Rechercher dans ce blog

jeudi 31 janvier 2008

BARBAARTA SOOMAALIYEED IYO BUUFISKA

jeudi 31 janvier 2008 BARBAARTA SOOMAALIYEED IYO BUUFISKA; Waxaa dhab ah BUUFISKA in maantay u maraayo heerkii igu sareeyay marka loo eego xiliyadii hore, waaxaad arkaysaa markaa tagto meelaha dhalinyarada iskugu yimadaan, sida maqayadaha lagu shaaho in inta badan dhalinyaradu ay ka shakaysanaayaan buufiska, qarkood ayaa dhahayaan "waxaa i haayo buufis xun habeenadaan ma seexdo waayo magaaladaan waa nacay waa iga hor -timid iyo hadala kale oo aad u farabadan".Dhalinyarada buufiska Dhalinyarada buufiska qabto inta badan waa saaxiibo oo waxay jacelyihiin in ay ka shakaystaan mara walbo buufiska mana jeclo qof an bufis qabin in ay la shakaystaan ,marka waydiiso oo aad dhahdo maxaa dadka kale shakadoodada u diidaysaan? waxay jawaab kaga dhigayaan "dadka ma yaqaniin macnaha buufiska waxaan loo joogin ay ku galinayaan sida siyaasad , wax barasho, iyo niyad jab jogta ah marka horaa loo yiri (shinbirba shinbirkiisu la duulaa) Waxyaba igu yabka badan oo aad ku arkayso dhalinyaradaan ayaa waxaa ka mid ah in ay is tusaan qariiradaha calamka ayagoo dhahaya suuriya way ku dhagantahay turkiga ama ruushka waxuu xaduud la leyahay filand,maraka qaar ayaa waxaad u malaynasaa inay yihiin qabiiro ku taqasusay juquraafiga sida ay u yaqaniin wadamada xadadka leh iyo kuwa badaha u dhaxeyaan,waxaa intaasi dheer ayagoo yaqaano inta lagu qaato sharciga wadamada yurub iyo waliba sida ay isku dhiibi lahayen marka ay tagan yurub. BUUFISKU MUXUU YAHAY? Buufiska,waa marka uu qofku doonayo in uu dhoofo ama ka tago meel uu horay u joogay nacane meesha uu joogi jiray, halka dhalinyarada qaarna ay ku macneyeen in buufisku oo lamid yahay jacelka sida qofka wax jacel uu urabo in qofka u jacelyahay u helo ayuu buufiskane uu u rabaa in helo halka uu u buufsanyahay. BUUFISKA MA LAYS KHAADSIIYA ? Buufiska, waa la kala qadaa buufiska, waliba si fudud ayaa loo kala qadaa marka aad saxiib la noqoto qofka buufiska qabo uuna in badan kaga shekayo buufiska haayo iyo inta sana u haayo buufiskaan iyo inta mar uu ku fashilmay buufiskan, ayaa adigane waxaad qatar igu jirtaa inaad si fudud ku qadid buufiska. BUUFISKA DAAWO MA LEEYAHEEY ? Buufiska,daawo wuu leeyahay waxaana daawa u ah in uu qafka buufiska haayo tago meesha uu buufiska u haayo islamrkaana aheyd halka ow ku riyoon jiray, walow ay jirto dadka buufiska haayo in aysan la xariirin dhaqtar daawayo hadaba waxaa jirto siyaalo badan o qofka buufiska haayo ku resan karo waxana ka mid ah isagoo helo hadafkiisa waxuu ahay . BUUFISKA MA LOO DHINTA? Buufiska,waa loo dhintaa waxaana logu dhintaa siyaabo aan toos aheyn oo ay ka mid tahay qofka oo nafsadiisa haligo isaga oo aan kala garanayn waxa u samaynaayo sida isagoo dhax maro meel halis badan o kaga timaado dhimasho sida aan ogsonahay kumanan qofood oo samaali ah ayaa baduhu laqeyn,qaarna waxay dhax jiireyn baraf oo halkaasi orso ku cuntay, kuwane xaduudyo inta xoog ku jiiray ayaa la dilay . Ugu danbantii waxaan maqalakaygii ku soo gabagabaynaa kulana dardarmaa dhalinyarada buufiska qabto inta is dajiyaan naftoodana qeyr u sheegan haday fursad u heli karaane waa in ay wax bartaan waayo waa ubixii wadanka bari aya loo bahanyahay dhalinyarada waa kuwii wadanka xukimi lahaay ama hogaamin lahaay.
W/Q Raage Cali Dheere.

vendredi 25 janvier 2008

RAG WAA KII HORE HADALA WAA INTUU YIRI

MAQASHIIYA UUNKA(SAYID MOXAMED CABDULLE XASAN) Waa mar kale iyo taxenihii ahaa “rag waa raggii hore, hadalna waa intuu yidhi” Waxaan moogan soo qaadanaynaa geeraar uu mariyey Sayid Maxamed Sheekh Cabdille Xasan. Heshiiskii Illig Daldala ee dhexmaray Daraawiish iyo gumaysiga, Talyaani iyo Ingiriis, 1905tii ka dib waxay Daraawiishi goosatay inay ka shaqayso sidii Soomaalida looga dhaadhicin lahaa khatarta iyo khayaanada gumaysiga, loogana digi lahaa dhuxdhuxlayaasha u adeega gumaysiga. Wufuud iyo culimo dadka soo wacdida ayuu Sayid Maxamed afarta baynu jahaba u diray. Wuxuu faray inay degaan walba tagaan Soomalidana ku waaniyaan inaysan gumaysiga gacan siin, diintooda iyo dalkoodana ka difaacan gardarada aan geed loogu soo gaban ee Ferenjiga. Culimadaa waxaa ka mid ahaa Cabdalle Shixiri iyo Xirsi Afdiir oo uu u diray degaanka qaarkii. Nimankaasi kolkii ay ambabaxayeen ayuu geeraar fariin ah Sayidku mariyey. Wuxuu yidhi: Cabdalla maan qaboobiyo Xirsi maakib laawow Mid yar waxad tidhaahdaan Murtidiinta Reer Hagar Habar Yoonis madasheed Mariya weedha aan idhi Toljeclaha muraadkaygiyo Masafadayda ula taga Maqashiiya uunkaba Miyir inuu ku soo galo Mid mid waxow tidhaahdaan Nimanka mooradii furay Mawaaciidada diinkii Ma wax laysku maagaa? Jahaadka mooshinkii galay Ma wax laga maqnaadaa? Mushahaaro been ahi Ma wax lagu magaagaa? Luxudkii madoobaa Ma lays moogadeeyaa? Muufadii cadaabeed Maw adkaysanaysaan? Nin gaal u midiidimay Mici naar inuu geli Kutubtaa u maragee Ma wax laga murmaabaa? Mushrik inaad jeclaataan Amaad mudan ku sheegtaan Hadaydnaan mujrim ahayn Masalo maad u haysaan? Masalo-gaabyadiinaa Meel daran idiin diray Labadaa meeris ee kore wuxuu ku ridayaa wadaadadii Soomaalida ku wacdiyey inaysan haynin tabar ay gumaysiga kula diriraan, hubkiisa mid u dhigmana aanay wadanin. Waxay yidhaahdeen nin kaa xoog badani hortaa ayuu xanaaqaa sidaa awgeed Ferenjiga haynagu carinina. Wadaadadaa ayuu dhaliilayaa. Muftida waanadiisii Idinkaa ka maagtoo Macbuudkii Rabbi ahaa Idinkaaba moogoo Maxsharkiyo qiyaamaha Idinkaa munkirayoo Maqfiradii Illaahay Idinkaa ka maarmoo Macaankii Firdowsaad Idnkaa muraystoo Muminimada laabta ah Idinkaa mantagayoo Minidiina gaalowday Idinkaa muquunshoo Kufriga idin mahoobiyey Idinkow miciinoo Makaankii shareecada Idinkaa matamiyoo Muslinkiyo qusuusiga Idinkaa makalayoo Maalkii agoomeed Idinkaa malkadayoo Masxafkiyo quraankii Idinkaa maljadayoo Waxse mawtigiin galay Ama malag idiin yimid Kolkaad Muxamedkiinii Malcuun uri ka raacdeen! Mariyoo macneeyaye Mid kaleeto waxay tahay Waxaan maqalay Ferenjigu Inuu miiri idiin qoray Raciyad ama ‘riders’, Soomaaliduna u baddashay Rayad kuwaas oo ahaa qabaa’il Ingiriisku hubeeyey si uu isaga xijiyo gumaca Daraawiish iyo qabaa’ilka kale ee kasoo horjeeday gumaysigiisa ayuu u dan leeyahay. Ingiriis ayaad dabadhoon u noqoteen ayuu ku canaantay. Waxaan maqalay maalkii Inuu idinka meersaday Waxaan maqalay ooryaha Mitan inaad ka waydeen Waxaan maqalay madaxdiina In madiidin laga dhigay Oon miis yar mooyee Maydho geel la siinayn Waxaan maqalay maahyahow Magiciin inuu bay Niman Soomaali ah oo gumaysiga guno ka qaadan jiray una shaqayn jiray ayuu meerisyadaa kore ku halgaadayaa. Intaasoo masiiba ah Waxaa igala maad badan Maska iyo abeesada Magta aad ka bixisaan Aydaan midigta fidinayn Aar hadduu ku micyeyn Lixda meeris ee u dambeeya waxay ka hadlayaan xukun Ingiriisku kusoo rogay gobolada waqooyi kaa oo ahaa inaan dhirta la goynin, duurjoogtana la dilin. Ninkii lagu arko ama lagu maqlo inuu laan gooyey ama duurjoogta wax ka dilay waa la xidhi ama waa la ganaaxi. Soomaalidii miyiga ku noolayd, sidii ay doonaana u isticmaali jiray ayuu xukunkaasi dhibay. Sayidkuna xasaasiyadaa ayuu ka faa’iidaysanayey. Geeraaro iyo gabayo heshiiskan iyo geerarkan la socda ayaan soo wadnaa. Ha u daymo la'aan.

ISMAACIIL MIRE

ISMA OGA
Isma oga Ismiir iyo ninkii, ayro foofsadaye Isma oga arbaha weerka iyo, adhiga goosmaaye Isma oga waraabaha amliyo, awr la laayacaye Isma oga atoor qadow bartiyo, uubta loo qodaye Isma oga nin urugaysan iyo, iilka kii dhigaye Isma oga dhillida uunsatiyo, awga taa'ibiye Isma oga aqoon xume dhergiyo, Meleg Arsaa'iile Isma oga agoon iyo ninkii, aabaheed dilaye Isma oga askari qooqan iyo, nimaan afbuux siine Isma oga abeer qalableh iyo, inanka doonaaye Isma oga ugaadh iyo libaax, adamiyaystaaye Waxba gabaygu yuu ila ordine, waxaan ku soo ooday La illow nin Aakhiro tegoo, iilka hoos maray

jeudi 24 janvier 2008

RAG WAA RAGGII HORE HADALA WAA INTUU YIRI

DILKII GARAAD CALI, GONDOGOOYE ,KALA KICI GURDUMI Waa qayb cusub oo ka mid ah dersigii taxaneha ahaa ee summaddiisu ahayd ‘rag waa raggii hore, hadalna waa intuu yidhi.’ Waxaan maanta soo qaadanaynaa gabaygii Cabdi Xirsi ka tiriyey Gondo Gooye iyo taariikho kale oo la midab ah. Akhris wanaagsan. Dhawrkii sano ee ka horreeyey 1901dii waxaa dhacay saddex arrimood oo la odhan karo waxay saamayn xoog leh ku yeesheen geedi-socodka halgankii Daraawiishta ee mudada dhawr iyo labaatanka sano ah socday. Saddexdaa arrimoodi waxay kala yihiin: Dilkii Garaad Cali Maxamuud ee Oktoober 1899 Dagaalkii Jigjiga ee Maarso 1900, iyo Kalakacii Gurdumi Garaad Cali Garaad Maxamuud Garaad Cali wuxuu ahaa garaadka guud ee Dhulbahante, wuxuuna tirsadaa boqortooyada Shirshoore oo ah boqortooyo fac weyn. Sida la ii sheegay, silsiladda garaadnimo waxay maanta maraysaa 19 garaad. Waxay Garaad Cali iyo Daraawiishi is gafeen kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay Garaadka iyo taliskii xarunta dabadeed uu Garaadku xaruntii ka guuray colaadna ku talagalay. Wuxuu diray laba warqadood oo uu midna u diray madaxdii Ingiriiska ee Berbera fadhiday midna u diray boqor Cismaankii Majeerteen. Waraaqahaa wuxuu kaga cawday in wadaad Ogaadeen ahi Nugaal la wareegay dadkiina isku dubbaritay sidaa awgeed uu u baahan yahay inuu helo ciidan iyo xoog uu kaga hortago wadaadkaa. Waraaqdii Ingiriiska ku socotay ayey Daraawiishi gacanta ku dhigtay. Kolkii waraaqdii xarunta la keenay ayuu Sayidku fariin u faray Garaad Cali oo ku yidhi bal ii imow aynu tashanee. Garaadku codsigaa wuu yeelay, xaruntii ayuuna wadatashi u yimid isagoo moog in waraaqihii uu diray midood Daraawiishi qabatay xaruntana ay taalo. Sayidka ayaa dabeed ku yidhi “Garaad xarunta lagaama laha ee kusoo noqo jahaadkana taageer.” Wadahadal dheer ayaa dhexmaray. Sayidku wuxuu aad isugu dayey inuu Garaadka soo jiito oo uu xulufaysi ka helo hase yeeshee Garaadku arintaa wuu ka madax adaygay wuxuuna istaagay “degaanka iyo dadka Nugaaleed anaa u taliya ee wadaadyahow wixii diinta ku saabsan ku ekow.” Intaa ka dib, Daraawiishi waxay is tustay in Garaadku collaystay Daraawiish iyo Nugaal joogitaankeedaba, waana la xujeeyey, ka dibna la dilay. Garaad Cali wuxuu ahaa Soomaaligii labaad ee gacan Daraawiish ku baxa. Garaadka hortii waxay Daraawiishi 1898kii xujaysay nin la odhan jiray Fidhin Qodax oo Habaryoonis, Isaaq ahaa. Waxaa la yidhi, Fidhin iyo wiil qowsaar u ahaa ayaa isku maandhaafay xidhaaladii uu qowsaarku qaadan jiray dabadeed qawsaarkii ayaa faras la soo baxsaday lana yimid xaruntii Daraawiishta. Fidhin ayaa ka daba tagay oo yidhi faraska ninku wuu iga soo dhacay ee ha la ii celiyo. Waxaa lagu yidhi adigu in faras lagaa dhacay ayaad sheeganaysaa ninkanina in aadan xaqiisii siin xidhaaladii uu shaqaystayna aad u diiday ayuu ku dacwiyey, sidaa awgeed shareecada Islaamka ayaa laydinku kala saarayaa ee diyaar ma u tahay? Fidhin arintaa wuu diiday oo wuxuu yidhi dacwo haddii aan qabo Ingiiska ayaan u tagayaa ee faraskayga ha la i siiyo. Mar haddii uu xukunka diinta Islaamka ka doortay midka gaalka, Daraawiishi ninkaa way xujeysay waana la dilay. Dhulbahante aad ayuu uga xumaaday dilka Garaad Cali, habeyn madow ayeyna xaruntii ka guureen Reer Caligeri ma ahee. Halkaa wixii ka dambeeyey lafaha ugu badan Dhulbahante sida Maxamuud Garaad, Bah Ararsame iyo Reer Hagarba Ingiriis iyo xeeb, bari iyo Boqor Cismaan, Mudug iyo Keenadiid ayey madaxdoodii ka cidgashay, colaad iyo dagaalo aan kala go’ lahayn ayeyna Daraawiishi kala kulantay. Gabayo badan oo Sayidka iyo rag kaleba ka tiriyeen khilaafkaa ayaa jira. Iyagoo awalba colaadaa qabay ayey Bah Ararsame waxay gaar ahaan sii eersatay dilkii Faarax Maxamuud Sugule oo ka mid ahaa raggii shirqoolkii Canjeel wax ka abaabulay, ka dibna baxsaday oo Ingiriis u galay. Isagoo guuto Ingiriis u hubeeyey wata oo ku sugan Laaso Daar iyo Widhwidh agagaarkeeda ayaa niman Daraawiish ah oo Webi Shabeele Daraawiishtii deganayd ka soo noqday ka soo dul dhaceen. Qadar Alla, isagoo kaligii geed Higlo ah hoos jiifa oo aan wax col ah filaynin ayey si kadis ah usoo dul istaageen. Jaantii iyo shanqadhii nimanka ayuu ku toosay. Degdeg ayaa la isu gartay ileen nin madaxda Daraawiish ka mid ah ayuu kol dhow ka hor ahaaye. Eedda uu qabo Faarax ma moogayn, wuxuuna isku dayey inuu cago ku baxsado, laakiin nimankii ayaa markiiba afar waran isu dhaafiyey. Halkaa ayuu ninkaasina ku baxay. Dilka Faarax wuu dambeeyey, laakiin dilka Garaad Cali iyo colaadii ka dhalatay saamayn xoog leh ayey ku yeesheen amaamudkii jahaadka, sidaa daraadeed Daraawiishi carro Dhulbahante way kasoo guurtay oo waxay degtay carro Ogaadeen gaar ahaan Doollo, Dig, Ciid iyo inta la ollaga ah. Muddo gaaban kolkuu degaankaa joogay, awood fiicanna kulansaday, jilibyadii halkaa ku dhaqnaana taageero ka helay, wuxuu Sayidku abaabulay duulaankii koowaad oo uu ku balaadhiyey Xabashidii Jigjiga haysatay. Dagaalka Jigjiga wuxuu dhacay Maarso 1900kii wuxuuna ahaa dagaalkii ugu horreeyey ee dhexmara Daraawiish iyo gumaysiga. Difaaca uu dadkiisa gumaysiga iyo garadaradiisa ka difaacayo waxaa u dheeraa oo ujeedooyinka uu Sayidku dagaalkan ka lahaa ka mid ahaa inuu muujiyo in ciidan iyo hub-uruursigiisu ku wajahan yahay Xabashi iyo dhulbalaadhsiga xaqdarada ah ee ay ku hayso Soomaalida. Wuxuu Sayidku jeclaa in Ingiriis u dambeeyo oo ay marka horre Daraawiish iyo Xabashiyi kala war helaan. Isagoo iska dhawraya iskudhac dhexmara Daraawiish iyo Ingiriis ayuu Sayidku dhawr goor qalab Ingiriiska lagala soo baxsaday celiyey si Ingiriis u ogaado inaan Daraawiishi colaad u haynin duulaanna ku ahayn. Laakiin sidii Sayidku jeclaa ma noqon oo dagaalkii Jigjiga wuxuu Ingiriisku ka fahmay awoodda iyo kani-adaygga Daraawiish, wuxuuna isku qanciyey inaan xero u oodnayn haddii Daraawiishi xididaysato. Wuxuu kaloo dagaalkaasi isu soo jiiday Ingiriis iyo Xabashi oo go’aansaday inay si wadajir ah wadaadka uga hortagaan. Sidaa awgeed, dagaalkani saamayn weyn ayuu ku lahaa qaabaynta halgankii Daraawiishta. Kalakacii Gurdumi wuxuu ahaa shirqool ay niman Reer Dalal, Reer Cabdille, Ogaadeen, ahi u dhigeen Sayidka, wuxuuna dhalay masiibadii Gondo Gooye. Dagaalkii Jigjiga ka dib, Daraawiishi way bulaashay, tolal udbahoodii iyo dhigahoodii wata ayaana soo galay. Kuwii aan wali iman ayuu Sayidku rag u diray oo yidhi waa inay dariiqada kusoo biiraan, jahaadkana taageeraan. Inkasta oo rag badani amarkaa Sayidka u riyaaqay fulintiisana ku dhaqaaqay haddana waxaa jiray rag ka gows-qabsaday laakiin aan ku dhiiran inay toos maya u yidhaahdaan. Nin la odhan jiray Shide Dhabarjilic ayaa isagu si toos ah arintaa uga dhaga-adaygay, dareenkiisana aan qarsan. Shide waa la xujeeyey waana la dilay. Ninkaasi sidaa haddii uu ku dhintay ayaa, waxaa la yidhi, Sayidka hadal ka baxay, hadalkaa oo shaki galiyey sababtii Shide loo dilay. Hadalkaasi wuxuu ahaa “war Shide Dhabar-jilic Xasan Jiijiile ma u aaro galaa.” Dhacdadani qiso dheer ayey leedahay laakiin intaa ayeynu haatan isku koobaynaa. Intaa ka dib, nimankuu Shide ka dhashay ayaa gadooday kana xumaaday dilkaa iyo hadalkaa ka daba yimid. Waxay ku heshiiyeen inay Sayidka ka faraxashaan, dariiqadiisu inta ay curdanka tahayna ay saqiir suujiyaan. Shirqool ayey haddaba dhigeen. Sayid Maxamed ayey rag u direen oo ku yidhaahdeen sidii Alle noogu kaa keenay kuuma aanan dabaaldegin, ee waxaan doonaynaa inaan kuu damaashaadno ee taariikhdu kolkii ay intaa tahay balliga Gurdumi ha inoo ahaato. In kasta oo mar dambe shaki ku dhashay, haddana Sayidku arintaa wuu aqbalay. Gurdumi ayaa xilligii la ballamay la isugu yimid, shirqoolkiina lagu fuliyey. Alle mahadii, Sayidku wuu ka badbaaday dabinkaa laakiin labada dhinacba rag badan oo Aw Cabbaas ku jiro ayaa goobtaa ku qudhbeelay. Waa la kala aamin baxay, qolo walbana dhinac ayey isu uruurisay. Nimankii shirqoolka ka dambeeyey ayaa shiray kuna heshiiyey inay Sayidka guddi maslaxo raadis ah u diraan. Waxay soo xuleen 33 nin oo midba midka kale ka daran yahay Sayid Maxamedna ergo ahaan ugu direen. Ergadaasi waji fiican lama kulmin oo kolkii ay xaruntii tageen ayaa la xidhay. Sayidku wuxuu faray fariin ah in Reer Dalal nimanka furto kuna furto laba qori oo Daraawiish lagala tagay iyo 100 neef oo geel ah midkiiba. Kolkii dalabkaas Reer Dalal fulin diiday, nimankii maxaabiista ahaa Daraawiishi si arxandarro ah ayey ula dhaqantay. Oo waa sidee sidaasi? Labo labo ayaa la isagu xidhay kadibna addimada ayaa bir lagaga jabiyey, ugu dambaynna dhammaantood la laayey. Kalakacii Gurdumi iyo Gondogooye waxaa iyagana la odhan karaa saamayn xoog leh ayey ku yeesheen taabogalka halgankii xaq u dirirka ahaa ee Daraawiishta. Rag door ah ayaa gabayo ka tiriyey dhacdadan. Gabaygan hoose ee hodanka ah waxaa mariyey gabayaa la odhan jiray Cabdi Xirsi oo nimankaa la laayey ay isku raas ahaayeen. Wuxuu yidhi: Gabay layga waa Maxamedow, garashadiisiiye١ Indhawaydba geesbaan ka maray, gole ka sheegiise Geeraaradii iyo ka hadhay, gooddi iyo faane Gedisaday geddaan odhan jiroo, waanigaa gudhaye Geddii nimaan aqoon jirinna waa, lagu gulaalmaaya Waa kaan gardiidaye beryey, gunno i saarayde Gadhka waxaad i haysaba haddaan, kuu godlanayaaye Bal garwaaqso gaban baad tahaye, gololadaan tooxi Guntaan nahay xaajada wada gubtaan, xalay garraadeeyey Meeshii go’aankeedu yahay, gacalow hay seejin Gabay Hawle iyo Raage iyo sidii, geddii Weerar Afartaa gar layskuma qasee, ma u gufaacooday Galsho lama dhurtee sow midkani, gacankii Eyl ma aha Meeshaan u goof xaadhan jiray, gaw ma kaga siiyey Guulaamo roob iyo sidii, galal biyoobaaya Gaaroodi lagu weerar yahay sida, gammaan xoogle Girligaan dawaarliyo sidii, roob guyoo hooray Ama sida gufaacada baddiyo, mowjad galab joogta Ama goor gariimadi dhacdoo, galowgu dhiiloobay Ama goos aroortii la riday, gaaddan iyo raacdo Ama culimo geed waabatoo, subac ku gawdiidda Ama odayo guurti u baxoo, xaajo gu’i wayday Ama Ferenji gaardiyahayoo, gaadhka laga meershay Ama ceel galshaysiya dadkoo, gamashi boobaaya Ama giir-yar geeddiyo hayaan, gubayo oon hayso Ama goodir dhalayoo ilmihii, gurada loo saaray Ama naag raggeedii go’ayoo, gocasho ooyeysa Ama awr gugiisii da’ayoo, gaane lagu qooqshay Walee xalayto goortii la leday, gawdii iga yeedhay Guuxayga iyo reenkiyo, gubashadii laabta Gorroskaan ilamada duugayiyo, gododkii aan jeexay Gelbidhabadka goortaan hurdada, gudub usoo booday Ninkii garasho lay fiiiyaye, gama la’aantayda Guhaaddiyo waxaa iigu wacan, gibilka lay saaray Aakhiro raggii iga galaan, soo qarwaaqsadaye Gergeyrtaad ogayd baan tebiyo, goosankii lumaye Godka kalama soo bixi karee, waa galoof olole Waa garab la’aan meesha iyo, galabtii Dhiitaade Gondogooye siduu noogu dhacay, gaasir baan nahaye Ganku way madow yahay sidii, gubad abaareede Geesaaska dumarkaa qalbigu, ila gariiraaye Goonyaha waxaa iga xigga, gole ogoomeede Geestaan u meeraba haween, guud cad baa tubane Geblan weeye reeruhu haddaan, geesiyaal kicine Shirkan laysku wada guulayaa waa, gabbood madhane Gubni odaya gaas wada dhashoo, geed ka kici waaya Gadh-caddaayo xaajada hayoo, garasho loo daayey Garta niman yaqaanoo la waa, tooda loo go’o e Eebbow xaggaa naga gargaar, guushu waa adiye Gaban kale waa sida adduun, noo gilgilay haatan Mar haddii guddoon naga dhintoo, boqorna geeryooday Gaanigii Xuseen iyo haddaan, gacal adeer waayey Gobonimo haddii aanan damcayn, gacanta lay saaro Gaddii hore hadday naga gudhoo, lay gadh qaadaayo Gaadiid haddaan ahay la rari, gu’i iyo jiilaalba Gabbal dhiciyo waagii baryiyo, goor Alliyo fiidba Naftoo ila gariirtiyo anoo, gaadasho u taagan Gumcadliyo Mareexaan anoo, sedo u gaynaaya Gadh-cun reer lug-gaab ihi hadduu, iga gol roonaaday Goobtii hadduu igaga hadhay, garicii ceeboobay Gaalkaan nebcaa iyo hadduu, ii guntaday Caamir Hadduu Maxamed gaal-layska iyo, gamaska ii looshan Geyigaan iqiin iyo hadduu, Doollo naga geeyey Ceelkii Garlowgubay hadduu, gobonimo u qaatay Doh intaan ka gaadhiyo intay, goray ka foofayso Godka seesha gooyaha Bankiyo, webiga geestiisa Goglo iyo haddii aanan helayn, gurarkii Laandheero Golxoodkii dhannaanaa haddaan, goray ka fuudeynin Gaw iyo gaskii jiirta iyo, gala jabkii laagta Geedaha bannaankooda simay, Miiro garabkooda Gocondhaale iyo Caadiyo, Sebi garraarkiisa Galka Simay gafiir iyo Dannood, Harasan guudkeeda Isha Gawlalaaliyo Gar-duur, Xodayo guudkeeda Godankii madheedhkiyo lahaa, geedsankiyo saarka Gombisiyo gaankii Digeed, Goonle agahiisa Gomoshaale geesaha Darroor, amase geel Faahis Gahaydhkii Awaariyo ku yaal, Sagag gafuurkeeda Milmil gawrarkeediyo waddada, Gubato loo qaado Gobabkii Bullaaliyo dixdii, gunnadu noo tiilay Garbidii Butaalliyo Ciyow, Gunagadoo doogle Gosha webiga geediga Dhanaan, geedihii Elele Intaasoo geyiga Reer Wacays, gocay ku maalaayey Oo geelu ugu naaxi jiray, gu’i iyo dayrtiiba Ninba garu u daaqaba haddii, maanta laga gaaray Geediga haddaan laga dhigayn, loo genfaday awrka Tawal goonyaheediyo haddaan, Wadal kasii guuray Guro iyo haddii layga riday, gudihii Uu-uule Guryihii Qotaad iyo haddii, Adari lay geeyey Gurre nimanka sheegtiyo Amxaar, igu gadoodaaya Gudabiirsay iyo Ciisiyo, Alado guuxaysa Iidoor galbeed iyo haddaan, gaalo deris mooday Gaashaan lasoo hooriyiyo, garab haddaan waayey Sow haatan inaan gaaxiyaa, gabayga daw ma aha! ١Gabayga waxaan kasoo guuriyey buugga Aw Jaamac ee hoos ku xusan. ____________________________ Tixraax Gabayo kale, waraysiyo iyo baadhis gaar ah. I.M. Lewis. A Modern History of Somalia. Longman Group Limited. New York. 1980 Said S. Samatar. Poetry in Somali Politics: The Case of Sayid Mahammad Abdille Hasan. Northwestern University, Evanston, Illinois. 1979. Aw Jaamac Cumar Ciise. Himilada Maansadii Hore. Xarunta Cilmi Baadhista ee Jabuuti. Jabuuti. 2005. Aw Jaamac Cumar Ciise. Taariikhda Daraawiishta iyo Sayid Maxamed Cabdille Xasan. Akadeemiyaha Dhaqanka. Muqdisho, 1976.

DHUL UDHEER

AADAN CARAB
Loolan dirireed oo dhexmaray Cali Geri oo Dhulbahante ah iyo Biciidyahan oo Majeerteen ah oo asalkii hore ka kacay geelal la kala qaaday ayuu abwaanku gabaygan ka tiriyey abaaraha 1957/8dii. Dirirtu gadaal waxay isu rogtay mid labadaa qoys dhaaftay oo la isugu habarwacday lafo kale oo labada dhinac ahna ka qeyb qaateen. Aadan oo gabyaa caan ah ahaa tolkiina afhayeen u ahaa xilligaa ayaa afkiisa haddaba la baxay si uu ugu digto Majeerteen, Iidoorna ugu dhaga-hadlo. Wuxuu yidhi, Allaha u raxmee:
· Dhuyac Balo ragii idinku furay, dhamacda jiilaalka
· Dhaxan iyo malay cudur marbuu, dunida dhaamaaye
· Dhawlkanaa waw u dhira intaan, idinku dhiibteene
· Ama waranle dhiilada maqlaybaa, dhaaxa iibsadaye
· Dhul fogna waaba loo maray rasaas, dhagax rogeediiye
· Maantada in dheri loo karshiyo, dhuuni iyo raashin
· Dharba uma safraan nimanka tagay, dhoofkii Cadameede

· Dadkana qaar dhagweynaa ka kacay, dheelalaad ahaye
· Caligeri dhamaantiis isku arag, dhirihii Toomoode
· Anana dheregnay geeridu markay, dhaaftay labo raase
· Dhafkii nala socdiyo Reer Garaad, waa is dhaarsadaye
· Anagoon wixii naga dhinaa, dhoobka tabanaynin
· Dhuldheer inaad nagu gashaan, cidi ma dhaadayne
· Intaad timaha dhoobiyo malaas, lagu dhamaajeeyo
· Guutada Biciidyahan dhuray baa, dhoor u imanaysa
· Dhadhab iyo riyey nala ahayd, amase dheeldheele

· Waagoo dhag yidhi aanay jirin, dhuumashiyo gaadmo
· In dharaar la weeraro miyaan, dhudi ku faalooday
· Dhabisku waxaan ku idhi inuu, maalin dhiirado'e
· Iyadaad nirgaha ku dhalay, dhereg gubyoonayso
· Oo rimayda dheega iyo mudkiyo, dhinacu weynaaday
· Aan kurayga dhiilka u sitaa, dhaqayo maalaynin
· Oo lagu dhexjiro oo kolkaa, dhisi ka ahaaye??

· Waxba lama dhabiiline la yidhi, dhoobiyaa wada'e
· Dhedaa na huwanayd jeer dagaal, la isku dhiidhiyo'e
· Dhalanteed miyaa idinka galay, dhudaha aan sheegto
· Ma dhalaaliyaan toban bilood, idinku dhaacaayey
· Malaha dhirbaaxadii bey misana, dhuuni idin raacday
· Ma ku dheregsigaygaa waxaa, dhacaya eegaayey

· Dheedi waxaan xeraadka uga dhigay, dhudubna loo geeyey
· Waa meel inaan uga dhashiyo, dhoofka qoofalane
· Dharka ubaxle dhiiqa xidhkaad, dhuxulka moodaysay
· In la dhicin karaa loogu furay, dhogor idiinley'e
· Hadii aad talada sii dheehataan, dhuuxa iyo ruuga
· Dhoomaha Shirshoore iyo Hayaag, uma dhawaateene
· Nin Dhulbahante Ciideed yaqaan, dhaayin ololkeeda
· Dhangad kuma jafeen ma ahayn, dhoocil la eryoodo??

· Afartaa intaan dhalay beryahan, uga dhaliilaaya
· Ma ku dhilay dhabada maansadaan, dhiida ka higaadshay

· Waakaa dunida Reer Cali dhegaa, dhohosha nooleeyey
· Wax badan baan dhafuuqsaday naftana, idhi dhaqaaleeye
· Waa taan ku wii lagu dhayalay, dhaahiya lahaaye
· Wax ma dhimin warfaa maalintaad, dhoosha dumiseene
· Waa tay gacmaha soo dhigteen, dhiigii Maxamuude
· Dhabow garanaysaan samo waxaad, nagaga dheefteene
· Dhibna inaanu leenahay markuu, xumo dhanaanaaday
· Bal dhadhamiya waatuu dhulkii, idinla dhuubnaaye

· Afartaa intaan dhalay beryahan, uga dhaliilaaya
· Ma ku dhilay dhabada maansadaan, dhiida ka higaadshay
· Bal ma dhabade mid kalana, maan markale dhaado

· Sida adhi dhurwaa iyo habeen, dhidar hareereyey
· Dhaawaca wataa wali cashaba, dhawr la helaayey
· Durba waxaa dhakhsaha ugu godeen, waa dhugmiyoShiishe
Markii baqe dhegalooha hadhkii, lagu dhadaababay
· Aan dhiinka kii ladan lahaa, care bal soo dhowra
· Allaa dhigay Warsame geed inaad, kaga dhaqaaqdaane
· Dhabta Jinacle waataan ku simay, dhabashlihiiniiye
· Dhanbaad uga dhacdeen muraan danbaad, nagula dhoodaane
· Dhawaaq galiya Reer Mudug koluu, qalab idin dheero

· Afartaa intaan dhalay beryahan, uga dhaliilaaya
· Ma ku dhilay dhabada maansadaan, dhiida ka higaadshay
· Bal ma dhabade mid kalana, maan markale dhaado
·
· Lib hadaan ka dheelmado qabiil, laysku dhagaroobay
· Dhiidhiina waan ugu daraa, dhaanto iyo heese
· Adigoo dhintey baa gabaygu ciil, kugu dhaqaajaaye
· Majeerteen haduu dhabarku jabay, dhidib intuu qaaday
· Dhabayaco malaha kala hadhnaye, dheeliyada raacday
· Daarood ku dhaayiyo warkaba, dhereg khabaarkiiye
· Iidoorse qaarbaa dhakane, dhaaniska u sheega.

GEELA

AADAN CARAB

Aadan Carab wiiluu dhalay ayaa in badan ,caano ,ha lay siiyaay ku ooyey ,markaas ayuu abwaanku damcay inuu tusaaleeyo sabiga in geela iyo caanihiisu aysan ku iman oohin iyo af-kala qaad midna ee ay ku yimaadaan dhaqasho iyo dhac laga soo mooro-duugo kolba ninkii haysta. Wuxuu yidhi Abwaanku:

1. Geel ninkaan dhibaatiyo u gelin dhac iyo boob toona 2. Oon dhaan wareego leh u rarin webiga dhuuxiisa 3. Aan suu dhabbaha ugu taagnaa dhuuban sabarkiisu 4. Oon rareyga dhoomaha u sida boqonta dhiidhiibin 5. Oon hilibka dheecaan ku cunin dhamac intuu saaro 6. Oon wuxuu shul maaxaba jufeyn dhuuba xeradeeda 7. Oon sida dhireed ugu tuman dhaawac iyo meydka 8. Oon goobta kaga soo dhugsiin dhaanto iyo siidhi 9. Oon aan saami dheeraad ku jiro gacanta loo dhiibin 10. Hadduu yidhi dhanaan iyo qabow igu dharaar siiya 11. Anigaa dheg weyn ehe i geli dhiiqo iyo ceebe

MAXAY MACAASH KEENTAY

Caligeri (Dhulbahante) ayaa geel ka dhacay ragna ka laayey Reer Hagar (Dhulbahante.) Dagaalkii iyo ku didrirkii geela ayaa nin la odhan jiray Gaani Cali Ducaale oo Reer Hagar ah ay xabadi gacan midhaha ka dhigtay. Gaani inkasta oo uu nin gabya ahaa wuu iska aamusay ciilkiisiina dib u liqay. Muddo dabadeed ayaa Ingiriis iyo col uu wato Caligari guluf kusoo kiciyeen xoola badana ka mooraduugeen. Gaani oo godob tirsanayey gacanina ay u shakaalan tahay ayaa halkaa waxaa uga soo baxay qodob uu ka gabyo si uu Caligariga ugu digto. Wuxuu tiriyey gabay uu aad ugu tiiqtiiqsanayo Reer Cali Gari. Ismaaciil Mire oo aan dagaalkii hore ee labada qoys dhexmaray raali ka ahayn ayaa gabaygii maqlay markaa ayuu gabay maslaxad iyo samo abuur ah oo ay ka mid ahayeen beydadkan hoose tiriyey. Wuxuu yidhi Ismaaciil: Anagu Gaaniyow gacalka dhacan, waaka gubanaaye Gankaa naga xanuunsada wixii, gaadha Reer Hagare Gadhka iyo wadnaha buu nagaga yaal, gabiga Daaroode'e Uma gabayno maantii Islaam, gaalku weeraro e Cali Dhuux Aadan oo aan inta badan maslaxo ka talis ahayn ayaa labadii gabayba maqlay, Ismaaciil Mire ayuu dabadeed aad ugu xanaaqay isagoo is leh Ismaaciil Gaani ka af badanee muu iska celiyo oo uu difaaco Reer Cali Gari, gabayga maslaxada ah ee uu Ismaaciil tiriyeyna Cali Dhuux wuxuu u arkay inuu baryootan iyo Reer Hagar isu jilcin yahay. Wuxuu haddaba geed rag badani isugu yimid ka akhriyey gabaygan hoose. Wuxuu yidhi Cali Dhuux: Ninla maagay oon midho yaraan, lagu malaynin Maansana Illaahay baroo, macalinkeedii ah Oo gabayga sida sheekh mufti ah, miinka ka higaadsha. In madhoodho loo soo diraa, waa macno la'aane Hadiise dhiig macaan leeyahay, iyo maal lakala qaado Ragu waa ragii Gaaniyow, riday minkiiniiye Waa ragii miskiin iyo agoon, miidhan kaa dhigaye Waa ragii maqaawiirta culus, mariyey liishaane Waa ragii musgale kaala dhigay, maganta Iidoore Waa ragii maskii Camey diliyo, maqadinkiiniiye Waa ragii mareegaha u furay, maalin Reer Hagare e Sidii jaamac dalab loo mudmuday, maadan moogayne Magligaan ku gowracay ninkii, maqashii dheeraaye Mariinkiisii waa taan watiyo, macawistiisiiye Miridhkiina waakaa ku yaal, marada dhiigiiye Dhalintii makaawida qabtay, ee wada mushaaxaysay Meydkoodu waa tuu ahaa, maadha oo kale'e Muusanowgu wuxuu kuu ekaa, maalintii hore'e Miiq looma kala goyn ragaad, magac wadaagteene Bal maxay macaash keentay, dhaha maansadaad tirisay?

BAWDADA MARKAAN KA JABAY

AW AADAN ABTI DOON(AADAN BADAW) Gabaygan oo sida midhahiisa ku cad xambaarsan murti culus wuxuu kamid ahaa gabayadii lagu qaadan jiray tacliinta dugsiyada xilligii qaranka Soomaaliya dhisnaa. GABYAAGU WUXUU YIRI:
Bowdada markii aan ka jabay iyo, boqonka taagiisa
Habeenkiiba way bidhan lahaa, bahalka cawlaaye
Ragii buurta dheer igala baxay, beerka ka ogsooni
Ragii baarqabyada ii qalqalay, beerka ka ogsooni
Bah Cilaamo goortay dhamaan, igu dul booyeysay
Bah Sadhaysan baga inay i tidhi, beerka ka ogsooni
Ragii Burunji inuu igu cuno, ii bariidinayay
Ee aan barkale ii tarayn, beerka ka ogsooni
Ninkii balad shisheeye iga jiray, soona bixi waayay
Ee in aan bogsado uun jeclaa, beerka ka ogsooni
Laxaad waa badhaadhee hadduu, ii bogsado xooggu Oo biixiyaha Eebahay, kay isugu beego Abaal badha, abaal bura, abaal bur iyo dheeraad ah
Ninba kiisa kaan ugu bedeli, beerka ka ogsooni

mercredi 23 janvier 2008

Turxaan Baa Wax Loo Kala Dhex Dhigay Taabac Reer Kale'e,Talcuus Weeye Maantaan Nin Kale Talada Siinaye

Gabaygan Waxaa tiriyey(Claahi Cali Saleebaan) oo ah nin Dhalinyaro ah oo Mujaahida oo xalaal ah una dhashay Dhulka SSC,isaga oo ku sumaday sida wax u jiraan,halka xaalku Marayo,iyo sida dadka Degaanka SSC maalinba nin doonayo in uu awrkiisa ku kacsado,isaga oo dhaqanka dadka SSC ku asteeyey kuwo iyagu isu daran. Wuxuna yiri Abwaanku: Tada maanso waataan kategey toyasha deediiye Matibaaxin tobannaan gu'iyo maalmihii tegaye Tirinteeda waataan kahadhay ama tiraab keede koley hadaanan tii ina miriyo jaamac tebinaynin Aadan iyo tabtii cali hadanad togag biyaynaynin Iska tuurtay mooyee murtidu taabaqaad malehe 7. Hayeeshee waxaan tabanayoo taagan baa jira'e Tixyar caawa aan baadho oo toobsan aan rido'e Waxaan tebeyo aan sheego oo taarar aan diro'e Tabtaad tahay dhulbahantow hadaan idin tusaaleeyo Taariikhihii lasoo maree horiyo taagantiyo maanta Iyo tay hadhoow noqonaysiyo toobiyaha muuqda Toogadii in badan soo taxanayd amase soo tiiley Midna kama tirsana reer tolkay taashna xidhan waaye Tartan uma galaan madaxnimoo tooyan mahayaane Turxaanbaa waxaa looga dhigay taabac reerkale'e Tacluus weeye maantaan ninkale talada siinayne Waw tacadi goortaan anigu waxu tilmaamaaye Tawxiidka kiidiiday iyo tiirarka islaamka Tuug kastoo tolkii soo nocoo dunidu soo tuurtay Oo budhiyo toorey sitiyo toobinkii waranka Oo uu wada takooroo faluhu tahan ka weydaarto Indhali'i kutaageer marqudha kama talaabaane Haw tacasubeen nimuu ibleys tolan kumaalaaye Waa tacab qasaar maal ninkale aad u tabacdaaye Tuurta haku qaadeen nimaan tooda quminayne Tuutaha hawsideen reera'aan toban nin dheerayne Tayaa lays'ku dhaafaye tolkay tirada waa buuxe Tagooyaha waxay kaga jabeen taaggagiyo lawga Tayiisiyo waxaan lagu ogayn wax istusaalayne Dadka kale dantood kama tagaan mana taseeyaane Tawfiiq la'aanbaa iyaga looga dhigay tawse Tafaraaruq baa lagu dhexridey tuhuna waa mooshe Teed baa dhexyaal maalintay wax istusmeeyaane Toolmoonahaw kaca iyagaan taaba gelinayne Way tilmaansadaan maalin qudha kii yar taabaca'e Way tamootiyaan kii iyaga waxugu toosnaaye Taban taabo iyo daa inaad taarataan quruxe Markaasad tumaatiga warmaha kula taraartaane Tafaha waxay uxaytaan inay turun turreeyaane Talaabada markuu toosiyay tukhun tukheeyaane Taakulo waxay uga dhigaan tuuryo iyo maage Tuurbay kusheegaan dalbiyo tootiriyo ceebe Tacliin toodu waa inuu iyaga tuhun dhexyaalaaye Alla tala xumaa reer kayagu tamari yeelkeede Taariikhda meeluun kagala waydin tebeysaaye. Wuxuu ahaa Gabaygii Abwaan C/laahi Cali Saleebaan. Maamulka Shardiid abdihayir.