lundi 12 avril 2021

HADDII AANAN DUHLKAYGAW DHIIG KUUGU FOOLDHIQIN





                                               



WARYAA  DARISKOOW 🙉🙊







WAAR MOOSKAGA ISKA GURUBSO OO BADDA IYO XEEBAHEEDA KA FOGOW
YAANAD KU HAFANE.

mardi 27 décembre 2011

Daawo Heestii "Going back to my Roots" ee Kooxdii Odissey oo loo beddelay Taleex lee Immaw Good Point.


Going back to my Roots
Ereyadan going back to my roots ayaa u jeedadeedu ahay dib ugu laabashadii asalkayga oo ay tiriyeen dadka madaw oo leh Afrika ayaan ku noqonayna Halka Daraawishina ka tiri sidoo kale Taleex halaysugu tago illeen Taleex waa asalkiiye  So!!! so good so nice waa isku dhagdhag.
Gufacaale Roob:(gufacale@hotmail.com

dimanche 13 novembre 2011

Waraysi Xasaasi ah Madaxa Sirdoonka SSC (Video)

Madaxa Ciidamada sirdoonka SSC ee dhawaan shaaciyey waraysiyo iyo shirar hoos hoose oo uu la galay  isla markaana caalamka u  soo baahiyey munaafaqadda iyo qudhunka ku aasan madaxda goonni goosatada SNM,ayaa mar labaad u soo bandhigay DarwiishTV mahadi ha ka gaadhe, habka ay u fashiliyeen Kooxdaas,hadaba shardiid wuxuu idiin soo bandhigaya waraysigaas iyo qaar ka mida waraysiyadii hore ee geeska Afrika ku reebay taariikhda lama illaabaanka ah.

Waana ka ee nala dhegaysta -----------SIILAANYO 
Halkan Ka Dhagayso ———- > Qaybtii Hore Ee Sirtii Laga Helay Jamahda Siilaanyo Part1
Halkan Ka Dhagayso ———- > Qaybtii Labaad Ee Sirtii Laga Helay Jamahda Siilaanyo Part
 Faysal Cali Dhurwaa ama Waraabe

Dhagayso Faysal Cali Waraabe Part 1
Halkan Ka Dhegayso Maxamed Kaahin
Dhagayso Nuux Taani
Dhagayso Nuux Taani
Dhagayso Maxamed Kaahin part 1&2
Dhagayso Maxamed Kaahin Part 3
Dhagayso Axmed Cadami
Dhiibo Fakradaada (Riix meeshay ku qorantahy comments)

lundi 7 novembre 2011

Tom Hanks Poised To Play Capt. Richard Phillips In Somali Pirate Saga

EXCLUSIVE: Sony Pictures Entertainment is attaching Tom Hanks to play Captain Richard Phillips, the leader of the cargo ship Maersk Alabama who gave himself up as a hostage to Somali pirates to keep his crew from having to leave the ship with them. After three days alone with the armed pirates in a small lifeboat, Phillips was saved by Navy SEALs who staged a raid that left three captors dead and another in custody. Shortly after Phillips got a hero’s homecoming and signed with CAA to make a book deal, Sony Pictures optioned A Captain’s Duty: Somali Pirates, Navy SEALs, and Dangerous Days at Sea, Phillips’ memoir of the harrowing ordeal. Hyperion published the book last year. Sony Pictures’ The Social Network team of Scott Rudin, Michael De Luca, Dana Brunetti and Kevin Spacey are producing the film. Hanks sparked to a draft recently turned in by The Hunger Games scribe Billy Ray. Elizabeth Cantillon is supervising for Sony Pictures.
Hanks is currently working with Rudin in Extremely Loud and Incredibly Close, the Stephen Daldry-directed Warner Bros/Paramount adaptation of the Jonathan Safran Foer novel that also stars Sandra Bullock and is under way in New York. Hanks doesn’t attach to many projects, but he also made plans to star with Toy Story cohort Tim Allen in a live-action version of Jungle Cruise for Disney. CAA reps Hanks.
Source: deadline
Ka Dhiibo Fakradaada (Riix: comments)

mercredi 23 mars 2011

Waraysi:Sirdoonka SSC oo Ina Kaahin Ka Ummuliyey

Halkan  Ka Dhagayso Col- Mohamed Kaahin oo wixii calooshiisa ka buuxay soo butaaciyey.
dhagayso Listen
Ka Dhiibo Fakradaada (Riix: comments)

dimanche 21 novembre 2010

Gabay: Guur aan ka la’aado – By Xalwo Bulxan Cali

Gabay ay Aw-Yuusuf iyo Yamyam horay dumarka u tiriyeen oo Guur AAN KA LA’AADO ayaan aniguna uga jawaabay gabay aan ku tilmaamayo ragga intooda xun ee aan mudnayan in la guursado, sababtoo ah xumaanta nalagu sheegay mid la mid ah ama ka badan ayaa ragguna leeyahay, gabayga jawaabta ahna waa kan hoose:
1. Indhoweyd murtidii geyfanayd waanigaan geline
2. Waatii angees maray naxwihii guulle iiqoraye
3. Maantana waxbaa igu gujaye ma anan goobeene
4. Ruuxna gaar umay aha murtidu waa qofkii garane
5. Gabdhihii lacaayee xumaha gurada loo saaray
6. Haddii aan gar eexaad lanaqin waa gef hadalkaase
7. Idinkuba waxbaad geleleftaan kala guraysaane
8. Maxaa libin kugeeraarka iyo guusha idin siiyay
9. Guyaal iyo guyaal badan haddii nalagusoo guuray
10. Goor iyo ayaamaba haddaan ciil lagalawlaynay
11. Caro gaamurtaan wadaqabnaa gebi ahaanteene
12. Gacan bidix ayaad nagu waddeen tan iyo goortaase
13. Haddii ay gadoodaan habluhu lama guhaadsheene
14. Gabayaal inay noo keceen geliya laabtiina
15. Aqoonyahanno gaamuray oo murtida wada gorfaynaaya
16. Inay maanta wada geyfanyiin geliya laabtiina
17. Markiise aan garaadsaday iyohadoy garashaday buuxdo
18. Raggu waxay abiid guranayeen godob xumaanteene
19. Garaadli’i mahaysee gabdhaha jaaniskaa gabaye
20. Guriga iyo intaan ubadka iyo fool lagubanaynay
21. Nagu gaadde gabayada xunoo gubaya jiirkeene
22. Gafkaad naga gasheen inuu ciqaab idin gayaysiiyo
23. Rabina idin gargaarin oonabsigu idinku soo guuro
24. Guyaal baan sugaynoo waqtigi waalasoo galaye
25. Guryihiyo haddaad naga jafteen ubad gardaadsiinta
26. Angoogaalaysannee ina ragow goobta noo fidiya
27. Guushuna kuway raacdo aan wada guddoonsiinno
28. Afartaa gorfeeyaye midkale aan giraangiriyo
29. Geyriyo ufada soo dhacdiyo yaare aan geliyo
30. Gucumaale aar iyo sidii goosha an ureemo
31. Aan guul-guulo afarrey guntaha guushu waa aniye
32. Gosha aan laboxo kaan naxwaha garan ujeedkeede
33. Xaajadana aansoo gambiyo waygun weyn tahaye
34. Awyuusuf gabayguu tirshiyo gedihi uusheegay
35. Yamyam wuxuu kagaaftee uuyiri guur anka la’aado
36. Aniguba gaddaas oo kalaan qaybka gaabsadaye
37. Namawada geyaan nimanku oo qaar ayaa gurane
38. Kuwa gogosha aanloo dhigayn goyn anka higaadsho
39. Dabaguraha gooraha xun jecel gabar ardaa jiifta
40. Gaatamaha tuugada uguda goordhexiyo leylka
41. Gaajoonahaas aan dhergeyn guur ankala’aado
42. Midka giniga haystee kuxira jeebka gudihiisa
43. Een garanin reerkaaga geli guulle wuxuu keenay
44. Intii aan galluubnaan lahaa rafaad guur ankala’aado
45. Marti geyre dhaxanliyo kutimid guure iyo dheelmad
46. Gogolkaan usoo qaadinoon sooryo gelinaynin
47. Intii gacalki uu hiifilaa guur ankala’aado
48. Midkaan geedka laga naadin oo goobta laga sheegin
49. Oon tirada soo gelin kolley saami waagabaye
50. Intuu aniga ii guuxilaa guur ankala’aado
51. Midkaan ehelka garan oon wanaag gacan uqaadaynin
52. Ilmadowda gaajoon midkaan gelin qadaa siinin
53. Intay guriga ii ooyilayd guur ankala’aado
54. Midka gada dharkiisoo rahmada waagu’ baaqsadaye
55. Intuu qaad kusoo gadan lahaa go’a sariirtayda
56. Imageyo nin qaawane midkaa guur ankala’aado
57. Kaan garan salaadiyo waqtiga guulle faralyeelay
58. Googoyska cibaadada gefaye geesta uga leexday
59. Oon masaajid soo gelin waqiis guur ankala’aado
60. Midka guurka diidoo macsida abidki goobaaya
61. Een garan samaantee xumaha daba guclaynaaya
62. Saaniga ilaahay kago’ay guur ankala’aado
63. Midka diinta garanaaya ee gooyay dhaqankeeda
64. Shareecada midkaa garab maree gaalo badaraacay
65. Garaadxumaa ugeysaye dulliga guur ankala’aado
66. Caasi ganaya hooyadi intuu gumuc usoo qaato
67. Ama cay kugaacinahayoo nabar kuguulaaya
68. Gayaan kuma haboonee midkaa guur ankala’aado
69. Garruun xaasidnimo loo tabcoon garasho hoos oolin
70. Gafuur jabin midkaa ila rabeen gacalo iihaynin
71. Intuu iila gaatami lahaa ulweyn guur anka la’aado
72. Xilagube gasiin iyo anbixin maro isgaarsiisan
73. Guudkana islaan uga egoo gogosha ii jiifa
74. Intii goorxun aan ooyilaa guur ankala’aado
75. Guulihii abuurtiyo nebiga cayda ka geyfan
76. Gaboodfalaha diintii gudbaye dhaar ankala goynin
77. Gaalkaas ilaahay kago’ay guur ankala’aado
78. Gaarida wanaagaleh midkaan garan abaalkeeda
79. Gafuur buure aan ruuxna garan wuxuu gollaynaayo
80. Gujeeyaha gunuusee guryama guur ankala’aado
81. kaan jikada galayn oo ilmaha gelina haynaynin
82. oo aan garawshiyo lahayn saacidee gabadha
83. gacan kaan isiinayn bugtada guur ankala’aado
84. Waalidkay midkaan gobonimiyo sharaf kagoobaynin
85. Guuleed walaalkay ninkaan gaar umagacaabin
86. Eexididka gooyee anrabin guur ankala’aado
87. Gabagabo dagaal iyo markii cadaw laguulaayo
88. Gantaalaha markii laysku riday eegeesi diriraayay
89. Giiryaalaha gadaashayda maray guur ankala’aado
90. Midka gaawadii oo dhashay iyo goodir daba jooga
91. Galaxeeda caanaha midkaan goomanaha siinin
92. Bakhayl gurigi loomasoo hoydee guur ankala’aado
93. Mooryaanka gaajoon ee wadada tuugadaw gelaya
94. Googarada dumarkiyo midkaan garanna dhaafeynin
95. Jidgooyaha islaamkii gambiday guur ankala’aado
96. Qabqablaha gumaadee shacbiga dhiiggi gadanaaya
97. Dawlad gaamurtiyo kaan jeclayn calan shangeesoodka
98. Ee gaar keligi nolol uraba guur ankala’aado
99. Balwad kay gagabisee fadhiya cooshka laga guuray
100. Qaadka iyo garaabada midkaas guranayee jiifa
101. Ee qiimihii nolosha gabay guur ankala’aado
102. Hinaasaha guryama ee shakigu gebigi buuxdhaafshay
103. Gurigayga kii soo agmara guullan kahorgeyska
104. Guufanayska waardiyaha gala guur ankala’aado
105. Guurbadane gabadhuu arkaba meher lagaadaaya
106. Xannaanada gurboodkana dayaca gurina aanjoogin
107. Gododlaha cidlada iiga guday guur ankala’aado
108. Midka deriska guul-guula oo gawnaxyada buura
109. Intuu gaarka joogana cambaro gaabsatee cararto
110. Xaawaleyda kaa gabawarana guur ankala’aado
111. Allow deeqsi geesiya halyey diinta garanaaya
112. Garaad badane gobanimiyo sharaf looga gogol yeelay
113. Adaan gacanta kuu hoorsadee calafku iigeeyo
114. Gabay kuma idlayn karo raggaan gacalo loohayne
115. Damiirkiise gade baa jiriyo ceebta gurigeede
116. Dumarow garwaaqsada raggii laga gol roonaaye. 
 
Curiye:  Xalwo Bulxan Cali, Nairobi/Kenya.
buruntibeelo@hotmail.com
Tel. +254722630929
Mamulka shardiid.

mardi 8 décembre 2009

Alleyl Dumay Albaabadoo Xidhan ,Uunku Wada Seexday.


Alleyl dumay albaabadoo xidhan, uunku wada seexday
Onkad yeedhay uugaama roob, alif banaadiikh ah

Iihdayda bixi baa libaax, iman lamoodaaye

Raggase adhaxda iyo ooftu waa, udub dhexaadkiiye

Labadii wax laga eegi jiray, waan ka awdnahaye

Halkaan aa ka leeyahay Illaah, kaliya uun baa oge

Aboodigu malalo garab haduu, iin ku leeyahaye

Orod uma holado ooglihii, adhaxda beelaaye

Ma aarsado il iyo oof nimay, iimi kaga taale

Aroos uma galbado nimuu wadnaha, arami jiifaaye

Geeluba markuu oomo wuu, ollol badnaadaaye

Sidii inan yar oo hooyadeed, aakhirow hoyatay

Oo aabeheed aqal midkale, meel illina seexshay

Hadba waxaan la urugoonayaa, uurkutaalada e

Ninka illo biyaleh soo arkoo, ooman baan ahaye

Ninkaa ooridiisii nin kale, loo igdhaan ahaye

Nin Ugaas aabihii yahoo, aarsan baan ahaye

Afdhabaandhow ninkaa aayar uun, aamusaan ahaye
WUXUU AHAA  GABAYGII RAAGI UGAAS  OO MAANTA KHUSEEY REER SSC.


dimanche 2 août 2009

Gabay Godobiirsay ka yimid oo Hawiye ku socda

By Cabdale Faarax Sigad Wakhtiyada qaarkood dadka soomaalidu midnimada way wada jeclaayeen waxana jirtay in ay aminsanaayeen meelkasta oo dalka ka mida oo ay tagaanba in ayna cidi ka xigin taasina waxay sababtay in dadkii soomaliyeed iskugu yimaadaan magaalada Muqdisho. Laakiin nasiibdaro waxa fikradii dadka somalidu qabeen burburiyay Hawiye iyagoo ka qixiyay dadyawgii kale ee somaliyeed magaladaa Muqdisho xataa kuwii asal ahaan ka soo jeeday koonfurta amaba Xamar gudaheeda. Taasina waxay sabbbtay in ilamaa malintuu ina Mohamed Siyaad Barre dalka ka baxay loogu tagiwaayay hawiye magala madaxdii dalkii la odhanjiray somaliya. Iyadoo hadaba arintu ay sidaa tahay ayay maantana rabaan hawiye dadkii ay qixiyeen in ay marlabaad qasab ku soo noqda yidhaahdaan. Tixdan gabayga ahina arimhaa ayay ku saabsantahay waxana tiriyey nin reer boorama ah . bal eega hoos hotlkani siduu u qurux badnaan jiray iyo sida laga dhigay ama Xamar siday ahaan jirtay iyo sida u dambaysay. AKHRIS WACAN Daroor iyo Qardhiyo Daalo guudkeeda Dooxada Shabeeliyo Saylac dacalkeeda Dadwixii kunoolaa Afmadow ee Xamar dagaan mooday Dalxiis uma ahayn Hawiye kumana soo duulin Daljacaylku waakii kuyidhi diida gobalkiina Daaraha is huwan waa kuwii Xamar doolarka uquudhay. Dad jacaylku soomali wuu wada damqaayaaye Dakharada Amxaaruhu anay igu dul yaalaane Degmadayda waakii kadhigay daaro laga guuray Dambi kama galin ee kufrigu diin nacaybuu iigu soo duulay Danta guud ayaan doonayoon kula dagaalayay. Diridhaba iyo jigjiga waxaan ugu dadaalaynay Dabka waxa loogu dhacay danaha soomaale Ducufloow Amxaaraha dahab masiiyeene Dakadaa Barbara uguma deeqeene Duntay oo midnimo somaliyeed qalbigu waa ka dayriniye Dantu waxay itidhi baan haatan day dayiye Dambigaana waxa iskale kuwii Xamar ku soo duulay Daaraha ragii dumiyay, ee dumarka laynaayay. Daarood iyo Isaaq, Dir iyo Gadabiirsi, Digoodi iyo Galadi Dhamaan Digile iyo midhifle ragii diddiyay weeyaane Deriskii macaanaa kuwii dacar qadhaadh siiyay Degaankii Muqdisho ragii looga dalan doolay Dariiqyada ragii joogsadee dumarka baadhayay Dulmiguu Hawiye gaystay buu midkale noogu darayaaye. Darraad bay ahayd markay xamar naga dareersheene Da’adii maalintaa dhalataybaan dafadba u hayne Dir Hawiye ninkii aan ahayn maalintii lagu dambaab maayay Dadkii laga badnaa malintaa maxaa looga dhigay duunyo Diintu way jirtaye malintaa maxaa loo damqani waayay Duubbabkii Hawiye maxaa maalintaa dilay damiirkooda. Durbaanada latumi waa damaashaade Dulmiguu Hawiye gaystay buu midkale noogu darayaaye Duntay oo midnimo kama dambayn Xamare Dantii guud Hawiyaa diloo dooxay waahoree Daaroodku wakaa dalkiisii nabad ku daaqaaya Degmadooda Gadabuursi iyo Isaaq waa kuwaa dewo macaan siiyay Digile iyo midhiflana waa kuwaa dawlada macsuumay Dulmigu wuxu ku hadhay kuway Hawiye deris ahaayeene. Dulmigaad fashaa aduu kugu danbeeyaaye Duulkaa Amxaaraa Xamar ku soo duuli Daarahay dheceenbaa Hawiye looga dacarayni Dambiguu galuu Hawiye maali dambarkiisa. Dagaal oogayasha muqdishana diin uma adeegaane Daacad nimo kadheer odayada madaxa duuduuban Dadkayguun bay rabaan inay ku duulaane Damacoogu kadaran duulka xabashaade Damaashaadka bixi ragbaa damac la daanshoone Dagaal iyo dil baa loo dabaal dagiye Diggrigii ILLAHAY laysku damac maanta Dad baa sheegtay oo nagu dagaalaya Dooduna dalkaagaan xukumi iyo diiday weeyaane Darxumana maqaatee waan ka diriraaye. Daayinoow ILAAHOW daacad baan ahaye Dabka ay wataan Hawiye ha isla doontaane Deyr nooga noqo adaan kaa dalbanayaaye Aamiin!!!!! Cabdale Faarah Sigad sigad12345@yahoo.co.uk

mercredi 22 juillet 2009

Markaannu Isku Daaley Waxba Hambayne Maynnee Gabay Somali ka yimido Kenya ku socda (KIINIYAA IS DAGAASHAY)

Maansadan waxa tiriyeye Maxamed Xirsi Guuleed. Waxay soo baxday 2008-01-31 Waxay ku saabsantahay xaaladda siyaasadeed ee dalka Kenya ee cakirantay iyo saadaasha mustaqbalka ee Soomaalida u fiicnaan lahayd. Wuxu Yidhi: Kiiniyaa is dagaashay Doorashay isku maagtay Kun daday iska laysay Sidii daad isu jiidhe Daasaskii iska boobe Qaxu gaadh deriskooda Dalxiiskii imanaayey Haddeer sooma dagaan Kuwii sii degenaana Degdeg uuga hayaame Duqaydii u sarraysay Dibnahay cunayaanoo Isma daymo bogtaan Inkastoo ergo door ah Looga soo diray meelo Way is diidan yihiin Weli doodu jiq weeye Taasi waa war duleede Dad dhibaato haleeshay Inkastoon lagu diirsan Xigmad duuga ayaa leh Duul musiibo ku hoortay Dar kalaa ka macaasha Waxan uuga danleeyey Dulmigay madaxdoodu Ka galeen dariskooda Haddii uu dildillaacay Darajaale ilaahoow Dab hulaaqay ka yeel Shirqoolkay dajiyeen Duullaankay lallabeen Dagaalkay holliyeen Sidii duunyo xaraasha Dadkay dhofinayeenee Ka dajeen dhul axmaaro Waxaas uuga dambeeyey Sow digniin culus maaha? Daa´inow mahadaalow Dagaalkaa kacay maanta Dabadheere ka yeeley Darajaale ilaahoow Annagoo isku diin ah Annagoo isku diir ah Annagoo isku dood ah Annagoo isku dookh ah Ayey dawlad hagaagta Dacar noo mariyeen Isku duubniyo xoogna Dembay nooga dhigeene Iyagaa kala diinoo Iyagaa kala diiroo Iyagaa kala dookhee Dallna maaha waxaasiye Dadkan laysku qasbaayo Jabbaaroow kala daadi Ilaahow darajaaloow Janankii derdernaa iyo Kornaylkii dad xasuuqe Dar la jaada u yeeloo Ergadii u dadaashaba Diidnay uun kaga keen Darajaale ilaahoow Waxa ay is dilaanba Marka ay isku daasho Dan alloow na bidaanoo Ergo soo dalbadaano Degdeg noogu yimaadda Farriin loogu diraayo Doolow meel la yidhaa Darmo loogu goglaayo Digniina looga dhigaa: Isk reeba nindoorka Dila kii wax yaqaanna Dafa kii hanti haysta Intiina uugu damiir xun Haddana uugu daciifsan Haysa soo dabayaacdo Degdeg noogu yimaadda Dabadeed madashaasi Dooda loogu naqaayo Dawlad loogu dhisaayo Doolow loo bixiyaa Distoorna loogu qoraayo Doolow loo bixiyaa Darajaalle ilaahoow Marka ay degi waydo Askar ay dalbadaanoo Gurmad aan u dirnaayo Dabka aan ka dhignaayo Dood kaleeto furnaayoo Xalka uugu dambeeya Dulucdiisu ahaato: Kukuyooy dalka qayb Dacalkaa idiinkaa lehe Dawladdiina samaysta Luwiyeey dalka qayb Dacalkaa idiinka lehe Dawladdiina samaysta Masaayeey dalka qayb Dacalkaa idinkaa lehe Dawladdiina samaysta Kalanjineey dalka qayb Dacalkaa idinkaa lehe Dawladdiina samaysta Kambayeey dalka qayb Dacalkaa idinkaa lehe Dawladdiina samaysta Kisiiyey dalka qayb Dacalkaa idinkaa lehe Dawladdiina samaysta Meeruyey dalka qayb Dacalkaa idinkaa lehe Dawladdiina samaysta Soomaalaay dalka qayb Dacalkaa idiinka lehe Iska raaca dadkiina Saacaddaa dabadeed Haddii aad is dishaan Annagaydin difaaci Haddii laydinku duulo Annagaydin difaaci Deeradiyo ugaadhiyo Dugaagaa wax cunaayiyo Duurjoogtaad xannibteenee Dalxiiska loogu yimaadana Waysku sii dilaysaane Annagaa dabbarayna Daynna waydunku leennay Digaashaa yaa afrikaan Dawladna maydun ahayne Ninkastaa ha danaysto.
Waxay ahayd Maansadii Maxamed Xirsi Guuleed.
gufacale@hotmail.com

mercredi 27 février 2008

MAATADA XAGGE REER CUSMAAN MADAXA LOO SAARI

SAMATAR BAXNAAN(Dhulbahante)

Wuxuu gabaygan dhaadashada ah abwaanku u diray Yawle(Habaryoonis) oo uu ku gilgilayey waranka kuna lahaa Habar-Jeclo oo la jabiyey haddii aad afka ugu soo hiilisay bal waxaad tarto aanu dhawro

Wuxuu yidhi Abwaanku: Mooradu ma fiicniyo nin maal, lagu majeertaaye

Anse macallin diin laan ahoo, dhigaya mawliide

Sida sheekh mufti ahoo cilmiga, madal ka sheegaaya

Bal aan mariyo maaweeladaan, maahirkeed ahaye Nin hadduu malluugada yaqaan, mooradiyo faalka

Isagiyo Fircoon baysku mida, maalin aakhiro e

Adow maraga oo shaacir waa, inuu mushteegaaye

Inuu gabaygu kaa yare mergedo, laguma moodayne Marka hore hadday laba qabiil, kala maqnaan weydo

Miyir lagu walaaliyo hadday, maarsi kala weydo

Mindiyo laysku dooxiyo hadday, maradu dhiigowdo

Mirta iyo dharaartuba dagaal, kama maqnaadaane

Mutux waxaa ka xoog badan sirtii, laysku mowtiye e Waxba Habar-Jeclada aan makalay, haw makaabirine

Shan qolaa mataanaha ka jaban, Maxamedkiinniiye

Madmadoobayaal oo dhan baan, loo muraad qumine

Waa muusanoow iyo baroor, maansadaad tidhiye

Maadhiinka nimankaan la dhacay, miida Habaryonis

Magta geed-quwaax lagu xukumay, waa rag kaa maqane

Ma mardaadi baa kaaga jira, muuqan mahayaane

Mise waa kuwii lagu mudmuday, maqasha daaqeeda Afrataa madkeeyeye miyaan, meelna ka habowshe

Madhoodhooyin iiguma baxdee, marin ma qaadsiiye

Micne kalena waa eray yaroo, Maxamed loo sheegay Adoo macawis iyo shaal sitoo, muunadii boqor leh

Maajeenta ceelkii lahaa, amase maygaagle

Muusiyo Quddayr iyo jafkaad, nala mushaaxaysay

Aduun bays maqiiqaye dhulkaad, magan ku daaqaysay

Maantaad cabbaysay biyuhu, magac lahaayeene

Imminkay mariid kula noqdeen, mur iyo deebaaqe

Muslim meel xun laga qaatay waa, inuu mastuuraaye

Madfac iyo rasaas bay noqdeen, mahadnaqaagiiye

Ma munaafaq baad tahay abaal, waa ku moog yahaye? Afartaa madkeeyeye miyaan, meelna ka habowshe

Madhoodhooyin iiguma baxee, marin ma qaadsiiye

Micne kalena waa eray yaroo, Maxamed loo sheegay Makhribkii hadaan duulay, waa mid an ku dheerahaye

Muunida aroortiyo hadhkii, kuma macaashtaane

Waa taan makaartii Goleed, kaa mullaaxsadaye

Maydkii Isaaq lagala hadhay, moodharaa guraye

Waa kii waraabuhu ku mamay, maaxdii Reer Sahale Haddii deyrtu waa mudan Hartiye, nala mihiibsiiyo

Meeshaad taqaanneen haddii, mayeyga loo diido

Meermeerka Gubaddood haddii, lagu maqnaan waayo

Sida maylka geeddigu hadduu, mudh isa soo siiyo

Manqax iyo haddii xididtinnimo, la isku muuneeyo

Hadday Muusayaal nala dersaan, nagama maarmaane

Dad ninkii manaabo la' haddii, midigta loo dhiibo

Magligaad afaysaa ku goyn, muruqa Yowloowe

Maatada xaggee Reer Cismaan, madaxa loo saari?

Mas baa kaga tufaye laaska yaa, mar uga soo dhaamin?

waxaa idinku deeqay xayir

mardi 26 février 2008

Barak Obama oo labistay dharkii dhaqanka iyo hidaha Soomaalida ayaa kooxda haweenayda Clinton dacaayado ka faafiyeen

Barrack Obama oo ah mid ka mid ah musharaxiinta u loolaya inay u soo baxaan doorashada wadanka Mareykanka ee lagu wado inay dhacdo bisha November ee sanadka, isla markaana ku hawlan sidii xisbiga Dimuqraadiga uu u noqon lahaa ninka u matalaya doorashooyinkaasi ayaa waxaa lagu daacayadeed sawir uu iska qaaday dhawr sano ka hor oo uu ku labisan yahay dharka hidaha iyo dhaqanka Soomaalida. Sheekada sawirka oo la aaminsan yahay in ay baahiyeen ama faafiyeen taageerayaasha haweenayda lagu magacaabo Hilary Clinton oo ay isku hayaan tartarnka doorashada Mr.Barack Obama.
Barack Obama oo la sheekaysanaya Geeljirayaal Somali ah. Sawiradan hoose ayaa waxaa ka muuqda Barack Obama oo ku labisan Macawis iyo Go' isla markaana Cimaamad ay madaxa u xiran tahay, isagoo uu labiskaasi u toos toosinayo ama u habeynayo Oday Soomaali ah, waxaana sawiradan laga qaaday Mr.Obama sanadkii 2006-dii xiligaasi oo uu booqdey wadanka Kenya gaar ahaan gobolka waqooyi bari ee ay Soomaalidu leedahay. Barrack Obama oo asalkiisii hore uu ka soo jeedo wadanka Kenya oo aabihiis uu yahay Kenyaati ayaa wuxuu tibaaxay in sawirada laga fidiyey aanay aheyn kuwa xun, isla markaana qaabka sheekada loo alifay ay aheyd mid lagu doonayo in lagu sumcad dilo oo daayacad raqiis ah, laakin isagu uu ku faanayo in uu gashado dharkaasi.
Oday Soomaali ah oo u labis toosinaya Obama .
Ninka u qaabilsan Mr.Obama loolanka doorashada ayaa ku eedeeyey taageerayaasha Hilary Clinton inay ka dambeeyeen faafitaanka sawirada, laakin ninka u qaabilsan mss Hilary olalaha doorashada ayaa si adag u beeniyey warkaasi oo dafiray. "Hadii Olalaha Barack uu ku doonayo in uu wax ku soo jiito xirashada dharkan dhaqanka Soomaalida taasi waa guul daro waa inay ka xishoodaan waxaasi oo kale" ayey tiri Hillary Clinton.
George W.Bushba iyo Valdmir Putine waxay labisteen dharka hiddaha iyo dhaqanka ee Vietnaam,waxaa layaableh waxaa loo aflagaadaynayo labiska obaama ee hiddaha iyo dhaqank soomaaleed.
Maamulka Shardiid.
Abdihayir@hotmail.com

mardi 19 février 2008

Cali Dhuux:-God Abeeso Lama Jiifsadoo Halaqu Guurayne

Gabaygan waxaa la sheegay in uu Cali Dhuux U tiriyey Nin lagu Magacaabi jiray warsame Aw Adan oo BAHARARSAME ahaa, kuna lahaa hanti magaaladda Burco, waxaa la soo wariyey in Cali Dhuux Arkay sida Warsame Burco isugu dhajinayo,niman shirqool u maleegayaana Ay ku xila Furayaan in ay gadhka Xinne u mariyaan , Cali Dhuux isaga oo aad u feejignaa waligii ayuu Go'aansaday inuu Warsame Dareensiiyo waxa hareerihiisa Ka dhacaya wuxuuna u tiriyey Gabaygan. Warsamoow haddaad guurti tahay oo wax garanayso Gaar fooq leh kuma aad seexateen gobabka dhaadheer eh Geyi aan xigaalkaa fadhiyin kuma go'doonteen eh Nimanka aad garbaha haysato ee gacanta saarayso Ee guudka kuu marin xinnaha baa ku gowriciye, Adigoo ginaga raadcayn ayaa meel laguu galiye, Gaadh baa lagaa qaban sidii goraygii dheeraaye, Goombiyad af-leh iyo toorrey baa lagugu googooyn eh, Hadad moodi gaaladu inay gacalow kuu heelin, Garoomada kuwii lagu tolay iyo giibba duudsiye, Maadigay garnayl kuula dhici gooshka habar yoonis, God abeeso lama jiifsadoo halaqu guurayne, Gucumaalo aar loogama gabado geedan celinaye, Gabraar kaa hungyadaan arkee gura alaabtaada, ka googooso geeri ha ku sugin guriga Iidoore.

samedi 16 février 2008

YouTube - Sir Culus Oo Fakatay - Part One

COLLAADDA HABAR JECLO IYO HABAR YOONIS U DHEXAYSA HALKAY GAARTAY ?. HALKAN RIIX>YouTube - Sir Culus Oo Fakatay - Part One: "Sir culus ( maxay yihiin) must see 09:56 From: halganka Views: 15,586"

jeudi 31 janvier 2008

BARBAARTA SOOMAALIYEED IYO BUUFISKA

jeudi 31 janvier 2008 BARBAARTA SOOMAALIYEED IYO BUUFISKA; Waxaa dhab ah BUUFISKA in maantay u maraayo heerkii igu sareeyay marka loo eego xiliyadii hore, waaxaad arkaysaa markaa tagto meelaha dhalinyarada iskugu yimadaan, sida maqayadaha lagu shaaho in inta badan dhalinyaradu ay ka shakaysanaayaan buufiska, qarkood ayaa dhahayaan "waxaa i haayo buufis xun habeenadaan ma seexdo waayo magaaladaan waa nacay waa iga hor -timid iyo hadala kale oo aad u farabadan".Dhalinyarada buufiska Dhalinyarada buufiska qabto inta badan waa saaxiibo oo waxay jacelyihiin in ay ka shakaystaan mara walbo buufiska mana jeclo qof an bufis qabin in ay la shakaystaan ,marka waydiiso oo aad dhahdo maxaa dadka kale shakadoodada u diidaysaan? waxay jawaab kaga dhigayaan "dadka ma yaqaniin macnaha buufiska waxaan loo joogin ay ku galinayaan sida siyaasad , wax barasho, iyo niyad jab jogta ah marka horaa loo yiri (shinbirba shinbirkiisu la duulaa) Waxyaba igu yabka badan oo aad ku arkayso dhalinyaradaan ayaa waxaa ka mid ah in ay is tusaan qariiradaha calamka ayagoo dhahaya suuriya way ku dhagantahay turkiga ama ruushka waxuu xaduud la leyahay filand,maraka qaar ayaa waxaad u malaynasaa inay yihiin qabiiro ku taqasusay juquraafiga sida ay u yaqaniin wadamada xadadka leh iyo kuwa badaha u dhaxeyaan,waxaa intaasi dheer ayagoo yaqaano inta lagu qaato sharciga wadamada yurub iyo waliba sida ay isku dhiibi lahayen marka ay tagan yurub. BUUFISKU MUXUU YAHAY? Buufiska,waa marka uu qofku doonayo in uu dhoofo ama ka tago meel uu horay u joogay nacane meesha uu joogi jiray, halka dhalinyarada qaarna ay ku macneyeen in buufisku oo lamid yahay jacelka sida qofka wax jacel uu urabo in qofka u jacelyahay u helo ayuu buufiskane uu u rabaa in helo halka uu u buufsanyahay. BUUFISKA MA LAYS KHAADSIIYA ? Buufiska, waa la kala qadaa buufiska, waliba si fudud ayaa loo kala qadaa marka aad saxiib la noqoto qofka buufiska qabo uuna in badan kaga shekayo buufiska haayo iyo inta sana u haayo buufiskaan iyo inta mar uu ku fashilmay buufiskan, ayaa adigane waxaad qatar igu jirtaa inaad si fudud ku qadid buufiska. BUUFISKA DAAWO MA LEEYAHEEY ? Buufiska,daawo wuu leeyahay waxaana daawa u ah in uu qafka buufiska haayo tago meesha uu buufiska u haayo islamrkaana aheyd halka ow ku riyoon jiray, walow ay jirto dadka buufiska haayo in aysan la xariirin dhaqtar daawayo hadaba waxaa jirto siyaalo badan o qofka buufiska haayo ku resan karo waxana ka mid ah isagoo helo hadafkiisa waxuu ahay . BUUFISKA MA LOO DHINTA? Buufiska,waa loo dhintaa waxaana logu dhintaa siyaabo aan toos aheyn oo ay ka mid tahay qofka oo nafsadiisa haligo isaga oo aan kala garanayn waxa u samaynaayo sida isagoo dhax maro meel halis badan o kaga timaado dhimasho sida aan ogsonahay kumanan qofood oo samaali ah ayaa baduhu laqeyn,qaarna waxay dhax jiireyn baraf oo halkaasi orso ku cuntay, kuwane xaduudyo inta xoog ku jiiray ayaa la dilay . Ugu danbantii waxaan maqalakaygii ku soo gabagabaynaa kulana dardarmaa dhalinyarada buufiska qabto inta is dajiyaan naftoodana qeyr u sheegan haday fursad u heli karaane waa in ay wax bartaan waayo waa ubixii wadanka bari aya loo bahanyahay dhalinyarada waa kuwii wadanka xukimi lahaay ama hogaamin lahaay.
W/Q Raage Cali Dheere.

vendredi 25 janvier 2008

RAG WAA KII HORE HADALA WAA INTUU YIRI

MAQASHIIYA UUNKA(SAYID MOXAMED CABDULLE XASAN) Waa mar kale iyo taxenihii ahaa “rag waa raggii hore, hadalna waa intuu yidhi” Waxaan moogan soo qaadanaynaa geeraar uu mariyey Sayid Maxamed Sheekh Cabdille Xasan. Heshiiskii Illig Daldala ee dhexmaray Daraawiish iyo gumaysiga, Talyaani iyo Ingiriis, 1905tii ka dib waxay Daraawiishi goosatay inay ka shaqayso sidii Soomaalida looga dhaadhicin lahaa khatarta iyo khayaanada gumaysiga, loogana digi lahaa dhuxdhuxlayaasha u adeega gumaysiga. Wufuud iyo culimo dadka soo wacdida ayuu Sayid Maxamed afarta baynu jahaba u diray. Wuxuu faray inay degaan walba tagaan Soomalidana ku waaniyaan inaysan gumaysiga gacan siin, diintooda iyo dalkoodana ka difaacan gardarada aan geed loogu soo gaban ee Ferenjiga. Culimadaa waxaa ka mid ahaa Cabdalle Shixiri iyo Xirsi Afdiir oo uu u diray degaanka qaarkii. Nimankaasi kolkii ay ambabaxayeen ayuu geeraar fariin ah Sayidku mariyey. Wuxuu yidhi: Cabdalla maan qaboobiyo Xirsi maakib laawow Mid yar waxad tidhaahdaan Murtidiinta Reer Hagar Habar Yoonis madasheed Mariya weedha aan idhi Toljeclaha muraadkaygiyo Masafadayda ula taga Maqashiiya uunkaba Miyir inuu ku soo galo Mid mid waxow tidhaahdaan Nimanka mooradii furay Mawaaciidada diinkii Ma wax laysku maagaa? Jahaadka mooshinkii galay Ma wax laga maqnaadaa? Mushahaaro been ahi Ma wax lagu magaagaa? Luxudkii madoobaa Ma lays moogadeeyaa? Muufadii cadaabeed Maw adkaysanaysaan? Nin gaal u midiidimay Mici naar inuu geli Kutubtaa u maragee Ma wax laga murmaabaa? Mushrik inaad jeclaataan Amaad mudan ku sheegtaan Hadaydnaan mujrim ahayn Masalo maad u haysaan? Masalo-gaabyadiinaa Meel daran idiin diray Labadaa meeris ee kore wuxuu ku ridayaa wadaadadii Soomaalida ku wacdiyey inaysan haynin tabar ay gumaysiga kula diriraan, hubkiisa mid u dhigmana aanay wadanin. Waxay yidhaahdeen nin kaa xoog badani hortaa ayuu xanaaqaa sidaa awgeed Ferenjiga haynagu carinina. Wadaadadaa ayuu dhaliilayaa. Muftida waanadiisii Idinkaa ka maagtoo Macbuudkii Rabbi ahaa Idinkaaba moogoo Maxsharkiyo qiyaamaha Idinkaa munkirayoo Maqfiradii Illaahay Idinkaa ka maarmoo Macaankii Firdowsaad Idnkaa muraystoo Muminimada laabta ah Idinkaa mantagayoo Minidiina gaalowday Idinkaa muquunshoo Kufriga idin mahoobiyey Idinkow miciinoo Makaankii shareecada Idinkaa matamiyoo Muslinkiyo qusuusiga Idinkaa makalayoo Maalkii agoomeed Idinkaa malkadayoo Masxafkiyo quraankii Idinkaa maljadayoo Waxse mawtigiin galay Ama malag idiin yimid Kolkaad Muxamedkiinii Malcuun uri ka raacdeen! Mariyoo macneeyaye Mid kaleeto waxay tahay Waxaan maqalay Ferenjigu Inuu miiri idiin qoray Raciyad ama ‘riders’, Soomaaliduna u baddashay Rayad kuwaas oo ahaa qabaa’il Ingiriisku hubeeyey si uu isaga xijiyo gumaca Daraawiish iyo qabaa’ilka kale ee kasoo horjeeday gumaysigiisa ayuu u dan leeyahay. Ingiriis ayaad dabadhoon u noqoteen ayuu ku canaantay. Waxaan maqalay maalkii Inuu idinka meersaday Waxaan maqalay ooryaha Mitan inaad ka waydeen Waxaan maqalay madaxdiina In madiidin laga dhigay Oon miis yar mooyee Maydho geel la siinayn Waxaan maqalay maahyahow Magiciin inuu bay Niman Soomaali ah oo gumaysiga guno ka qaadan jiray una shaqayn jiray ayuu meerisyadaa kore ku halgaadayaa. Intaasoo masiiba ah Waxaa igala maad badan Maska iyo abeesada Magta aad ka bixisaan Aydaan midigta fidinayn Aar hadduu ku micyeyn Lixda meeris ee u dambeeya waxay ka hadlayaan xukun Ingiriisku kusoo rogay gobolada waqooyi kaa oo ahaa inaan dhirta la goynin, duurjoogtana la dilin. Ninkii lagu arko ama lagu maqlo inuu laan gooyey ama duurjoogta wax ka dilay waa la xidhi ama waa la ganaaxi. Soomaalidii miyiga ku noolayd, sidii ay doonaana u isticmaali jiray ayuu xukunkaasi dhibay. Sayidkuna xasaasiyadaa ayuu ka faa’iidaysanayey. Geeraaro iyo gabayo heshiiskan iyo geerarkan la socda ayaan soo wadnaa. Ha u daymo la'aan.

ISMAACIIL MIRE

ISMA OGA
Isma oga Ismiir iyo ninkii, ayro foofsadaye Isma oga arbaha weerka iyo, adhiga goosmaaye Isma oga waraabaha amliyo, awr la laayacaye Isma oga atoor qadow bartiyo, uubta loo qodaye Isma oga nin urugaysan iyo, iilka kii dhigaye Isma oga dhillida uunsatiyo, awga taa'ibiye Isma oga aqoon xume dhergiyo, Meleg Arsaa'iile Isma oga agoon iyo ninkii, aabaheed dilaye Isma oga askari qooqan iyo, nimaan afbuux siine Isma oga abeer qalableh iyo, inanka doonaaye Isma oga ugaadh iyo libaax, adamiyaystaaye Waxba gabaygu yuu ila ordine, waxaan ku soo ooday La illow nin Aakhiro tegoo, iilka hoos maray

jeudi 24 janvier 2008

RAG WAA RAGGII HORE HADALA WAA INTUU YIRI

DILKII GARAAD CALI, GONDOGOOYE ,KALA KICI GURDUMI Waa qayb cusub oo ka mid ah dersigii taxaneha ahaa ee summaddiisu ahayd ‘rag waa raggii hore, hadalna waa intuu yidhi.’ Waxaan maanta soo qaadanaynaa gabaygii Cabdi Xirsi ka tiriyey Gondo Gooye iyo taariikho kale oo la midab ah. Akhris wanaagsan. Dhawrkii sano ee ka horreeyey 1901dii waxaa dhacay saddex arrimood oo la odhan karo waxay saamayn xoog leh ku yeesheen geedi-socodka halgankii Daraawiishta ee mudada dhawr iyo labaatanka sano ah socday. Saddexdaa arrimoodi waxay kala yihiin: Dilkii Garaad Cali Maxamuud ee Oktoober 1899 Dagaalkii Jigjiga ee Maarso 1900, iyo Kalakacii Gurdumi Garaad Cali Garaad Maxamuud Garaad Cali wuxuu ahaa garaadka guud ee Dhulbahante, wuxuuna tirsadaa boqortooyada Shirshoore oo ah boqortooyo fac weyn. Sida la ii sheegay, silsiladda garaadnimo waxay maanta maraysaa 19 garaad. Waxay Garaad Cali iyo Daraawiishi is gafeen kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay Garaadka iyo taliskii xarunta dabadeed uu Garaadku xaruntii ka guuray colaadna ku talagalay. Wuxuu diray laba warqadood oo uu midna u diray madaxdii Ingiriiska ee Berbera fadhiday midna u diray boqor Cismaankii Majeerteen. Waraaqahaa wuxuu kaga cawday in wadaad Ogaadeen ahi Nugaal la wareegay dadkiina isku dubbaritay sidaa awgeed uu u baahan yahay inuu helo ciidan iyo xoog uu kaga hortago wadaadkaa. Waraaqdii Ingiriiska ku socotay ayey Daraawiishi gacanta ku dhigtay. Kolkii waraaqdii xarunta la keenay ayuu Sayidku fariin u faray Garaad Cali oo ku yidhi bal ii imow aynu tashanee. Garaadku codsigaa wuu yeelay, xaruntii ayuuna wadatashi u yimid isagoo moog in waraaqihii uu diray midood Daraawiishi qabatay xaruntana ay taalo. Sayidka ayaa dabeed ku yidhi “Garaad xarunta lagaama laha ee kusoo noqo jahaadkana taageer.” Wadahadal dheer ayaa dhexmaray. Sayidku wuxuu aad isugu dayey inuu Garaadka soo jiito oo uu xulufaysi ka helo hase yeeshee Garaadku arintaa wuu ka madax adaygay wuxuuna istaagay “degaanka iyo dadka Nugaaleed anaa u taliya ee wadaadyahow wixii diinta ku saabsan ku ekow.” Intaa ka dib, Daraawiishi waxay is tustay in Garaadku collaystay Daraawiish iyo Nugaal joogitaankeedaba, waana la xujeeyey, ka dibna la dilay. Garaad Cali wuxuu ahaa Soomaaligii labaad ee gacan Daraawiish ku baxa. Garaadka hortii waxay Daraawiishi 1898kii xujaysay nin la odhan jiray Fidhin Qodax oo Habaryoonis, Isaaq ahaa. Waxaa la yidhi, Fidhin iyo wiil qowsaar u ahaa ayaa isku maandhaafay xidhaaladii uu qowsaarku qaadan jiray dabadeed qawsaarkii ayaa faras la soo baxsaday lana yimid xaruntii Daraawiishta. Fidhin ayaa ka daba tagay oo yidhi faraska ninku wuu iga soo dhacay ee ha la ii celiyo. Waxaa lagu yidhi adigu in faras lagaa dhacay ayaad sheeganaysaa ninkanina in aadan xaqiisii siin xidhaaladii uu shaqaystayna aad u diiday ayuu ku dacwiyey, sidaa awgeed shareecada Islaamka ayaa laydinku kala saarayaa ee diyaar ma u tahay? Fidhin arintaa wuu diiday oo wuxuu yidhi dacwo haddii aan qabo Ingiiska ayaan u tagayaa ee faraskayga ha la i siiyo. Mar haddii uu xukunka diinta Islaamka ka doortay midka gaalka, Daraawiishi ninkaa way xujeysay waana la dilay. Dhulbahante aad ayuu uga xumaaday dilka Garaad Cali, habeyn madow ayeyna xaruntii ka guureen Reer Caligeri ma ahee. Halkaa wixii ka dambeeyey lafaha ugu badan Dhulbahante sida Maxamuud Garaad, Bah Ararsame iyo Reer Hagarba Ingiriis iyo xeeb, bari iyo Boqor Cismaan, Mudug iyo Keenadiid ayey madaxdoodii ka cidgashay, colaad iyo dagaalo aan kala go’ lahayn ayeyna Daraawiishi kala kulantay. Gabayo badan oo Sayidka iyo rag kaleba ka tiriyeen khilaafkaa ayaa jira. Iyagoo awalba colaadaa qabay ayey Bah Ararsame waxay gaar ahaan sii eersatay dilkii Faarax Maxamuud Sugule oo ka mid ahaa raggii shirqoolkii Canjeel wax ka abaabulay, ka dibna baxsaday oo Ingiriis u galay. Isagoo guuto Ingiriis u hubeeyey wata oo ku sugan Laaso Daar iyo Widhwidh agagaarkeeda ayaa niman Daraawiish ah oo Webi Shabeele Daraawiishtii deganayd ka soo noqday ka soo dul dhaceen. Qadar Alla, isagoo kaligii geed Higlo ah hoos jiifa oo aan wax col ah filaynin ayey si kadis ah usoo dul istaageen. Jaantii iyo shanqadhii nimanka ayuu ku toosay. Degdeg ayaa la isu gartay ileen nin madaxda Daraawiish ka mid ah ayuu kol dhow ka hor ahaaye. Eedda uu qabo Faarax ma moogayn, wuxuuna isku dayey inuu cago ku baxsado, laakiin nimankii ayaa markiiba afar waran isu dhaafiyey. Halkaa ayuu ninkaasina ku baxay. Dilka Faarax wuu dambeeyey, laakiin dilka Garaad Cali iyo colaadii ka dhalatay saamayn xoog leh ayey ku yeesheen amaamudkii jahaadka, sidaa daraadeed Daraawiishi carro Dhulbahante way kasoo guurtay oo waxay degtay carro Ogaadeen gaar ahaan Doollo, Dig, Ciid iyo inta la ollaga ah. Muddo gaaban kolkuu degaankaa joogay, awood fiicanna kulansaday, jilibyadii halkaa ku dhaqnaana taageero ka helay, wuxuu Sayidku abaabulay duulaankii koowaad oo uu ku balaadhiyey Xabashidii Jigjiga haysatay. Dagaalka Jigjiga wuxuu dhacay Maarso 1900kii wuxuuna ahaa dagaalkii ugu horreeyey ee dhexmara Daraawiish iyo gumaysiga. Difaaca uu dadkiisa gumaysiga iyo garadaradiisa ka difaacayo waxaa u dheeraa oo ujeedooyinka uu Sayidku dagaalkan ka lahaa ka mid ahaa inuu muujiyo in ciidan iyo hub-uruursigiisu ku wajahan yahay Xabashi iyo dhulbalaadhsiga xaqdarada ah ee ay ku hayso Soomaalida. Wuxuu Sayidku jeclaa in Ingiriis u dambeeyo oo ay marka horre Daraawiish iyo Xabashiyi kala war helaan. Isagoo iska dhawraya iskudhac dhexmara Daraawiish iyo Ingiriis ayuu Sayidku dhawr goor qalab Ingiriiska lagala soo baxsaday celiyey si Ingiriis u ogaado inaan Daraawiishi colaad u haynin duulaanna ku ahayn. Laakiin sidii Sayidku jeclaa ma noqon oo dagaalkii Jigjiga wuxuu Ingiriisku ka fahmay awoodda iyo kani-adaygga Daraawiish, wuxuuna isku qanciyey inaan xero u oodnayn haddii Daraawiishi xididaysato. Wuxuu kaloo dagaalkaasi isu soo jiiday Ingiriis iyo Xabashi oo go’aansaday inay si wadajir ah wadaadka uga hortagaan. Sidaa awgeed, dagaalkani saamayn weyn ayuu ku lahaa qaabaynta halgankii Daraawiishta. Kalakacii Gurdumi wuxuu ahaa shirqool ay niman Reer Dalal, Reer Cabdille, Ogaadeen, ahi u dhigeen Sayidka, wuxuuna dhalay masiibadii Gondo Gooye. Dagaalkii Jigjiga ka dib, Daraawiishi way bulaashay, tolal udbahoodii iyo dhigahoodii wata ayaana soo galay. Kuwii aan wali iman ayuu Sayidku rag u diray oo yidhi waa inay dariiqada kusoo biiraan, jahaadkana taageeraan. Inkasta oo rag badani amarkaa Sayidka u riyaaqay fulintiisana ku dhaqaaqay haddana waxaa jiray rag ka gows-qabsaday laakiin aan ku dhiiran inay toos maya u yidhaahdaan. Nin la odhan jiray Shide Dhabarjilic ayaa isagu si toos ah arintaa uga dhaga-adaygay, dareenkiisana aan qarsan. Shide waa la xujeeyey waana la dilay. Ninkaasi sidaa haddii uu ku dhintay ayaa, waxaa la yidhi, Sayidka hadal ka baxay, hadalkaa oo shaki galiyey sababtii Shide loo dilay. Hadalkaasi wuxuu ahaa “war Shide Dhabar-jilic Xasan Jiijiile ma u aaro galaa.” Dhacdadani qiso dheer ayey leedahay laakiin intaa ayeynu haatan isku koobaynaa. Intaa ka dib, nimankuu Shide ka dhashay ayaa gadooday kana xumaaday dilkaa iyo hadalkaa ka daba yimid. Waxay ku heshiiyeen inay Sayidka ka faraxashaan, dariiqadiisu inta ay curdanka tahayna ay saqiir suujiyaan. Shirqool ayey haddaba dhigeen. Sayid Maxamed ayey rag u direen oo ku yidhaahdeen sidii Alle noogu kaa keenay kuuma aanan dabaaldegin, ee waxaan doonaynaa inaan kuu damaashaadno ee taariikhdu kolkii ay intaa tahay balliga Gurdumi ha inoo ahaato. In kasta oo mar dambe shaki ku dhashay, haddana Sayidku arintaa wuu aqbalay. Gurdumi ayaa xilligii la ballamay la isugu yimid, shirqoolkiina lagu fuliyey. Alle mahadii, Sayidku wuu ka badbaaday dabinkaa laakiin labada dhinacba rag badan oo Aw Cabbaas ku jiro ayaa goobtaa ku qudhbeelay. Waa la kala aamin baxay, qolo walbana dhinac ayey isu uruurisay. Nimankii shirqoolka ka dambeeyey ayaa shiray kuna heshiiyey inay Sayidka guddi maslaxo raadis ah u diraan. Waxay soo xuleen 33 nin oo midba midka kale ka daran yahay Sayid Maxamedna ergo ahaan ugu direen. Ergadaasi waji fiican lama kulmin oo kolkii ay xaruntii tageen ayaa la xidhay. Sayidku wuxuu faray fariin ah in Reer Dalal nimanka furto kuna furto laba qori oo Daraawiish lagala tagay iyo 100 neef oo geel ah midkiiba. Kolkii dalabkaas Reer Dalal fulin diiday, nimankii maxaabiista ahaa Daraawiishi si arxandarro ah ayey ula dhaqantay. Oo waa sidee sidaasi? Labo labo ayaa la isagu xidhay kadibna addimada ayaa bir lagaga jabiyey, ugu dambaynna dhammaantood la laayey. Kalakacii Gurdumi iyo Gondogooye waxaa iyagana la odhan karaa saamayn xoog leh ayey ku yeesheen taabogalka halgankii xaq u dirirka ahaa ee Daraawiishta. Rag door ah ayaa gabayo ka tiriyey dhacdadan. Gabaygan hoose ee hodanka ah waxaa mariyey gabayaa la odhan jiray Cabdi Xirsi oo nimankaa la laayey ay isku raas ahaayeen. Wuxuu yidhi: Gabay layga waa Maxamedow, garashadiisiiye١ Indhawaydba geesbaan ka maray, gole ka sheegiise Geeraaradii iyo ka hadhay, gooddi iyo faane Gedisaday geddaan odhan jiroo, waanigaa gudhaye Geddii nimaan aqoon jirinna waa, lagu gulaalmaaya Waa kaan gardiidaye beryey, gunno i saarayde Gadhka waxaad i haysaba haddaan, kuu godlanayaaye Bal garwaaqso gaban baad tahaye, gololadaan tooxi Guntaan nahay xaajada wada gubtaan, xalay garraadeeyey Meeshii go’aankeedu yahay, gacalow hay seejin Gabay Hawle iyo Raage iyo sidii, geddii Weerar Afartaa gar layskuma qasee, ma u gufaacooday Galsho lama dhurtee sow midkani, gacankii Eyl ma aha Meeshaan u goof xaadhan jiray, gaw ma kaga siiyey Guulaamo roob iyo sidii, galal biyoobaaya Gaaroodi lagu weerar yahay sida, gammaan xoogle Girligaan dawaarliyo sidii, roob guyoo hooray Ama sida gufaacada baddiyo, mowjad galab joogta Ama goor gariimadi dhacdoo, galowgu dhiiloobay Ama goos aroortii la riday, gaaddan iyo raacdo Ama culimo geed waabatoo, subac ku gawdiidda Ama odayo guurti u baxoo, xaajo gu’i wayday Ama Ferenji gaardiyahayoo, gaadhka laga meershay Ama ceel galshaysiya dadkoo, gamashi boobaaya Ama giir-yar geeddiyo hayaan, gubayo oon hayso Ama goodir dhalayoo ilmihii, gurada loo saaray Ama naag raggeedii go’ayoo, gocasho ooyeysa Ama awr gugiisii da’ayoo, gaane lagu qooqshay Walee xalayto goortii la leday, gawdii iga yeedhay Guuxayga iyo reenkiyo, gubashadii laabta Gorroskaan ilamada duugayiyo, gododkii aan jeexay Gelbidhabadka goortaan hurdada, gudub usoo booday Ninkii garasho lay fiiiyaye, gama la’aantayda Guhaaddiyo waxaa iigu wacan, gibilka lay saaray Aakhiro raggii iga galaan, soo qarwaaqsadaye Gergeyrtaad ogayd baan tebiyo, goosankii lumaye Godka kalama soo bixi karee, waa galoof olole Waa garab la’aan meesha iyo, galabtii Dhiitaade Gondogooye siduu noogu dhacay, gaasir baan nahaye Ganku way madow yahay sidii, gubad abaareede Geesaaska dumarkaa qalbigu, ila gariiraaye Goonyaha waxaa iga xigga, gole ogoomeede Geestaan u meeraba haween, guud cad baa tubane Geblan weeye reeruhu haddaan, geesiyaal kicine Shirkan laysku wada guulayaa waa, gabbood madhane Gubni odaya gaas wada dhashoo, geed ka kici waaya Gadh-caddaayo xaajada hayoo, garasho loo daayey Garta niman yaqaanoo la waa, tooda loo go’o e Eebbow xaggaa naga gargaar, guushu waa adiye Gaban kale waa sida adduun, noo gilgilay haatan Mar haddii guddoon naga dhintoo, boqorna geeryooday Gaanigii Xuseen iyo haddaan, gacal adeer waayey Gobonimo haddii aanan damcayn, gacanta lay saaro Gaddii hore hadday naga gudhoo, lay gadh qaadaayo Gaadiid haddaan ahay la rari, gu’i iyo jiilaalba Gabbal dhiciyo waagii baryiyo, goor Alliyo fiidba Naftoo ila gariirtiyo anoo, gaadasho u taagan Gumcadliyo Mareexaan anoo, sedo u gaynaaya Gadh-cun reer lug-gaab ihi hadduu, iga gol roonaaday Goobtii hadduu igaga hadhay, garicii ceeboobay Gaalkaan nebcaa iyo hadduu, ii guntaday Caamir Hadduu Maxamed gaal-layska iyo, gamaska ii looshan Geyigaan iqiin iyo hadduu, Doollo naga geeyey Ceelkii Garlowgubay hadduu, gobonimo u qaatay Doh intaan ka gaadhiyo intay, goray ka foofayso Godka seesha gooyaha Bankiyo, webiga geestiisa Goglo iyo haddii aanan helayn, gurarkii Laandheero Golxoodkii dhannaanaa haddaan, goray ka fuudeynin Gaw iyo gaskii jiirta iyo, gala jabkii laagta Geedaha bannaankooda simay, Miiro garabkooda Gocondhaale iyo Caadiyo, Sebi garraarkiisa Galka Simay gafiir iyo Dannood, Harasan guudkeeda Isha Gawlalaaliyo Gar-duur, Xodayo guudkeeda Godankii madheedhkiyo lahaa, geedsankiyo saarka Gombisiyo gaankii Digeed, Goonle agahiisa Gomoshaale geesaha Darroor, amase geel Faahis Gahaydhkii Awaariyo ku yaal, Sagag gafuurkeeda Milmil gawrarkeediyo waddada, Gubato loo qaado Gobabkii Bullaaliyo dixdii, gunnadu noo tiilay Garbidii Butaalliyo Ciyow, Gunagadoo doogle Gosha webiga geediga Dhanaan, geedihii Elele Intaasoo geyiga Reer Wacays, gocay ku maalaayey Oo geelu ugu naaxi jiray, gu’i iyo dayrtiiba Ninba garu u daaqaba haddii, maanta laga gaaray Geediga haddaan laga dhigayn, loo genfaday awrka Tawal goonyaheediyo haddaan, Wadal kasii guuray Guro iyo haddii layga riday, gudihii Uu-uule Guryihii Qotaad iyo haddii, Adari lay geeyey Gurre nimanka sheegtiyo Amxaar, igu gadoodaaya Gudabiirsay iyo Ciisiyo, Alado guuxaysa Iidoor galbeed iyo haddaan, gaalo deris mooday Gaashaan lasoo hooriyiyo, garab haddaan waayey Sow haatan inaan gaaxiyaa, gabayga daw ma aha! ١Gabayga waxaan kasoo guuriyey buugga Aw Jaamac ee hoos ku xusan. ____________________________ Tixraax Gabayo kale, waraysiyo iyo baadhis gaar ah. I.M. Lewis. A Modern History of Somalia. Longman Group Limited. New York. 1980 Said S. Samatar. Poetry in Somali Politics: The Case of Sayid Mahammad Abdille Hasan. Northwestern University, Evanston, Illinois. 1979. Aw Jaamac Cumar Ciise. Himilada Maansadii Hore. Xarunta Cilmi Baadhista ee Jabuuti. Jabuuti. 2005. Aw Jaamac Cumar Ciise. Taariikhda Daraawiishta iyo Sayid Maxamed Cabdille Xasan. Akadeemiyaha Dhaqanka. Muqdisho, 1976.

DHUL UDHEER

AADAN CARAB
Loolan dirireed oo dhexmaray Cali Geri oo Dhulbahante ah iyo Biciidyahan oo Majeerteen ah oo asalkii hore ka kacay geelal la kala qaaday ayuu abwaanku gabaygan ka tiriyey abaaraha 1957/8dii. Dirirtu gadaal waxay isu rogtay mid labadaa qoys dhaaftay oo la isugu habarwacday lafo kale oo labada dhinac ahna ka qeyb qaateen. Aadan oo gabyaa caan ah ahaa tolkiina afhayeen u ahaa xilligaa ayaa afkiisa haddaba la baxay si uu ugu digto Majeerteen, Iidoorna ugu dhaga-hadlo. Wuxuu yidhi, Allaha u raxmee:
· Dhuyac Balo ragii idinku furay, dhamacda jiilaalka
· Dhaxan iyo malay cudur marbuu, dunida dhaamaaye
· Dhawlkanaa waw u dhira intaan, idinku dhiibteene
· Ama waranle dhiilada maqlaybaa, dhaaxa iibsadaye
· Dhul fogna waaba loo maray rasaas, dhagax rogeediiye
· Maantada in dheri loo karshiyo, dhuuni iyo raashin
· Dharba uma safraan nimanka tagay, dhoofkii Cadameede

· Dadkana qaar dhagweynaa ka kacay, dheelalaad ahaye
· Caligeri dhamaantiis isku arag, dhirihii Toomoode
· Anana dheregnay geeridu markay, dhaaftay labo raase
· Dhafkii nala socdiyo Reer Garaad, waa is dhaarsadaye
· Anagoon wixii naga dhinaa, dhoobka tabanaynin
· Dhuldheer inaad nagu gashaan, cidi ma dhaadayne
· Intaad timaha dhoobiyo malaas, lagu dhamaajeeyo
· Guutada Biciidyahan dhuray baa, dhoor u imanaysa
· Dhadhab iyo riyey nala ahayd, amase dheeldheele

· Waagoo dhag yidhi aanay jirin, dhuumashiyo gaadmo
· In dharaar la weeraro miyaan, dhudi ku faalooday
· Dhabisku waxaan ku idhi inuu, maalin dhiirado'e
· Iyadaad nirgaha ku dhalay, dhereg gubyoonayso
· Oo rimayda dheega iyo mudkiyo, dhinacu weynaaday
· Aan kurayga dhiilka u sitaa, dhaqayo maalaynin
· Oo lagu dhexjiro oo kolkaa, dhisi ka ahaaye??

· Waxba lama dhabiiline la yidhi, dhoobiyaa wada'e
· Dhedaa na huwanayd jeer dagaal, la isku dhiidhiyo'e
· Dhalanteed miyaa idinka galay, dhudaha aan sheegto
· Ma dhalaaliyaan toban bilood, idinku dhaacaayey
· Malaha dhirbaaxadii bey misana, dhuuni idin raacday
· Ma ku dheregsigaygaa waxaa, dhacaya eegaayey

· Dheedi waxaan xeraadka uga dhigay, dhudubna loo geeyey
· Waa meel inaan uga dhashiyo, dhoofka qoofalane
· Dharka ubaxle dhiiqa xidhkaad, dhuxulka moodaysay
· In la dhicin karaa loogu furay, dhogor idiinley'e
· Hadii aad talada sii dheehataan, dhuuxa iyo ruuga
· Dhoomaha Shirshoore iyo Hayaag, uma dhawaateene
· Nin Dhulbahante Ciideed yaqaan, dhaayin ololkeeda
· Dhangad kuma jafeen ma ahayn, dhoocil la eryoodo??

· Afartaa intaan dhalay beryahan, uga dhaliilaaya
· Ma ku dhilay dhabada maansadaan, dhiida ka higaadshay

· Waakaa dunida Reer Cali dhegaa, dhohosha nooleeyey
· Wax badan baan dhafuuqsaday naftana, idhi dhaqaaleeye
· Waa taan ku wii lagu dhayalay, dhaahiya lahaaye
· Wax ma dhimin warfaa maalintaad, dhoosha dumiseene
· Waa tay gacmaha soo dhigteen, dhiigii Maxamuude
· Dhabow garanaysaan samo waxaad, nagaga dheefteene
· Dhibna inaanu leenahay markuu, xumo dhanaanaaday
· Bal dhadhamiya waatuu dhulkii, idinla dhuubnaaye

· Afartaa intaan dhalay beryahan, uga dhaliilaaya
· Ma ku dhilay dhabada maansadaan, dhiida ka higaadshay
· Bal ma dhabade mid kalana, maan markale dhaado

· Sida adhi dhurwaa iyo habeen, dhidar hareereyey
· Dhaawaca wataa wali cashaba, dhawr la helaayey
· Durba waxaa dhakhsaha ugu godeen, waa dhugmiyoShiishe
Markii baqe dhegalooha hadhkii, lagu dhadaababay
· Aan dhiinka kii ladan lahaa, care bal soo dhowra
· Allaa dhigay Warsame geed inaad, kaga dhaqaaqdaane
· Dhabta Jinacle waataan ku simay, dhabashlihiiniiye
· Dhanbaad uga dhacdeen muraan danbaad, nagula dhoodaane
· Dhawaaq galiya Reer Mudug koluu, qalab idin dheero

· Afartaa intaan dhalay beryahan, uga dhaliilaaya
· Ma ku dhilay dhabada maansadaan, dhiida ka higaadshay
· Bal ma dhabade mid kalana, maan markale dhaado
·
· Lib hadaan ka dheelmado qabiil, laysku dhagaroobay
· Dhiidhiina waan ugu daraa, dhaanto iyo heese
· Adigoo dhintey baa gabaygu ciil, kugu dhaqaajaaye
· Majeerteen haduu dhabarku jabay, dhidib intuu qaaday
· Dhabayaco malaha kala hadhnaye, dheeliyada raacday
· Daarood ku dhaayiyo warkaba, dhereg khabaarkiiye
· Iidoorse qaarbaa dhakane, dhaaniska u sheega.

GEELA

AADAN CARAB

Aadan Carab wiiluu dhalay ayaa in badan ,caano ,ha lay siiyaay ku ooyey ,markaas ayuu abwaanku damcay inuu tusaaleeyo sabiga in geela iyo caanihiisu aysan ku iman oohin iyo af-kala qaad midna ee ay ku yimaadaan dhaqasho iyo dhac laga soo mooro-duugo kolba ninkii haysta. Wuxuu yidhi Abwaanku:

1. Geel ninkaan dhibaatiyo u gelin dhac iyo boob toona 2. Oon dhaan wareego leh u rarin webiga dhuuxiisa 3. Aan suu dhabbaha ugu taagnaa dhuuban sabarkiisu 4. Oon rareyga dhoomaha u sida boqonta dhiidhiibin 5. Oon hilibka dheecaan ku cunin dhamac intuu saaro 6. Oon wuxuu shul maaxaba jufeyn dhuuba xeradeeda 7. Oon sida dhireed ugu tuman dhaawac iyo meydka 8. Oon goobta kaga soo dhugsiin dhaanto iyo siidhi 9. Oon aan saami dheeraad ku jiro gacanta loo dhiibin 10. Hadduu yidhi dhanaan iyo qabow igu dharaar siiya 11. Anigaa dheg weyn ehe i geli dhiiqo iyo ceebe

MAXAY MACAASH KEENTAY

Caligeri (Dhulbahante) ayaa geel ka dhacay ragna ka laayey Reer Hagar (Dhulbahante.) Dagaalkii iyo ku didrirkii geela ayaa nin la odhan jiray Gaani Cali Ducaale oo Reer Hagar ah ay xabadi gacan midhaha ka dhigtay. Gaani inkasta oo uu nin gabya ahaa wuu iska aamusay ciilkiisiina dib u liqay. Muddo dabadeed ayaa Ingiriis iyo col uu wato Caligari guluf kusoo kiciyeen xoola badana ka mooraduugeen. Gaani oo godob tirsanayey gacanina ay u shakaalan tahay ayaa halkaa waxaa uga soo baxay qodob uu ka gabyo si uu Caligariga ugu digto. Wuxuu tiriyey gabay uu aad ugu tiiqtiiqsanayo Reer Cali Gari. Ismaaciil Mire oo aan dagaalkii hore ee labada qoys dhexmaray raali ka ahayn ayaa gabaygii maqlay markaa ayuu gabay maslaxad iyo samo abuur ah oo ay ka mid ahayeen beydadkan hoose tiriyey. Wuxuu yidhi Ismaaciil: Anagu Gaaniyow gacalka dhacan, waaka gubanaaye Gankaa naga xanuunsada wixii, gaadha Reer Hagare Gadhka iyo wadnaha buu nagaga yaal, gabiga Daaroode'e Uma gabayno maantii Islaam, gaalku weeraro e Cali Dhuux Aadan oo aan inta badan maslaxo ka talis ahayn ayaa labadii gabayba maqlay, Ismaaciil Mire ayuu dabadeed aad ugu xanaaqay isagoo is leh Ismaaciil Gaani ka af badanee muu iska celiyo oo uu difaaco Reer Cali Gari, gabayga maslaxada ah ee uu Ismaaciil tiriyeyna Cali Dhuux wuxuu u arkay inuu baryootan iyo Reer Hagar isu jilcin yahay. Wuxuu haddaba geed rag badani isugu yimid ka akhriyey gabaygan hoose. Wuxuu yidhi Cali Dhuux: Ninla maagay oon midho yaraan, lagu malaynin Maansana Illaahay baroo, macalinkeedii ah Oo gabayga sida sheekh mufti ah, miinka ka higaadsha. In madhoodho loo soo diraa, waa macno la'aane Hadiise dhiig macaan leeyahay, iyo maal lakala qaado Ragu waa ragii Gaaniyow, riday minkiiniiye Waa ragii miskiin iyo agoon, miidhan kaa dhigaye Waa ragii maqaawiirta culus, mariyey liishaane Waa ragii musgale kaala dhigay, maganta Iidoore Waa ragii maskii Camey diliyo, maqadinkiiniiye Waa ragii mareegaha u furay, maalin Reer Hagare e Sidii jaamac dalab loo mudmuday, maadan moogayne Magligaan ku gowracay ninkii, maqashii dheeraaye Mariinkiisii waa taan watiyo, macawistiisiiye Miridhkiina waakaa ku yaal, marada dhiigiiye Dhalintii makaawida qabtay, ee wada mushaaxaysay Meydkoodu waa tuu ahaa, maadha oo kale'e Muusanowgu wuxuu kuu ekaa, maalintii hore'e Miiq looma kala goyn ragaad, magac wadaagteene Bal maxay macaash keentay, dhaha maansadaad tirisay?

BAWDADA MARKAAN KA JABAY

AW AADAN ABTI DOON(AADAN BADAW) Gabaygan oo sida midhahiisa ku cad xambaarsan murti culus wuxuu kamid ahaa gabayadii lagu qaadan jiray tacliinta dugsiyada xilligii qaranka Soomaaliya dhisnaa. GABYAAGU WUXUU YIRI:
Bowdada markii aan ka jabay iyo, boqonka taagiisa
Habeenkiiba way bidhan lahaa, bahalka cawlaaye
Ragii buurta dheer igala baxay, beerka ka ogsooni
Ragii baarqabyada ii qalqalay, beerka ka ogsooni
Bah Cilaamo goortay dhamaan, igu dul booyeysay
Bah Sadhaysan baga inay i tidhi, beerka ka ogsooni
Ragii Burunji inuu igu cuno, ii bariidinayay
Ee aan barkale ii tarayn, beerka ka ogsooni
Ninkii balad shisheeye iga jiray, soona bixi waayay
Ee in aan bogsado uun jeclaa, beerka ka ogsooni
Laxaad waa badhaadhee hadduu, ii bogsado xooggu Oo biixiyaha Eebahay, kay isugu beego Abaal badha, abaal bura, abaal bur iyo dheeraad ah
Ninba kiisa kaan ugu bedeli, beerka ka ogsooni

mercredi 23 janvier 2008

Turxaan Baa Wax Loo Kala Dhex Dhigay Taabac Reer Kale'e,Talcuus Weeye Maantaan Nin Kale Talada Siinaye

Gabaygan Waxaa tiriyey(Claahi Cali Saleebaan) oo ah nin Dhalinyaro ah oo Mujaahida oo xalaal ah una dhashay Dhulka SSC,isaga oo ku sumaday sida wax u jiraan,halka xaalku Marayo,iyo sida dadka Degaanka SSC maalinba nin doonayo in uu awrkiisa ku kacsado,isaga oo dhaqanka dadka SSC ku asteeyey kuwo iyagu isu daran. Wuxuna yiri Abwaanku: Tada maanso waataan kategey toyasha deediiye Matibaaxin tobannaan gu'iyo maalmihii tegaye Tirinteeda waataan kahadhay ama tiraab keede koley hadaanan tii ina miriyo jaamac tebinaynin Aadan iyo tabtii cali hadanad togag biyaynaynin Iska tuurtay mooyee murtidu taabaqaad malehe 7. Hayeeshee waxaan tabanayoo taagan baa jira'e Tixyar caawa aan baadho oo toobsan aan rido'e Waxaan tebeyo aan sheego oo taarar aan diro'e Tabtaad tahay dhulbahantow hadaan idin tusaaleeyo Taariikhihii lasoo maree horiyo taagantiyo maanta Iyo tay hadhoow noqonaysiyo toobiyaha muuqda Toogadii in badan soo taxanayd amase soo tiiley Midna kama tirsana reer tolkay taashna xidhan waaye Tartan uma galaan madaxnimoo tooyan mahayaane Turxaanbaa waxaa looga dhigay taabac reerkale'e Tacluus weeye maantaan ninkale talada siinayne Waw tacadi goortaan anigu waxu tilmaamaaye Tawxiidka kiidiiday iyo tiirarka islaamka Tuug kastoo tolkii soo nocoo dunidu soo tuurtay Oo budhiyo toorey sitiyo toobinkii waranka Oo uu wada takooroo faluhu tahan ka weydaarto Indhali'i kutaageer marqudha kama talaabaane Haw tacasubeen nimuu ibleys tolan kumaalaaye Waa tacab qasaar maal ninkale aad u tabacdaaye Tuurta haku qaadeen nimaan tooda quminayne Tuutaha hawsideen reera'aan toban nin dheerayne Tayaa lays'ku dhaafaye tolkay tirada waa buuxe Tagooyaha waxay kaga jabeen taaggagiyo lawga Tayiisiyo waxaan lagu ogayn wax istusaalayne Dadka kale dantood kama tagaan mana taseeyaane Tawfiiq la'aanbaa iyaga looga dhigay tawse Tafaraaruq baa lagu dhexridey tuhuna waa mooshe Teed baa dhexyaal maalintay wax istusmeeyaane Toolmoonahaw kaca iyagaan taaba gelinayne Way tilmaansadaan maalin qudha kii yar taabaca'e Way tamootiyaan kii iyaga waxugu toosnaaye Taban taabo iyo daa inaad taarataan quruxe Markaasad tumaatiga warmaha kula taraartaane Tafaha waxay uxaytaan inay turun turreeyaane Talaabada markuu toosiyay tukhun tukheeyaane Taakulo waxay uga dhigaan tuuryo iyo maage Tuurbay kusheegaan dalbiyo tootiriyo ceebe Tacliin toodu waa inuu iyaga tuhun dhexyaalaaye Alla tala xumaa reer kayagu tamari yeelkeede Taariikhda meeluun kagala waydin tebeysaaye. Wuxuu ahaa Gabaygii Abwaan C/laahi Cali Saleebaan. Maamulka Shardiid abdihayir.

vendredi 21 décembre 2007

GABAY JACBURA

http://www.shardiidcom.blogspot.com/ Qormadii Mohamed Hassan Talooy ku arki waayey Tamareey kaa faa'iideysanwaayey Taariikheey ku nacay Tafsiiroow ku fahmiwaayey Tahliileey ku qoriwaayey Tusbaxoow kugu daaley Tartanoow kaa hadhayTowxiidkii eed noqoyeyTaqigii la tuuryeeTerror noqoyey weligii Tacliineey ku baranwaayey Tacaboow ku falanwaayey Tuugoow ku qabanwaayey Tuhunoow kugi nooli Tahriibey i dhamaysay Talyaanow i gumeeyso Togdheereey igu duuloo Tobanaan elhelkiinoo Maxaabiis ku tilmaaman U taxaaba Mandheeroo Taageero ku raadso Tadhasena walaal noqoy Taajka madaxa laga saar Tuugsi xeelad noqoyoo Taajirkii faqiir noqoyoo Taag yarena dirac noqoy Timo sacab ka soo bexe Taleex geenyo laga waa Timirtii dab loo waa Toyota gaadhi noqonwaayoo TA-TA baa la caashaqay Turkigii yurub diide Tani waa yaab iyo yoow Your's Mohamed Hassan

mardi 18 décembre 2007

CAWIL IYO AYAAN

ugu horeyn waxaan salamayaa inta nasiibka u hashay iney aqristaan qomadan gabaygan. intaanan guda gelin tixdan gaaban ee halku dhigeedu yahay cawil iyo ayaan, waxaan jeclahay inaan idiin sheego qoraal ama maqaal la hadaf ah gabayga oo aan dib ka soo qori doono hadduu <> Eebe idmo qormadaas waxaan halkudheg uga dhigay NIN KU DILAY , NIN KU DAGAY BAA KAAGA SII DARRAN, waxaan ka soo bilaabay dhacdooyinkii << 1800 ilaa 2007,ilaa hadda dhacyooyinkii taxanaha ahaa iyo sababihii dhaliyay in si qabali ah leysu ugaarsado.... qormadaas dibaan ka soo qori doonaa inshaa alaah GABAYGA: ARRAR, gabaygan waxey ila tahay sharax badan inaan leyga doonaheyn marka laga reebo maluugta qeybta aan kaaga hadley
NIMANYAHOW CIBAARADAN DHACDIYO TALADAN CEYRYOONTEY
WAAGII CASAADABA WAR BAA KUGU CUSBOONAANE
CEYDA IYO FAANKU WAA CAMALO SHEYDAANE
IIDOOR DABA CAYUUN MIYAA CAGO JUGLEYNAAYA???
SOOYAALKA CAANKA AH HADDAAN CUTUB YAR SOO QAATO
CARRIGEENAN MAANTUU KUFRIGU CAGAHA SOO SAARAY
GUMEYSIGII CADIBAY SOOMALIDEE NAGA CASHIIMEYSTAY
CUDUD KUWII KU RAACAYE FARANJI U CASKAREYNAAYEY
KUWII CIIDA GADAY EE KAL HORE CIDAHA NOO JOOGAY
WAA CAJAA'IB NOOLOOW HADDII LOO CIMAAMADO'E
WAA U CAADADOODA IIDOOR INAY KUFRI CISEEYAANE
IYAGAA CABIIDKA U AHAA GAALADII CADANE
CAWARKII SUWEEN WEYDINKII CAAWIYOO WADDEY'E
IYAGAA CASHIIRO U AHAA COOMIRKII YURUB E
WAA CALAAMADUU DHIGAY WAXEEY CIRIBSANAAYAANE
CINDIGABA MA GELIN INEY CALANKI QAATEENE
CITIRAAF AAD DOONTAA WARSOW TALO CARUUR MAAHA
INTAA WAAN CAYIMAY OO JEERHORAAN CURIYEY WEEDHAASE
CODKALANA HADAAN ORANAYAAYEE IGA CIRAAB QAATO'EE
CISI IYO WANAAG IYO INTAAN CAMAL SAN DHOOWRAAYEY
INTAAN CADOWGA CAABINAHAYAYE NACAB CAREYNAAYEY
CARRAB IYO CUDUD MIDA, IYO INTAAN DIRIR KU CAATOOBAY
GEYIGAAN CAMIRAY CEELASHAAN QODAYE MAATADOW CELIYEY
WAA CAJAA'IB NOOLOOW NINKII CIIL QABKOW KADAYE
CISHIHII KUWII NAGA GUDAYE CADOWGA SOO RAACAY
CAD QUUREEDKA SOORTIII KUWII LAGU CASHEYSIIYAY
CAADO QAATAYAAL IYO DILAAL CULUQ YAR LOO TUURO
WAX CEYNKAA KA DHIGAN CEEBAALIHII CUNAY DAD KIISIIYEE
CALOOL DHEREGA CIR KAAGOOD BOGOTO IYO CALALIS UUN DOONO
WAXAAN CUNAHA KUU DHAAFIN BAA XAMAGU CEEJAAYE
MAR CANTUUGA LABADII CAN SOOW LAGUMA CEEBOOBO
INTAA WAAN CAYIMAY OO JEER HORAAN CURRIYEY WEEDHAASEE
CODKALANA HADDAAN ORANAYAAYEE IGA CIRAAB QAATA'OO
OO UU CALMADEY CADLIGII CUQAASHIYO WAXGARAD IYO
MARKEY CULUMADDII DIINTA CODMIDEYSAN GAAREEN AYAAN CAAFIMAAD HELAYE
CUDURKII I CAATEEYAYEE CALAFKA II DIIDAY
CUFRIGII WAXAA II BADALAY NAALO IYO CEESHEE BOOCAME
CISHIHII LAGU BALAMAY YAA CAWO ADDUUNEE
NASRIGII CILAALNAA WAKAA CAASHA SOO LULAYE
CIRSANKAYEEDH DUCADII UU CALMADAY CAARIF II TABIYE
CASIISOOW ALAHAYOOW ADAA CAADILOO JIRA E
CUB IYO CIREYNTII KA BAXAY LABADI CEEL DHAABE
IIDOOR DABACAYUUNOW WADBAA COONKA KUU YIMIYE
COLBAAN SOO CIRBINAYAA HADDUU CAADIL II SAXO E
CUDUD IYO WAXAAN CAANKA KU AHAA DIRIR COLAADEEDE
NABSIGII CAMBAABURAY HADUU HOORIMAAD CURANE
INAAN KUMAN CUR JARI WAA HUBAAL OO WAAN CAREYSNAHAYEE
CEYN IYO DHULKAAN DEGI JIRAAN CALAFSANAAYAAYEE
CAAQYAHOW WAXAAN KAA MAQNAAN CADAD SHUHUUREEDE
CEERIGA BADEED IYO MINDHAA WAAD TAQAAN CIRIFYADII GUBANE
CEYDHAADAN DOONKA AH XAGEED CIIRSI UGA DOONI??
MISE WAAD CALAACALI FULEY CAADADII TAHAYEE??
INTAA WAAN CAYIMAY OO JEER HORAAN CURIYEY WEEDHAASE
COD KALANA WAAN ORANAYAAYEE IGA CIRAAB QAATA
OO COMAADIGA SIDIISII MARKAAN CIIRIRKA EEGAAYEY
CALAAMOOYIN IIMUUQDAYBAAN CAAWILAHAYAAYEE
MAR HADUU SAXALKII CUBTAMAYOO UU NABADNA CAADEYSTAY
OO UU CALMADEY CADLIGII LAGA CASHIIMEYSTAY
OO UU MARIIKHII CAMIRAY CIRKA WAA CAJAB ILAAHEY E
GUDBAN OO CAD CEEDII DULTIMID FARUUR CIRIRKA OO MUUQDA
GARBORAAR CURADA COOMIRKA IYO NAAFKA NEYRUUS
CARCOORIYA NAFLUHU WAA CISEYN JIRAYE
INTAASOO CASHIIRA AH ANOY CIRIFKA II JOOGTO
CAWIL IYO AYAAN KAAN LAHAA BAA II CIMAAMADANE
IIDOOR CIBRIYA UUMIYOW IYO CALAKADII HUUSHKA
HUUNOOYIN CAGA JIID KUYIMI NAMA CUSLEEYAANE
WAXSE CIMRIGI GO'AY MALINTUU CEELSANKII YIMIYE
LAASO CAANO IYO XARGEGA MAXAA KEENEY CIRIKOODA
MARSE HADUU CAMBAARKII GALBADEY NA CIDI JIIDAAYEY
CUNSURA IYO HADDUU SII DHAXMAREY FALAGA CIIRAAYA
INUU CIRIR SHAREERIYA GALUU KUU CAYIMAYAAYEE
SIDUU NAAFKA COOBAHA U JARAY LOOMA CIIL QABO EE BY
samafareaji@yahoo.co.uk

lundi 17 décembre 2007

KHALIIF SH.MAXAMED(MARUURYO)

Khaliif Sh Maxmuud Abshirow micnaha gabay haddaad mid iga weydiisey wiilyohow madluunbaan ahaa maalin iyo leyle intaas waan mugleeyahay sidii gorayadii muune Mas la diley sidiisaan madaxa meerinahayaaye Sideydana waxaan maaganahay waa wax kaa maqane Magliga daabo maahane si kale hay maleynina Adduunyadan maraabeysay oo murugtey ee xiintay Ee uu Mareexaan u kacay waa masala weyne Gardarradaas mutuxan waa dagaal waxaan ka miisaaye Maruuryoodayeey xalay miyaan miray caloosheyda Muskii layga soo galay miyaa dhaxani mowleysay Goortaan wax milicsaday miyaan cadho madoobaadey Midigta iyo bidixdii miyaa midiba meel aaddey Markabkaan ku tiirsaday miyaa meeshii laga qaaday Maxamuud Saleebaan miyaa marada loo taagey Mililkiyo hurgumadii miyaa uurka igu miirmay Sidii aar mudi ahaa miyaan micida soofeystay Ma inaan colaad maamulay dani i moodsiisey Majeerteen Ilaah wuxuu ka dhigay malab sidiisiiye Sidii miraha Doocaan ka baxa muudsey aadmiguye Nin waliba wuxuu mihindisaa inuu magawshaaye Agoon maalki laga qaadayoo meel kastaba jooga Mareykaanka naagaha xidhee madaxa loo saaray Oo mudanayaashii jeclaa mawdka laga yeelay Dadku mowdka waa iska ogyohoo maalikbaw qoraye Meydka iyo raqdoodii miyaa laga dul maansooday Sidii waxaan muslin aheyn miyaa muxubbo loo laayey Madficii iyo rasaastii miyaa meel kastaba gaadhey Kulli midhaha Daarood miyaa keen isugu miirmay Ma kuwii aan hartiga moodayaa soo mashxaradaayey Maangaab Dhulbahanta ah miyaa nagu malaabeeyey Mergi-kuusyadii hore miyaa muruqa noo tuujey Mahanniga Ugaadeen miyaw mabay xumaanteenna Warsangeliga maahee dadkii mayna wada meershey Inkastoy bahnimo muujiyeen sooma mayl bixine Malkadaan ka sugayiyo may iman mooshin kaan rabaye Haddey ficil maqiiqaan warmuhu nama muquunsheene Macaan iyo xareed bay idaha kaga macaashaane Macna ineeyan noo tarin miyaa meesha ka caddaatay Iidoor marduuf qaada helay waa majnuun falane Hilib maraq leh iyo roodhigey miisanahayaan Macnaha dowladnimo leedahayba uma muraadaane Caynaanshe meeshii la dhigay haadku malafleeye Mudafkiisu waa kii dugaag maalin weyn cunaye Maskaxdiisii waa tii tukaha looga dhigay miile Nabadbay macaansanahayaan wawse maan li'iye Wallee ama magaalada Berbera dhiiggu mulacyeeye Ama sida mawaashiga ratiga mayr lagu saarye Hawiye meel uu joogaba dagaal weyska maanacaye Maankaba ka jare raganimaan meel ka soo geliye Maaraha Siyaad baa ka dhigay maata caanalehe Abgaal oo mihiigaan ka badan jaraha loo miiqye Mudanihii Gabayruu ka diley oo mar soo baxa'e Waxay talo ku goosteen inay moxogga diidhaane Habargidirta mudugjoota ee maashu wada soocday Ee layska maamulanahayoo deyrka lagu meershey Ee sida halah maydabta ah layska maalaayo Iyaba mahadhada waa qabaan ceeb muggooda ahe Murursade iyo Cayr iyo haddii Sacad la miireystay Marna iney maya oran kareyn kama maleeneynin Hadalka hayga moodina inaannu maaran waa nahaye Sidaan maanta nahay yaan la oran laga milroonaaye Maruunbaannu mowjada xirmiyo maayad soo kicine Nabsigaan mugdiga gudahayaa maruun heleynaaye Caruuraha maryaadaya iyo Dumarka mowleeyey Maruunbaa marwada Maxamed qabo noqon masaalkoode Maruunbaa mid lagu meel maro iyo maahir noo kiciye Maruunbaa rag wada miiggan miiddi soo bixiye Maruunbaa madhada Caabudwaaq miig ku soo degine Ninkii tiisa maamulan karaa kuu muraad falahe Magaalooyiyo lama martiyo lebiyo meygaage Bal inaad idinku naga maarataan wax is moodsiiya Afartaas intaan miin ka deyey meel ma qabadsiiyey Ragbaa gabayga meermeeriyee marindhac maw diidey Macna kale waa hadal yar aan meesha kala yeele Maraweyntii reer Cumar ahayd meher xalaaleeye Midguhuba ma yeeleen waxay madaxa saareene Aw Muuse gabayguu marshaa meesha soo galaye Waxba yaan micna la'aan xarago suuqa lay marine Waxba yaan matoobi iyo shaal lay mardaadine Waxba yaan dad mudan baannu nahay lay maqmaqashiine Haddaad geel mulki ah leedohoo xero u maageerto Mareerkiyo galoolkiyo haddey magacley daaqeyso Oo kuraygu muraha u sidoo maraq u dheesaayo Ninkii maagistaada iyo fidmada muhashadeed haysta Haddii uu martabbadaadi hore sax u maleyn waayo? Marka hore midbuu kaa qalaa muunad loo dhaline Murre haddey dhadhami weydo iyo dacar la soo miiray Oo uu raggii maali jiray soo mur bixi waayo Muluf iyo haddey wada mohollibiin tuunsan Doqontii maldahan hawga biqin maayal dirireede Mar labaad rogaal weereraa lagu mayiiraa Oo muqalladoodii rag kale garabka meershaa'e Cabdulqaadir bay maraqsadeen maalin duhukiiye Mishingaanku goortuu dardaray mahad ma moogeyne Macaan dhereg la'yahay ceebtu waa meheraddiiniiye Nimankii middida saaray baa meel la hurudeene Ood waliba maamuus salaan ugu mihiibteene Inaad diini magantiis tihiin idinma moodeyne Dabadeedna muurmuursigii lagugu meydhaanye Toban iyo toddoba madax ah oo uuskii laga maaxshey Is maxamuudintiinaas xun baa loo makaabsadaye Mahwigii xalwiyo laga tuur malawgi dheeraaye Cirro inuusan meel roon ka dhalan waw makshuuf qabaye Magac ba'aye Ciisaan lahaa way mitidayaane Cismaankii is maahuurin jirey malihi beenowye Haddii muran dhexmaro reer tolkood ways mutuxiyaane Goortey shisheeyaha mutaan reer marti xumooyin Raggi shaaribbada miiqi jirey waa makaan dumaye Waa taad majeerteen yaryare nagu magacowdeene Murti haddaad la haydeen wax tara lagu muquuneeye Ibraahiinno milanbay qabaan mur iyo deeqaabe Moortaayihii shalay ku dhacay lagu mahlaakeeye Ulud dheer middii lagu dhiftay doc ula miiqmeene Mottarkii shirshooruhu markuu kor u muquufaayey Allaaba waa gargaar meel maraa ugu miciintaane Goortii la mariyaa kalgacal wada maqsuudeene Ninba maalinbaa loogu iman maxastadiisiiye Qoladay markaas haysataa kaga maqnaateene Xasidnimada maarowdey waydiin macaantahaye Mahwiga Cali saleebaan haddaan mirar ka faaleeyo Waa niman mallay inay gurtaan maanka kaga taalle Waa niman aan ficil muujin karin maalin lays galaye Iyagoo malyuun iyo malyuun mira saruu dhaafay Waa niman masaakiin yaryara lagu masaalaa Waa niman micnaha ay wataan lala mashquulaa Waa niman mucaarad iyo toos aan midna ahayne Waa niman aan meelna uga jirin miis rag leeyahaye Malagii walaalkii nin jecel murugo waw kowe Ragga lagu malkhadayaa waa mahurtadiinniiye Maruun inaad is deydaan way kaa madowdahaye Mataraariyaha lagu furaa keligood moodeene Goorti mir iyo mayrac iyo malabsi loo laysto Inaad adigu marax keyda tahay wayska moogtahaye Muusiyo Ismaaciil bahdood kama masuugaane Mar haddey makaabbada jebshaan maara laga waaye Magli kugu dhegayey sidiis wax u maroorshaane Marse haddan kor u qayliyoo mirar u yeeryeero Moxorkii jeceeleed haddii firimbi mawleeyo Haddii aan magaalada qandala oohin ku ag meero Madaxyada walwaaleed haddii belo muluufaanto Ceelkii mareegsane haddii qiiqu mulufleeyo Marsabadiyo xeebaha haddii laysu mariwaayo Maskantii haweenkiyo haddaan marashi dheer qaato Madal laysu soo baxay haddaan muusanaw kiciyo Waxaan maanka ku hayaa inuu maata doox dhicine Annagoo makiinada laliyo moodhar ku ordeyna Oo caradu naga muuqataa mowqifkii imane Eebbow waxaan maagganahay yaa maslixidoonna