi noqonwaayoo
TA-TA baa la caashaqay
Turkigii yurub diide
Tani waa yaab iyo yoow
Your's Mohamed Hassan
mardi 18 décembre 2007
CAWIL IYO AYAAN
ugu horeyn waxaan salamayaa inta nasiibka u hashay iney aqristaan qomadan gabaygan.
intaanan guda gelin tixdan gaaban ee halku dhigeedu yahay cawil iyo ayaan,
waxaan jeclahay inaan idiin sheego qoraal ama maqaal la hadaf ah gabayga
oo aan dib ka soo qori doono hadduu <> Eebe idmo
qormadaas waxaan halkudheg uga dhigay
NIN KU DILAY ,
NIN KU DAGAY BAA
KAAGA SII DARRAN,
waxaan ka soo bilaabay dhacdooyinkii << 1800 ilaa 2007,ilaa hadda dhacyooyinkii taxanaha ahaa iyo sababihii dhaliyay in si qabali ah leysu ugaarsado.... qormadaas dibaan ka soo qori doonaa inshaa alaah GABAYGA: ARRAR, gabaygan waxey ila tahay sharax badan inaan leyga doonaheyn marka laga reebo maluugta qeybta aan kaaga hadley
NIMANYAHOW CIBAARADAN DHACDIYO TALADAN CEYRYOONTEY
WAAGII CASAADABA WAR BAA KUGU CUSBOONAANE
CEYDA IYO FAANKU WAA CAMALO SHEYDAANE
IIDOOR DABA CAYUUN MIYAA CAGO JUGLEYNAAYA???
SOOYAALKA CAANKA AH HADDAAN CUTUB YAR SOO QAATO
CARRIGEENAN MAANTUU KUFRIGU CAGAHA SOO SAARAY
GUMEYSIGII CADIBAY SOOMALIDEE NAGA CASHIIMEYSTAY
CUDUD KUWII KU RAACAYE FARANJI U CASKAREYNAAYEY
KUWII CIIDA GADAY EE KAL HORE CIDAHA NOO JOOGAY
WAA CAJAA'IB NOOLOOW HADDII LOO CIMAAMADO'E
WAA U CAADADOODA IIDOOR INAY KUFRI CISEEYAANE
IYAGAA CABIIDKA U AHAA GAALADII CADANE
CAWARKII SUWEEN WEYDINKII CAAWIYOO WADDEY'E
IYAGAA CASHIIRO U AHAA COOMIRKII YURUB E
WAA CALAAMADUU DHIGAY WAXEEY CIRIBSANAAYAANE
CINDIGABA MA GELIN INEY CALANKI QAATEENE
CITIRAAF AAD DOONTAA WARSOW TALO CARUUR MAAHA
INTAA WAAN CAYIMAY OO JEERHORAAN CURIYEY WEEDHAASE
CODKALANA HADAAN ORANAYAAYEE IGA CIRAAB QAATO'EE
CISI IYO WANAAG IYO INTAAN CAMAL SAN DHOOWRAAYEY
INTAAN CADOWGA CAABINAHAYAYE NACAB CAREYNAAYEY
CARRAB IYO CUDUD MIDA, IYO INTAAN DIRIR KU CAATOOBAY
GEYIGAAN CAMIRAY CEELASHAAN QODAYE MAATADOW CELIYEY
WAA CAJAA'IB NOOLOOW NINKII CIIL QABKOW KADAYE
CISHIHII KUWII NAGA GUDAYE CADOWGA SOO RAACAY
CAD QUUREEDKA SOORTIII KUWII LAGU CASHEYSIIYAY
CAADO QAATAYAAL IYO DILAAL CULUQ YAR LOO TUURO
WAX CEYNKAA KA DHIGAN CEEBAALIHII CUNAY DAD KIISIIYEE
CALOOL DHEREGA CIR KAAGOOD BOGOTO IYO CALALIS UUN DOONO
WAXAAN CUNAHA KUU DHAAFIN BAA XAMAGU CEEJAAYE
MAR CANTUUGA LABADII CAN SOOW LAGUMA CEEBOOBO
INTAA WAAN CAYIMAY OO JEER HORAAN CURRIYEY WEEDHAASEE
CODKALANA HADDAAN ORANAYAAYEE IGA CIRAAB QAATA'OO
OO UU CALMADEY CADLIGII
CUQAASHIYO WAXGARAD IYO
MARKEY
CULUMADDII DIINTA
CODMIDEYSAN GAAREEN AYAAN
CAAFIMAAD HELAYE
CUDURKII I CAATEEYAYEE
CALAFKA II DIIDAY
CUFRIGII WAXAA II BADALAY
NAALO IYO CEESHEE
BOOCAME
CISHIHII LAGU BALAMAY
YAA CAWO ADDUUNEE
NASRIGII CILAALNAA WAKAA
CAASHA SOO LULAYE
CIRSANKAYEEDH DUCADII UU CALMADAY
CAARIF II TABIYE
CASIISOOW ALAHAYOOW ADAA
CAADILOO JIRA E
CUB IYO CIREYNTII KA BAXAY
LABADI CEEL DHAABE
IIDOOR DABACAYUUNOW WADBAA
COONKA KUU YIMIYE
COLBAAN SOO CIRBINAYAA HADDUU
CAADIL II SAXO E
CUDUD IYO WAXAAN CAANKA KU AHAA
DIRIR COLAADEEDE
NABSIGII CAMBAABURAY HADUU
HOORIMAAD CURANE
INAAN KUMAN CUR JARI WAA HUBAAL
OO WAAN CAREYSNAHAYEE
CEYN IYO DHULKAAN DEGI JIRAAN
CALAFSANAAYAAYEE
CAAQYAHOW WAXAAN KAA MAQNAAN
CADAD SHUHUUREEDE
CEERIGA BADEED IYO MINDHAA WAAD TAQAAN
CIRIFYADII GUBANE
CEYDHAADAN DOONKA AH XAGEED
CIIRSI UGA DOONI??
MISE WAAD CALAACALI FULEY CAADADII TAHAYEE??
INTAA WAAN CAYIMAY OO JEER HORAAN
CURIYEY WEEDHAASE
COD KALANA WAAN ORANAYAAYEE
IGA CIRAAB QAATA
OO
COMAADIGA SIDIISII MARKAAN
CIIRIRKA EEGAAYEY
CALAAMOOYIN IIMUUQDAYBAAN
CAAWILAHAYAAYEE
MAR HADUU SAXALKII CUBTAMAYOO
UU NABADNA CAADEYSTAY
OO UU CALMADEY CADLIGII
LAGA CASHIIMEYSTAY
OO UU MARIIKHII CAMIRAY CIRKA
WAA CAJAB ILAAHEY E
GUDBAN OO CAD CEEDII DULTIMID
FARUUR CIRIRKA OO MUUQDA
GARBORAAR CURADA
COOMIRKA IYO NAAFKA
NEYRUUS
CARCOORIYA NAFLUHU
WAA CISEYN JIRAYE
INTAASOO CASHIIRA AH ANOY
CIRIFKA II JOOGTO
CAWIL IYO AYAAN KAAN LAHAA
BAA II CIMAAMADANE
IIDOOR CIBRIYA UUMIYOW IYO
CALAKADII HUUSHKA
HUUNOOYIN CAGA JIID KUYIMI
NAMA CUSLEEYAANE
WAXSE CIMRIGI GO'AY MALINTUU
CEELSANKII YIMIYE
LAASO CAANO IYO XARGEGA
MAXAA KEENEY CIRIKOODA
MARSE HADUU CAMBAARKII GALBADEY
NA CIDI JIIDAAYEY
CUNSURA IYO HADDUU SII DHAXMAREY
FALAGA CIIRAAYA
INUU CIRIR SHAREERIYA GALUU
KUU CAYIMAYAAYEE
SIDUU NAAFKA COOBAHA U JARAY
LOOMA CIIL QABO EE
BY
samafareaji@yahoo.co.uk
lundi 17 décembre 2007
KHALIIF SH.MAXAMED(MARUURYO)
Khaliif Sh Maxmuud
Abshirow micnaha gabay haddaad mid iga weydiisey
wiilyohow madluunbaan ahaa maalin iyo leyle
intaas waan mugleeyahay sidii gorayadii muune
Mas la diley sidiisaan madaxa meerinahayaaye
Sideydana waxaan maaganahay waa wax kaa maqane
Magliga daabo maahane si kale hay maleynina
Adduunyadan maraabeysay oo murugtey ee xiintay
Ee uu Mareexaan u kacay waa masala weyne
Gardarradaas mutuxan waa dagaal waxaan ka miisaaye
Maruuryoodayeey xalay miyaan miray caloosheyda
Muskii layga soo galay miyaa dhaxani mowleysay
Goortaan wax milicsaday miyaan cadho madoobaadey
Midigta iyo bidixdii miyaa midiba meel aaddey
Markabkaan ku tiirsaday miyaa meeshii laga qaaday
Maxamuud Saleebaan miyaa marada loo taagey
Mililkiyo hurgumadii miyaa uurka igu miirmay
Sidii aar mudi ahaa miyaan micida soofeystay
Ma inaan colaad maamulay dani i moodsiisey
Majeerteen Ilaah wuxuu ka dhigay malab sidiisiiye
Sidii miraha Doocaan ka baxa muudsey aadmiguye
Nin waliba wuxuu mihindisaa inuu magawshaaye
Agoon maalki laga qaadayoo meel kastaba jooga
Mareykaanka naagaha xidhee madaxa loo saaray
Oo mudanayaashii jeclaa mawdka laga yeelay
Dadku mowdka waa iska ogyohoo maalikbaw qoraye
Meydka iyo raqdoodii miyaa laga dul maansooday
Sidii waxaan muslin aheyn miyaa muxubbo loo laayey
Madficii iyo rasaastii miyaa meel kastaba gaadhey
Kulli midhaha Daarood miyaa keen isugu miirmay
Ma kuwii aan hartiga moodayaa soo mashxaradaayey
Maangaab Dhulbahanta ah miyaa nagu malaabeeyey
Mergi-kuusyadii hore miyaa muruqa noo tuujey
Mahanniga Ugaadeen miyaw mabay xumaanteenna
Warsangeliga maahee dadkii mayna wada meershey
Inkastoy bahnimo muujiyeen sooma mayl bixine
Malkadaan ka sugayiyo may iman mooshin kaan rabaye
Haddey ficil maqiiqaan warmuhu nama muquunsheene
Macaan iyo xareed bay idaha kaga macaashaane
Macna ineeyan noo tarin miyaa meesha ka caddaatay
Iidoor marduuf qaada helay waa majnuun falane
Hilib maraq leh iyo roodhigey miisanahayaan
Macnaha dowladnimo leedahayba uma muraadaane
Caynaanshe meeshii la dhigay haadku malafleeye
Mudafkiisu waa kii dugaag maalin weyn cunaye
Maskaxdiisii waa tii tukaha looga dhigay miile
Nabadbay macaansanahayaan wawse maan li'iye
Wallee ama magaalada Berbera dhiiggu mulacyeeye
Ama sida mawaashiga ratiga mayr lagu saarye
Hawiye meel uu joogaba dagaal weyska maanacaye
Maankaba ka jare raganimaan meel ka soo geliye
Maaraha Siyaad baa ka dhigay maata caanalehe
Abgaal oo mihiigaan ka badan jaraha loo miiqye
Mudanihii Gabayruu ka diley oo mar soo baxa'e
Waxay talo ku goosteen inay moxogga diidhaane
Habargidirta mudugjoota ee maashu wada soocday
Ee layska maamulanahayoo deyrka lagu meershey
Ee sida halah maydabta ah layska maalaayo
Iyaba mahadhada waa qabaan ceeb muggooda ahe
Murursade iyo Cayr iyo haddii Sacad la miireystay
Marna iney maya oran kareyn kama maleeneynin
Hadalka hayga moodina inaannu maaran waa nahaye
Sidaan maanta nahay yaan la oran laga milroonaaye
Maruunbaannu mowjada xirmiyo maayad soo kicine
Nabsigaan mugdiga gudahayaa maruun heleynaaye
Caruuraha maryaadaya iyo Dumarka mowleeyey
Maruunbaa marwada Maxamed qabo noqon masaalkoode
Maruunbaa mid lagu meel maro iyo maahir noo kiciye
Maruunbaa rag wada miiggan miiddi soo bixiye
Maruunbaa madhada Caabudwaaq miig ku soo degine
Ninkii tiisa maamulan karaa kuu muraad falahe
Magaalooyiyo lama martiyo lebiyo meygaage
Bal inaad idinku naga maarataan wax is moodsiiya
Afartaas intaan miin ka deyey meel ma qabadsiiyey
Ragbaa gabayga meermeeriyee marindhac maw diidey
Macna kale waa hadal yar aan meesha kala yeele
Maraweyntii reer Cumar ahayd meher xalaaleeye
Midguhuba ma yeeleen waxay madaxa saareene
Aw Muuse gabayguu marshaa meesha soo galaye
Waxba yaan micna la'aan xarago suuqa lay marine
Waxba yaan matoobi iyo shaal lay mardaadine
Waxba yaan dad mudan baannu nahay lay maqmaqashiine
Haddaad geel mulki ah leedohoo xero u maageerto Mareerkiyo galoolkiyo haddey magacley daaqeyso Oo kuraygu muraha u sidoo maraq u dheesaayo
Ninkii maagistaada iyo fidmada muhashadeed haysta
Haddii uu martabbadaadi hore sax u maleyn waayo?
Marka hore midbuu kaa qalaa muunad loo dhaline
Murre haddey dhadhami weydo iyo dacar la soo miiray
Oo uu raggii maali jiray soo mur bixi waayo
Muluf iyo haddey wada mohollibiin tuunsan
Doqontii maldahan hawga biqin maayal dirireede
Mar labaad rogaal weereraa lagu mayiiraa
Oo muqalladoodii rag kale garabka meershaa'e
Cabdulqaadir bay maraqsadeen maalin duhukiiye
Mishingaanku goortuu dardaray mahad ma moogeyne
Macaan dhereg la'yahay ceebtu waa meheraddiiniiye
Nimankii middida saaray baa meel la hurudeene
Ood waliba maamuus salaan ugu mihiibteene
Inaad diini magantiis tihiin idinma moodeyne
Dabadeedna muurmuursigii lagugu meydhaanye
Toban iyo toddoba madax ah oo uuskii laga maaxshey
Is maxamuudintiinaas xun baa loo makaabsadaye
Mahwigii xalwiyo laga tuur malawgi dheeraaye
Cirro inuusan meel roon ka dhalan waw makshuuf qabaye
Magac ba'aye Ciisaan lahaa way mitidayaane
Cismaankii is maahuurin jirey malihi beenowye
Haddii muran dhexmaro reer tolkood ways mutuxiyaane
Goortey shisheeyaha mutaan reer marti xumooyin
Raggi shaaribbada miiqi jirey waa makaan dumaye
Waa taad majeerteen yaryare nagu magacowdeene
Murti haddaad la haydeen wax tara lagu muquuneeye
Ibraahiinno milanbay qabaan mur iyo deeqaabe
Moortaayihii shalay ku dhacay lagu mahlaakeeye
Ulud dheer middii lagu dhiftay doc ula miiqmeene
Mottarkii shirshooruhu markuu kor u muquufaayey
Allaaba waa gargaar meel maraa ugu miciintaane
Goortii la mariyaa kalgacal wada maqsuudeene
Ninba maalinbaa loogu iman maxastadiisiiye
Qoladay markaas haysataa kaga maqnaateene
Xasidnimada maarowdey waydiin macaantahaye
Mahwiga Cali saleebaan haddaan mirar ka faaleeyo
Waa niman mallay inay gurtaan maanka kaga taalle
Waa niman aan ficil muujin karin maalin lays galaye
Iyagoo malyuun iyo malyuun mira saruu dhaafay
Waa niman masaakiin yaryara lagu masaalaa
Waa niman micnaha ay wataan lala mashquulaa
Waa niman mucaarad iyo toos aan midna ahayne
Waa niman aan meelna uga jirin miis rag leeyahaye
Malagii walaalkii nin jecel murugo waw kowe
Ragga lagu malkhadayaa waa mahurtadiinniiye
Maruun inaad is deydaan way kaa madowdahaye
Mataraariyaha lagu furaa keligood moodeene
Goorti mir iyo mayrac iyo malabsi loo laysto
Inaad adigu marax keyda tahay wayska moogtahaye
Muusiyo Ismaaciil bahdood kama masuugaane
Mar haddey makaabbada jebshaan maara laga waaye
Magli kugu dhegayey sidiis wax u maroorshaane
Marse haddan kor u qayliyoo mirar u yeeryeero
Moxorkii jeceeleed haddii firimbi mawleeyo
Haddii aan magaalada qandala oohin ku ag meero
Madaxyada walwaaleed haddii belo muluufaanto
Ceelkii mareegsane haddii qiiqu mulufleeyo
Marsabadiyo xeebaha haddii laysu mariwaayo
Maskantii haweenkiyo haddaan marashi dheer qaato
Madal laysu soo baxay haddaan muusanaw kiciyo
Waxaan maanka ku hayaa inuu maata doox dhicine
Annagoo makiinada laliyo moodhar ku ordeyna
Oo caradu naga muuqataa mowqifkii imane
Eebbow waxaan maagganahay yaa maslixidoonna
dimanche 16 décembre 2007
SIYAASADDU GADDA MAAHA
GABAYGAN WAXAA TIRIYEY ABWAANKII WAYNAA EE REER SAANAG XAAJI MOXAMED CABDI(MADOOBE).
WUXUUNA YIRI.
Siyaasadu gadaa maaha
Dhuudaan u galay maaha
Hadaan gaari helay maaha
Googoy puntland maaha
Hagodoonto Cayn maaha
Sool guluf ku saar maaha
Sanaag gees ka dhaaf maaha
Hayland ka gudub maaha
Gaalkacayo reeb maaha
Mudug koonfur geey maaha
Caasimada loo gartay iyo
Garoowena ka rara maaha
Boosaaso gey maaha
Qardho gobol ka yeel maaha
Karkaar oo dhan sii maaha
Tii sunaamida ku guro maaha
Siyaasadu gadaa maaha
Ciidamada garaam kooda iyo
Gunadooda guro maaha
Sharciga gees ka dhaaf maaha
Hadii awr garaaraysatay
Gool kugu agjabo adiga
Goowsahayga mooyee
Gumad ruux ka siin maayo
Gobta caadadeed maaha
Siyaasadu gadaa maaha
Hadii geed lawada beerto
Gunta xolad ka saar maaha
siyaasadu gadaa maaha
Isimada gudoon kooda iyo
Goaan oo dhan buri maaha
Siyaasadu gadaa maaha
aatada gawaan raac day
Gur gur shaaga lagu guuro iyo
Hasha geela ka irmaanba
Gawrac ka mari maaha
Siyaasadu gadaa maaha
Puntland iyo gergaydheeda
Aniga iyo garaadkayga
Goaan iyo ku dhaqankiisa
Xaajo waliba geedkeeda
Geesi waliba xeeshiisa
Hadaan gaabsho maansada
Awr ka geela lagu daray
Waa guubis madax weyn
Hadaan gu'ga kan laga qaban
Walee waa gadaal looga sheekee .
dimanche 9 décembre 2007
DAGAAL OOGE
Maansadii Dagaal Ooge oo uu curiyay Abwaan Axmed Cabdi Geelle (Dariiwsh)
Jun 21, 2007 By:Abwaan Axmed Cabdi Geele.Jidbaale(Maanso) Maansadan la magac baxday Dagaal-Ooge waxaa curiyay Abwaanka da'da yar Axmed Cabdi Geele (Darwiish) oo ku nool Kenya, waxayna qeyb ka tahay taxanaha Suugaaneed ee Silsiladda Dood-wanaag, soona baxday taariikhdu markay ahayd 19/11/2006, Dariiwsh wuxuu curiyay maansooyin badan oo ay ka mid yihiin 'Dariiwsh iyo Daliil'
Dagaal oogahow joog
Daljirkii waxaan ahay
Maansadii darwiish iyo
Daliil soo bandhigey ee
Dareenkiisa ku cabiray
Markaan daa idhaahdaba
Doc aan laga fileyn baa
Daad lagu arkaayaa
Dar horaa wuxuu yidhi
Nin duryamay ma wada odhan
Nin dul marayna kama tegin
Waxaa waano daabacan
Haddaan lagu dawoobeyn
Inagayska daalloo
Dibnaheennu xiiqa,e
Dadku waa dix dhagaxeed
Waanada ma doonaan
Xumahay ka doorteen
Samirkiyo dulqaadkii
Dulmi bay ka doorteen
Daacad iyo hufnaantii
Dunuub bay ka doorteen
Wax la yidhi dameeraha
Doqoniino awgeeduu
U dilaa waraabuhu
Iyagaa ku doontoo
Ugu baxa duleedada
Ducadiyo wax sheegiyo
Ha ka daalin waanada Yaan iskula dardaarmaa.
Bal dayoo u fiirsada
Weel daloola celin ma leh
Dheg daguugan maqal ma leh
Nin dayoobey jaho ma leh
Damiin garasho dheer ma leh
Danaystuhu tix gelin ma leh
Dib baad uga shallaayiye
Dad qal daabka dhigo ma leh
Dilaalkuna xishood ma leh
Dulmi derejo wacan ma leh
Jahliguna dugaal ma leh
Xaq la dedey dabool ma leh
Anaa diley ka dood ma leh
Doqonkuna walaalkii
Ha iska diline daa ma leh
Daba dhilifku hadaf ma leh
Dabaalnimo bogsood ma leh
Dugaaguna hilbaha wadhan
Dheregtaye ma dool ma leh
Weere adhiga daa ma leh
Doofaar damiir ma leh
Dayr la waayey doog ma leh
Habeen dumey cadceed ma leh
Dal shisheeye degel ma leh
Qaxootigu dabiib ma leh
Ubad diinta gaalada
Duruus looga dhigayaa
Ma danqado duqii dhalay
Diidaye ka daa ma leh
Dalkaagii ha aadine
Dirayskiyo dabkaa qaadoo
Ka dagaalan meel kale
Diiddo iyo ka dudis ma leh
Diir kuu dhaqaaqiyo
Shisheeyaha dubaax ma leh
Dumarkiyo caruurtiyo
Danyartuna u tudhis ma leh
Duqaydiyo wax garadkiyo
Daacadi hungow ma leh
Ramag doobi loo culey
Iska daadi dhay ma leh
Gu,darooray oo da,ay
doog iyo tigaad badan
Ka guur oo diraac qabo
Baahidu la deris ma leh
Diintiyo shareecadu
Eex iyo dakano ma leh
Aadami dastuurkii
Dimuqraadi dhaxal ma leh
Allaha dunida uumaye
Ina dilaya kuligeen
Shirki lagu dabakho ma leh
Dayaxii islaamkiyo
Nebi muxamed diidoo
Dan qabiil u taagnow
Siidhi iyo durbaan tumo
Gaalada la duubnow
Dawgay maraan raac
Waxay doonayaan yeel
Aduun baa ku daaliye
Duug kaaga hadha ma leh.
Mar hadii dadkeeniyo
Dalkeeniiba saa yahay
Ma daweyso waanadu
Nin ibleys hogaan iyo
Dabar geliyey waa hore
Ka dahaadhay laabtiiye
Dub bay noogu yaalloo
Dan bay naga dhaxaysee
Yeynaan ka daaline
Sidee loo dabiibaa?
Dawadiisa yaa garan?
Ma dhulkay ku duugeenoo
Ku daguugan tahay weli?
Ma dal aan dhaweyn bay
Doonyuhu u qaadeen?
Ma buurahay dushoodiyo
Daruuraha dhexdoodey
Dabayluhu ruxaayaan?
Lix iyo toban guyoo da,ay
Dagaal oogayaal baa
Ina kala dilaaloo
Isku keen diraayoo
Weli dabkii shidaayee
Haddaanay dawoobeyn
Dulmigana ka joogeyn
Daalaye maxaa dana?
Xadhig siima daayaa iyo
Hadaynaan ku xidhin daar
Isku duubnideeniyo
Danta qaran ka door bidin
Duulaanka cadowgaa iyo
Ha ina dilo waraabuhu
Ha la dumiyo daaraha
Dabaysha iyo fooraha
Dugsi celiya yuu hadhin
Ha yimaado daayeerkii
Dusha inaga rari jirey
Nin waliba dabkuu shiday
Ha dhadhamiyo dacartii
Ha la dooxo maatada
Ha la qaado duunyada
Dahabkiyo shidaalkana
Doonyuhu ka qaadeen
Doqon aan la ciiline
Ma dawowdo weligeede
Maskaxdii daboolayd iyo
Maankii ha soo dego
Dal inaan wadaagniyo
Dantoo naga dhaxaysiyo
Isku diin in aan nahay
Aan garano dabadeed
Mar aynaan wax dili karinoo
Is difaaci karahayn
Gobanimo u dirir iyo
Aan doono calankiiyoo
Dib ha loo dagaalamo
Inagays duleynaye
Aan wareegno duurkoo
Hadba dow istaagnoo
Dalkeenii xorta ahaaye
Shaydaanku soo degey
Ugu ducayno weligeen
Dunuubtaan samayniyo
Dambigaan falaynaa
Sidii daad na qaadaye
Allaha daayinka ahow
Danbigeena noo dhaafoo
Dugaagaa na cunayiyo
Daayeerka naga saaroo
Dalku noo hagaagoo
Dawladnimo timaadaa
Saasi waa diciifnimo
Intaan daad ku soo gelin baa
Dugsi laga samaystaayoo
Loo diyaar garoobaa
Iminkaba digtoonow oo
Dagaal oogahow joog
Dabkan aad shidaysiyo
Dumbukhaad ridaysaa
Inoo daran dhamaanteen
Adna derejo kuuma leh
Dan shisheeye leeyahay
Ha u layn dadkaagee
Damiirkaaga kaashoo
Kuwa daacaddaa iyo
Nabad doonka daaliyo
Duqaydeena sharafta leh
Aan kuu ducaynee
Dadka dhinac ka soo raac.
Culimaa,u diinkaay
Xil baad guudka saarteen
Dadka waxaad tidhaahdeen
Dawgii rasuulkiyo
Halkii eebe dooniyo
Daacad iyo hufnaan baa
Dalka lagu dhaqaayaa
Dastuur gaalo keentiyo
Dimuqraadi ma ogolin
Diinta iyo shareecada
Dadku waa u siman yahay
Hanti daalin haystoo
Laga diirtay ruux kale
Dib baan loo arkaynoo
Anagaa u duubane
Ha soo doonto keedii
Haddaan la is dafirahayn
Dulmigii ba,naa iyo
Qabiilkii na kala diley
Danaystuhu ku noolaa
Idinkaa daweeyoo
Degaankaad timaadaan
Dadku waa walaaliyo
Deris oodda wada yaal
Dedaalkaad samayseen
Waxaa diiday deeqdaa
Nimaan diin lahayn iyo
Damiir laawe nacas iyo
Dabadhilif danayste ah
Waxay doonayaa waa
Qabiil la isu dooxoo
Dukumdaakum naga dhiga
Digtoonaada weligiin
Dabinkay dhigaayaan
Yuu debec idiin qaban.
Boorame dushiisiyo
Dadka bari ku nool iyo
Daaraha hargeysaad
Sunni diinta jeceloo
Daacaduu u badan yahay
Ma geyaan duqayn iyo
Duulaan colaadeed
Digtoonaada weligiin
Hadal idinku dirayoo
Aan daawo keenayn
Dibnahaa ka dhawroo
Ku dadaala waaniyo
Dacwo gaadha kuligood
Oo dib noo midaysoo
Qalbigooda daxalkiyo
Ka safeeya dacartiyo
Duruustii danaystuhu
Ku akhriyey ee daashaday.
RadioSSC News.waxaa soo wariyey xayir
WAA GABAY CILMIYEYSAN KUNA SAABSAN XAALADA DHULKEENA HOOYO EE SSC
Hobolkiyo abwaankii markii heer la wada taagey
Ee heestii gabay lala simaan hawlyaraan dhigaye
Hawraarta suugaanta wuu ugu horeeyaaye
Aniguna hidaha kama lumine waan hawadiyaaye
Hogeedaan aqaan iyo halkii ugu haboonayde
Caawana afkaa ii hud huday hadal colaadeede
Ficil baan is hayn waayey oo soo hankaabsadaye
Waligeyba wow hiilin jiray duul halaagsamaye
Waana hoga tus weedhaydu iyo say hadhow noqone
Halawgaan diraa dhegaha waa inuu haleelaaye
Hawd iyo nugaalow i maqal waad hawiranteene
Hog inoo qodnaa baan galiyo hogobyo shaydaane
Haybaddaan lahayn way luntiyo hor umarkeeniiye
Habraa ina qabsaday iyo wixii haarufta lahaaye
Inaan hogano iyadoo isaaq inagu heesaayo
Hog inaan gallaa igala wacan habacsanaantaase
Nafta hura dhulbahantow ma jiro hiil idiin maqane
Hubkana qaata gobanimadu waa haybad iyo shaale
Dabka hadaan la hurin iyo dagaal lagu huruunshoodo
Aan hoobiyaha lagala hadhin hawsarkiyo jiibka
Hamigay wax badan goobayeen waw hirgalayaaye
Heeryada ridaay maanta waa kala hayaankiiye..........
Hadii awrku heeryada cunoo hiigo raradiisa
Haamaha ku raran baa ku dhiga haaro iyo booge
Hungurigii galbeed loola kacay lagu halaakowye
Haaweydii ina iibsataye soo hor kacay huushta
Ee soo hirgeliyaa hadeer hoos u foorara,e
Hagarta waxay u gelayeenba waa haamo buuxsada,e
Hamigooda liitaa ku furay gegi habaas weyne
Hooyadii nin qixiyoo tolkii haadda ugu yeedhay
Aan himiladiisiyo la garaf hadafka uu dooni
In bulshadu hogaamiye tidhaa lagu hankaageeye
Rag haliiley wow halis inay hanaqa gooyaane
Hilbahooda hadii aan la wadhin oo haada la cunsiinin
Aynaan hareeraha ka gelin sida halaambeyda
Aan loo heshiin inay noqdaan hadur wixii gaadha
Hayhaata weeyaan waxaad ku hadayaanteene
Heeryada ridaay maanta waa kala hayaankiiye......... ....... ........ ........ ............ .
Ma haboona dhabayaco inaan hiil ka dayanaaye
Hartigii la eeday badhkeen haybiyaan weliye
Ka soo hadha majeerteen hungaad uga dhacaysaane
Hanad waxaan lahayn xamar hadii lagu horaysiiyey
Laaskana la haystoo hadeer holoco qiiqaayo
Tabcay nala heleen ay mindidu heedhay boqontiiye
Ha yeeshee gob lama haysan karo heegan weyn galaye
Hibo wow lahayn geesinimo tan iyo haabiile
Guutooyin soo humiya oo dirir u heenseeya
Iyagaa markuu holocu gubo dib u haduurlayne
Markaasaa habkii dawladnimo noo haboon yahaye
Heeryada ridaay maanta waa kala hayaankiiye.............................
Inscription à :
Articles (Atom)